Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland electoral commission sworn in Pics

Recommended Posts

Hargeysa (SDWO 28/10/09) - Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Maxamed Xirsi Oomane ayaa saaka toddobada xubnood ee loo soo magacaabay Komishanka ku dhaariyay xarunta Madaxtooyadda Somaliland, waxaana xafladda dhaartu ay ka hor dhacday Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan labada guddoomiye ee labada xisbi mucaarid Axmed Siilaanyo iyo Feysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu toddobada xubnood mid walba gaarkiisa ugu dhaariyay inay daacad u noqonayaan diinta islaamka, dalka Somaliland, dalkiisana ku maamulayaan sinaan iyo cadaalad inta ay xilka hayaan, waxaanu sheegay inay tahay waajib Distooriya waxaanu ilaahay u beryay inuu khayrkeeda waafajiyo.

 

 

dhaartiikomishanka2.jpg-for-web-large.jp

 

 

Madaxweynaha Somaliland Mud. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta dhaartii komishanka doorashooyinka ka dib ka hadlay xafladaasi waxaanu hadal duco iyo dardaaran u jeediyay xubnaha Komsihanka waxaanu yidhi “Xafladan waxaan u sameeyay si aanu goob joog uga noqono dhaarta Komishanka si ay labada oday (Guddoomiyeyaasha xisbiyada KULMIYE iyo UCID) si aanu sidii hore uga yara xoojino.horta waxaan idiin rajaynayaa shaqo weyn ayaa halkan idiin taalla,kalsooni baan idin siinaynaaye’e shaqada idiin taala wada shaqayn wadareed ayaad kaga baxaysaan (Team work) baad kaga baxaysaan waxaan idinku dardaarmayaa inaad wadar ku shaqaysaan Anaguna duco ayaanu idiinku daraynaa inuu illaahay hawshaasi idin hortaala idiin fududeeyo. Intaas ayaan Anigu odhanayaa

 

 

dhaartiikomishanka.jpg-for-web-large.jpg

 

Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in maalinta barri xarunta Madaxtooyada lagu qaban doono xaflad lagu xusayo qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay dalka, 29-kii October ee 2008-dii oo sadex qarax oo kala duwan lala beegsaday xarunta madaxtooyada, Xafiiskii UNDP iyo Safaarada Itoobiya, waxaana qaraxaasi ku dhintay dhawr iyo labaatan qof halka ay ku dhaawacmeen sodameeye kale.

 

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xafladan lagu soo marti qaadi doono axsaabta siyaasada si midnimo loo muujiyo.

 

 

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa bogaadiyay xubnaha guddida doorashooyinka qaranka ee la dhaariyay, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waanu idiin hambalyaynaynaa oo idiin ducaynaynaa, dhaartaas aad qaadeena inaad fulisaan ayaan idiin rajaynayaa. Xilka maanta la idin saaray waa xil weyn oo qaran. Anaguna kalsooni weyn ayaanu idin siinaynaa oo idinku qabnaa waxaan ilaahay inooga rajaynayaa inuu gidigeenba hawsha inoo fududeeyo, waynu ognahayoo dareeno badan baa jira waynu ognahay wixii ina soo maray. Hawshaasi kaga baxa wada jirkiina iyo dhaartaas aad ku dhaarateen. Waxaan ilaahay ka baryayaa inaanaan faro gelin badan idinku samaynin. Xilka la idinka sugayaa waa mid aad iyo aad u culus. Waxaaanu jecel nahay haddii aanu nahay madaxdii xisbiyada iyo murashaxiintii aad u xaqsoorayseen in si siman oo aanaan idinla kala fiqin oo cadaalad ah aad hawshaasi uga soo bixi doontaan.”

 

 

Xubnaha%20Komishanka%20Doorashooyinka2.j

 

 

Xubnaha%20Komishanka%20Doorashooyinka.jpXubnaha%20Komishanka%20Doorashooyinka.jp Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo isaguna ka hadlay xafladii loo sameeyay dhaarinta komishanka wuxuu yidhi “Ilaahay waxaan idiinka baryayaa inuu xilka idinku asturo, arrintan la idiin dhiibay waa arrin weyn qofka gudoomiyaha aad iska dhex dooran doontaan uu ku soo bixi doono qof khayr lihi. Waxaan jeclahay inaad halkaas ka wadi doontaan oo aad doorashooyin xor iyo xalaal ah qaban doontaan. Waxa la eegayaa bilowgiina waxa aad ku bilowdaan oo aad madax fiican doorataan oo aad tidhaahdaan yaa inoogu fiican oo u qalma oo isku hayn kara dalka gudahiisa iyo dibadiisaba. Laakiin haddii mid kastaa yidhaahdo Aniguna waan geyaa xilka. Tartan baa idinka dhex bilaabmaya ka ku soo baxana hadhoow lala shaqayn maayo.”

 

 

Xubnaha%20Komishanka%20Doorashooyinka.jp

 

“Barrito waa 29-kii October waa maalintii aad ogaydeen wixii la inagu soo qaaday, waa inaynu shacbi weyne iyo xukuumad ahaanba wada jir u xusnaa oo dadkeenii xusuusanaa,kuwa hadda inoo soo hanjabayana waa inaynu u sheegnaa inaanu muranka dhexdeena aanay micnaheedu ahayn waanu kala jeednaa. Waxaanu diyaar u nahay oo hal ujeedo oo qudha aanu leenahay waa inaynu dadkeena u sheegnaa inaynu feejignaano, oo meel qudha haddii xabadi ka dhacdo Anagoo maqiiqan oo midaysan inaanu u soo baxayno,” Faysal Cali Waraabe.

 

 

Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa

 

sirshiine@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this