Sign in to follow this  
Qudhac

NSUM AT CIVIL WAR WITH SSC

Recommended Posts

Qudhac   

Ururka NSUM 00 burburin iyo kala Fur fur weyn ka dhexwada Juffooyinka Beelaha SSC.

 

Ururka NSUM ayaa waayadan danbe wuxuu caadaystey kala qaybinta iyo kala gurka Beelaha SSC dhexdooda. Ururkan oo markii hore ay ku jireen rag aqoonyahano ah oo SSC ka soo jeeda isla markaana loo arkayey kuwo u heelan waxqabadka umaddooda ayaa hada weji kale yeeshay.

 

Tan iyo intii Hogaankii lagu soo dhisay Nairobi uu gudaha galay ayaa wuxuu ururku bilaabay arin u eg Loolan siyaasadeed oo ku aadan la Baratan Hogaanka SSC. Waxayna geed dheer iyo mid gaaban ba u fuleen sidii ay u kala jebin laahaayeen xubnaha Hogaanka SSC ee gudaha ku jira.

 

Kuwaasoo ay u arkayeen hadeey helaan ama ay gacanta ku dhigaan in ay ku loolami karaa awood xaga gudaha ah. Waxaa la xaqiijiyey in xubnihii ay inta badan ku xisaabtamayeen ay ku guul daraysteen in ay helaan, isla markaana Hungadoodii ay dhashay in ay cadho kula dhex dhacaan Juffo hoosaadyada Dhulbahahnte, waxay fur fur baahsan ula dhaqaaqeen beelaha iyo jaaliyadaha Debeda ayagoo beel kasta u diray dad ka soo jeeda una igmaday in xubnahaasi ay soo kala dilaan ama kala fur furan jufooyinkooda hoose.

 

 

 

Waxyaalaha tusaalaha u ah waxaa ka mid ah axadii shalay 13/06/10 waxaa Telefoon shireed isugu timid mid ka mid ah Beelaha SSC kuwaasoo doonayey in ay Aayahooda ka tashadaan isla markaana waraystaan xubno ka socda dadka gudaha si loo ogaado dhibaatooyinka iyo Abaabulka gudaha jira. Waxaana ku soo dhex dhacay xubno beeshaas ka tirsan laakiin wata fekerka NSUM kuwaasoo shirkii beeshu lahady mid kale ka Dul furay. Arintan ayaa waxay dhalisay in shirkii beeshaas u socday uu labo qaybood u kala dhataalmo isla markaana halkaas ay ka dhacdo Midnimo daro ay dadkii kala dhex dhigeen.

 

 

 

Sidoo kale ururkani wuxuu dhawaan faafiyey hadalo kala dilid iyo isku dirid ku ah dadka SSC dhexdooda, ayagoo ka faa'ideytay dhacdooyinki Widhwidh iyo Bali hadhac oo ay sheegeen in dagaalkaas loogaga baxay Beel ka mid ah kuwa SSC. Arintan oo ay si weyn u buun buuniyeen ayaa waxay ku khasbeen dad badan oo aan ahayn indheer garad in ay ka dhaadhiciyaan isla markaana ay ka rumaystaan.

 

Ururka NSUM ayaa hada wuxu u dhaqmayaa dhaqamada lagu sheegay Caalamadaha qiyaamaha ee uu la soo bixi doono Fidno wadaha weyn ee Masiixi Dijaal. Waxaana ay arintoodu hada u eg tahay mid kala erdheyn ilaa heer jufiyood ah oo SSC dhexdooda ah, ayadoo ay socdeen dedaalo lagu doonayo in dadka SSC lagu Mideeyo la isuguna keeno. Waxaa weli ku jira ururkaasi xubno aan fahansanayn ujeedooyinka Ururkan iyo talaabooyinka qarsoon ee uu qaadanayana wax lagala socod siin taa bedelkeedana loo sheego arimo kale oo weji wanaagsan leh.

 

 

 

Ururkan NSUM, ayaa hada wuxuu lee yahay ujeedooyin siyaasadeed oo ku qotoma Xil doon iyo Loolan siyaasadeed oo ay doonayaan in ay la galaan Hogaanka SSC. Waxaana hada cidkastaba uga fog xubnaha majaraha u haya Hogaankaas, ururkan ayaa waxay si gaar ah isugu xidhan yihiin xubno ka tirsan golaha wasiirada ee maamulka Garoowe. Kuwaasoo ay ku heshiiyeen in ay dadka SSC kala erdheeyaan hadaanay tooda noqon.

 

Ma hayaan ilaa hada siyaasad cad oo ay gudaha uga hawlgalayaan ka sokoow abaabul ay wadaan hada oo ah in ay kala fur furan inta hada wada dedaalada dibu u sifeynayd. Waxaadna moodaa in aysan lahayn ujeedo cad oo ku aadan sidii loo wada hawlgeli lahaa ayadoo meel la iska dhigayo danaha Shakhsiyaaded. Inta badan waxay qoraaladooda ku canbaareeyaan shakhsiyaad ay ku sheegaan xildoon, laakiin waxaa iyaga buux dhaafiyey kuwo ay isugu darsantay xil doonimada iyo wax qabad la'aanta.

 

 

 

Ma jiro qof aan dano gaar ahaaneed lahayn , waxaase muhiim ah in ruuxu uu iswaafajiyo danahiisa gaar ahaaneed iyo kuwa Bulshada si uu u gaadho dantiisa. Laakiin waxaad moodaa in NSUM ay labaas arimood is waafaji kari la'yihiin. Waxaana hada ay ku soo urureen in ay dhex galaan oo kala didiyaan ilaa Jufooyinka hoose ee Bulshada iyo beelaha SSC taasoo hada ah mid dad badani ay ka war helaan reero badana ay ********.

 

Waxaana dhawaan la gaadhi doona wakhti xubinta NSUM ku jiraa ay la mid noqon doonto kuwa jooga Hargaysa iyo Garoowe. Shakhsiyaadkaas oo hada aan wax shacbiyad iyo wanaag siyaasadeed ah aan ku lahayn mandaqadaha ay ka soo jeedaan. Waxyaalaha ugu badan ee nimaankaas lagu nacayna ay tahay dhibaateynta dadka SSC, waxaadse mooda in hada xubnaha NSUM ay baro dheer yihiin kuwa maamulada u shaqeeya ayagoo maraya heer xubinkasta ay kala Erdhayso juffadeedii hoose oo ay kala qoqobto.

 

 

 

La soco qaybta danbe Magacyada xubnaha kala fur furya Jufooyinkooda ee NSUM ka tirsan.

 

http://horufadhi.com/news_detail.php?nid=539

Share this post


Link to post
Share on other sites

NSUM waxa u madax ah qolada garaad selebaan , khuusuusiga na waxa sameyey garaad jamac iyo xaglajifiye waxa tageera garaad jamac garaad cali. Wuxu wa iska reer miye , Ma nimanki yidhi ciidanka qarranka somaliland iyo tiknikada somaliland waxanu kaga hor tagayna fardihi darawiishta :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

loooooooooooooooooooool

fardihii darwiishta

 

 

lakiin i generally understand ssc but its very hard to understand nsum group they tend to preach from abroad.. whats their aim.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Their aim is an counter attack on the Khuusuusi because of the clan Competition, on the other hand the nsum are a group of Diaspora members , You know the meeting in Nairobi in 2009 Ama shirki Horseed. The nsum were behind the organization From the beginning they felt Xaglajifiye the Nurse From ohio. took their opportunity To lead beesha. And now they write calacaal articles from abroad

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

i have done bit research and they seem to be money making scheme... this is their registration form you have to pay 100 dollers to become a member...

 

loool their motto is UNITE AND WE GET POWER

 

 

 

ID number:

 

 

Northern Somalian Unionist Movement (NSUM)

 

 

(United we get the power, divided we lose our land)

 

Registration form

(Foomka diiwaan gelinta)

 

 

Member Information

(Xogta xubinta)

Name

(Magac):

Address

(Ciwaan):

City

(Magaalo):

Country

(Wadan):

 

Telephone home

(Telefoonka guri):

Mobile

(Mobil):

Fax

(Faks):

E-Mail:

 

I would like to become member of NSUM and pay the membership fee of 100 USD first time and 10 USD pr.month

(Waxa aan jeclahay inaan xubin ka noqdo NSUM oo aan bixiyo lacagta xubinimada oo ah 100USD marka u horeysa iyo 10 USD oo joogto bishiiba).

 

 

Signature (Saxeex):

Date (Taariikh):

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Guys since your mighty army/militia can't do much, now it's time of lip talks and crap spin. These posts you have posted around the sol forum show your frugality. It's early stages and too early for all these cabaad..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

which faction are you supporting, the money laundering junta of ssc, or the online fraudsters of NSUM.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   
:D:D:D I never thought and knew your too much bakhbakh can cease and end this simple and quick way. Just two small skirmishes are enough.. You too easy and simple guys..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Duufaan   

Khadar maad nimankan iska dhaaftid hadii kale way ku ashtekeene!

 

I knew khadar. I predicted when the things heated up, they will cry for help 360 degree. from Adis to Moqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this