Sign in to follow this  
ANWAR

Ahlu-Sunnah oo qabsatay degmada Raaga Ceelle

Recommended Posts

ANWAR   

Ururka Ahlu-Sunnah iyo maleeshiyo beeleedyo isgarabsanaya ayaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen gacanta degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe kadib dagaal culus oo socday xalay ilaa saakay ay kula galeen deegaanadaasi maleeshiyada al-Shabaab.

 

Ahlu-Sunnah ayay u suuro gashay in ay la wareegeen degmadaasi kadib markii ay ka carareen halkaasi maleeshiyadii sl-Shabaab ee halkaasi ku sugnaa, sida uu warbaahinta u sheegay sargaal ka tirsan ahlusunnah.

 

Sheekh Cumar Muuse oo dagaaladan uga warbixiyay warbaahinta ayaa sheegay in ay iyagu weerarkan ku qaadeen xalay saqdhexe al-Shabaab ayna dagaal culus kadib ka saareen deegaanka.

 

Waxa uu sheegay in ay ku tala jiraan in ay guud ahaan ka saaraan gobolka Shabeelaha Dhexe maleeshyaadka Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan shacabka gobolka ku dhaqan.

 

Sideed askari ayuu sheegay in ay uga dileen al-Shabaab dagaalkan, isagoona dhinacooda wax qasaare ah ka sheegin.

 

Wax war ah wali kama soo bixin dhanka Al-Shabaab oo ku aadan dagaaladan iyo degmada la sheegay in lagala wareegay.

 

link: http://media.voanews.com/audio/Lower-Shabelle-fighiting-04April10.Mp3

 

ahlusunnah3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this