Sign in to follow this  
Jumatatu

Warbixin Ku Saabsan Kulankii Shariif Xasan Iyo Baarlamaanka Canada

Recommended Posts

Jumatatu   

Canada.gif

 

Guddoomiyaha DFKM mudane Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo wafdigiisii waxay subaxdii hore booqasho ku tageen dugsiga hoose ee Pinecrest oo ay dhigtaan dhalaan badan oo Soomaaliyeed oo uu halkaas kula kulmay ayaga iyo maamulaha iskuulka iyo macalimiinta. Wuxuu halkaa ka jeediyey khudbo gaaban oo ka hadlaysa muhiimadda ay waxbarashadu leedahay.

Ka dib waxay kulan gaar ah xafiiskiisa ku dhexyaal Baarlamaanka Canada kula qaateen Mudane Alan Tonks oo ka tirsan xisbiga xukunka haya ee Canada. Ka dib wuxuu maanta Guddoomiyahu nasiib u yeeshay in uu ka qeyb galo furitaankii baarlamaanka Canada asaga oo halkaas magaciisa laga sheegay oo ay u istaageen madaxda waddanka Canada oo dhan. Mudane Shariif Xasan wuxuu ku mutaystay halkaas ammaan ballaaran oo uu u soo jeediyey dhiggiisa Canada. Ka dib wuxuu kulan khaas ah la yeeshay Guddoomiyaha baarlamaanka Canada iyo kalkaaliyayaashiisa iyo xubno kale oo ka tirsan baarlamaanka Canada, ayagoo halkaas uga wada hadlay sida dawladda Canada ay door weyn uga qaadan laheyd dib u soo nooleynta qaranimadii iyo karaamadii waddanka burburay ee Soomaaliya. Waxay dhammaantood halkaas ku ballan qaadeen in ay gacan weyn ka geysan doonaan codsigaas. Wuxuu guddoomiye Shariif Xasan halkaas marti qaad u fidiyey Marwo Jean Augustine oo ah ku guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Canada, ayadoo ballan qaaday in ay arrintaas ku tillaabsan doonto.

 

Canada1.gif

 

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa laga casuumay mar kale barri oo Talaado ah Baarlamaanka Canada si halkaas ula kulmo madax badan oo ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Canada, Mudane Piere Pettigrew. Waxaa kale oo wafdiga Soomaaliyeed la siiyey ballan qaadyo sir ah oo aan wali la shaacin karin.

Habeenimadii Isniinta waxay Guddoomiyaha iyo wafdigiisii ka qeyb galeen kulan weyn oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ottawa. Waxaa halkaas laga sheegay taariikh nololeedkii guddoomiyaha. Waxaa halkaas hadal qiimo leh ka jeediyey Ra'iisul Wasaare ku xigeenka DFKM mudane Maxamuud C/laahi Jaamac (Sifir) iyo Gudoomiyaha iyo Prof. C/raxmaan Aden (IBBI) oo ah wasiirka xiriirka Baarlamaanka iyo Dawladda.

 

Canada3.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

Jumatu

 

waryee sxb ninyow adna ma General oo kalaad nagu noqotay xagaad kan shariif dhuusoduu dhuusoba noogo soo qoraysaa,

 

siyaasadiiba waxaad ka dhigteen sida football teams, nimba team uu support gareynayaa, waraa anuu afbijo united aan taageraa nooh :D ana waraa shariif Fc iyoo suudi rangers iyo qaar kaloo badan :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this