Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland Admin VSF to vaccinate 660,000 livestock animals: PICS

Recommended Posts

110.jpgDhaqaatiirta Xanaanada Xoolaha oo loo kala direy degaanada Puntland(Sawiro)

 

September 20, 2010

 

Hay’adda VSF Germany iyo Wasaarada Xanaanada xoolaha Dawladda Puntland oo iskashanaaya ayaa maanta direy koox soo talaali doona xoolaha.

 

Dadka la direy oo ka kooban lix koox ayaa waxaa loo direy goobo kala duwan oo kala ah Buuhoodle oo ah xarunta gobolka Ceyn,magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal,Xarfa oo ka tirsan Mudug,Buurtinle oo ah gobolka Nugaal iyo degmada Galdogob oo ka tirsan gobolka Mudug.

 

Dr.C/risaaq oo ka tirsan Hay’ada VSF Germany ayaa goobta ka hadlay,wuxuuna sheegay in kooxdaan maanta baxaaya in ay dirayaan iyaga iyo hay’adahooda ay yihin kuwa u shaqeeya Dawladda iyo dhaqaatiir ka tirsan Ururka Xoolaha.

 

Wuxuu intaas ku daray in kooxahaan ay soo talaali doonaan ilaa 660,000 neef kuwaas oo ku kala sugan goobo kala duwan oo ay aadayaan.

 

Wasiir kuxigeenka Xanaanada Xoolaha Dawladda Puntland Dr.Nuur Axmed ayaa isnaa goobta kula dardaarmay kooxaha dhaqaatiirka maadama ay yihin dad khibrad uleh arrimaha Caafimaadka xoolaha looga baahanyahay in ay howsha ay maanta u baxayaan ay si wanaagsan waajibkooda u gutaan.

 

Wuxuu xusay in kooxahan ay ka danbeyn doonaan kooxo kale oo u kuur galay in shaqada sidii la rabay u qabtaan.

 

Hay’adda VSF Germeny ayaa ah mid inta badan ka shaqaysa daawaynta xoolaha iyadoo gacan inta badan kusiisa wasaarada xanaanada xoolaha si loo daaweeyo xoolaha deegaanada Puntland.

 

Maxamed Saciid Yuusuf

Wakiilka Horseed Media

Garoowe-Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe:Hay'adda VSF Germany oo Degmooyinka Puntland u kala dirtay Takhaatiir bilaabaysa Talaal balaaran oo dhanka Xoolaha ah.

20. september 2010

 

Garoowe:(Allpuntland)-Hay'adda VSF Germany ayaa Takhaatiir badan u kala dirtay Degmooyinka kaladuwan ee deegaanada Puntland gaar ahaan kuwa lagu tiriyo inay joogaan Xoolaha ugu badan oo ay kamid yihiin Gaalkacyo,Garoowe,Buuhoodle,Xarfo,Burtinle & Deegaanada hoos yimaada,Waxaana ay Takhaatiirani Talaalo doonaan Xoolo aad u badan oo Ari u badan oo laga talaalayo cuduro uu uu weynyahay Sambabku.

 

Kulan weyn oo ay VSF Germany qabatay islamarkaasna lagu dirayey Takhaatiirtan ayaa ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland,waxaana kulankan goobjoog ka ahaa madax badan oo katirsan Dawlada Puntland gaar ahaan Saraakiil kasocotay Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee dawlada Puntland oo amaanay Qorshaha cusub ee ay VSF Germany Takhaatiirtan ku dirayso.

 

Dr,Yaasiin oo kamid ah Saraakiisha sarsare ee Hay'adda VSF Germany islamarkaasna kamid ah Takhaatiirta dhanka Xoolaha ah oo siweyn deegaanada Puntland looga yaqaano ayaa halkaas ka hadlay,waxaana uu sheegey in barnaamijkan uu mudo socon doono,islamarkaasna ay talaali doonaan in kabadan 300,000 oo Neef islamarkaasna ay daweyn doonaan in kabadan 600,000 oo ku nool deegaanadan Afarta ah & agagaarkood,waxaana uu Xoola dhaqatada Puntland ka codsaday inay caawiyaan Takhaatiirtan Xoolaha daweynaysa.

 

Wasii xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee dawlada Puntland oo kamid ahaa Madaxdii halkaas ka hadashay ayaa bogaadiyey Barnaamijka ay VSF Germany ay Xoolaha ku daweynayso,wuxuuna sheegey in Wasaaradu ay si gaar ah Talaalkan uga warqabi doonto islamarkaasna ay hirgelintiisa ogaan doonto,wuxuuna sidoo kale Wasiir xigeenku sheegey in loobaahanyahay in xoola dhaqatada dalku ay ka faa'iidaysato Barnaamijkan oo uu sheegey inuu yahay fursad Muhiim ah.

 

Takhaatiirtan ay VSF Germany gobolada kaladuwan ee dalka u kala dirtay ayaa kamid noqonaya Barnaamijyo noocan oo kale ah oo ay Hay'adda waayahaan ku mashquulsanayd,waxaana Talaalkan si gaar ah loo talaali doonaa cudurka Sanbabka oo riyaha ku dhaca,wuxuuna imaanayaa xili ay soo dhowdahay ciidii Carafo oo Aryaha gobolada kaladuwan ee dalka aad loo iibsado qaarna dalka dibadiisa loo dhoofiyo.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xoolaha ugu badan oo ay kamid yihiin Gaalkacyo,Garoowe,Buuhoodle,Xarfo,Burtinle & Deegaanada hoos yimaada,Waxaana ay Takhaatiirani Talaalo doonaan Xoolo aad u badan oo Ari u badan oo laga talaalayo cuduro uu uu weynyahay Sambabku.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhaqaatiir Dhanka Xoolaha ah oo Garoowe uga Anbabaxay talaalka Xoolaha

 

Koox dhakaatiir ah oo ka dhowaan tababar loogu qabtey magaalda garoowe kusaabsan katalaalida xoolaha cudurada dilaaga ah ayaa shalay u ambabaxey 6 goobood oo ka tirsan maamulka pl

 

Maashruucan oo ay maalgeinaysey hayada VS jrmany lagu magacaabo lison islamrkaasina ay fulinaysey wasaarada xaananad xoolaha pl ayaa Tiimamkan shalay ka ambabaxey magaalda garoowe ay u jeedan dhanka degmooyinka buurtinle.xarfo buuhoodle,galdogob.galkacayo,iyo ugu danbayntii tiim u baxaya garoowe

 

Madaxa mashruuca lison Yaasiin Jaamac Shire ayaa ugu horayn sheegey inuu ku faraxsanyay bixitaaka dhakhaatiirtan u baqooley daawaynta xoolaheena si ayuu yiri aanu u helno cad iyo caano nadiif ah waxana uu sheegy inuu ku kalsoonyahay tayada dhakhaatiirtan baxaysa sidoo kalena ka codsaday dawlada iyo dadwaynaha pl in ay gacan siiyaan dhakhaatiirtan si ay u gutaan hawshooda

 

Xarunta wasaarada xanaanda xoolaha ayaa inta la bixin ka hor waxaa shir jaraaid ku qabtey Wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi Nuur Axmed Yuusuf lana dardaarmey dhakhaatiirta shalay baxaysey in ay shaqadooda si lilaalhi ah daacadnimona ku jirto ay u gutaan waxana uu sheegey in tiimamka ay ka mid noqondoonaan dad ka tirsan wasarada islamrkaaisna dabdagal ku sameeya qaabsocodka hawleed ee tiim kasta .

 

Ma ahan markii ugu horeysey oo hayada vs germany ay u dirto dhkhaatiir iyo daawo xoolaha ku dhaqan deegaanda pl waxana ay haydu gacan saar toos ah la leedahay wasaaraa xanaanada xoolaha ee dawlada pl

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this