Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: 49 anti government militia surrender to government...report

Recommended Posts

49-maleeshiyo oo kasoo baxsaday kooxaha dagaalka ka wada Muqdisho

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 10-Febraayo-08

 

 

Mesleeshiyaad kasoo baxsaday kooxaha ka dagaalamayay mudooyinkan danbe qeybo ka mid ah caasimadda Somaliya ee Muqdisho ayaa sida saraakiisha dowladu sheegayaan waxaa ey isu soo dhiibeen lixdan (60) ka mid ah dhalinyaradaas ciidamada dowlada.

 

Soo baxsashada maleeshiyaadkan dhalinyarada ah ayaanan la sheegin goorta ey dhecday laakiin waxaa maanta 49 ka mid ah dhalinyaradan maalta la keenay xarunta gobolka Banaadir halkaasoo loogu qabtay xaflad soo dhaweyn ah.

 

Dhalinyaradan oo qaarkood laga dhadhansanayay rafaad ayaanan la hadlin saxaafadda, waxaana xafladan loo qabtay maanta kasoo qeyb galay masuuliyiin dhowr ah oo ey ka mid yihiin taliyaha ciidamada boslika General Cabdi Qeybdiid, taliyaha nabad sugidda Gen. Darwiish iyo gudoomiyaha gobolka Maxamed Dheere.

 

 

Maleeshiyadan maanta soo xaadirtay xafladana loo dhigay ayaa la sheegay in ey beel ahaan kasoo jeedaan beesha ........., waxaana hadalo amaan iyo dhiiri galin ah u jeediyay masuuliyiihtii ku qaabilay xarunta gobolka ee kala duwanaa.

 

“Dhalinyaradaan waxey ka mid yihiin dhalinyarada Beesha ......, waana dhalinyaro uu u baahan yahay qaranka Soomaaliyeed, waxeyna doonayaan inay bad baadiyaan qarankooda oo ay dhibatada ka saaraan” , ayuu yiri Jenaral Max’ed Warsame Faarax Daraawiish

Gudoomiyaha gobolka oo isna ka hadlay halkaa ayaa sheegay in go`aanka ey qaateen dhalinyaradan yahay mid ku dayaysho mudan, wuxuuna intaa raaciyay in ey garab taagnaan doonaan dhalinyaradan eyna qalabeyn doonaan si ey ugu adeegaan dalkooda ugana saaraan dhibka.

 

Dadaalka dhalinyaradan ey uga soo bexeen kooxaha dagaalka ka wada qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa yimid kadin markii mudooyinkan danbe wado hadalo u socdeen odayaal dhaqameed kasoo jeeda beesha......... iyo gudiga amniga iyo kan gobolka Banaadir.

 

 

Calanka.com Isha wararka xaqiiqda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Ciidamo ka soo baxsaday Kooxaha ka soo horjeeda Dowlada Soomaaliya oo isku dhiibay dowlada Soomaaliya.

10. februar 2008

 

Muqdisho(AllPuntland)- Ciidamo ka mid ahaa Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayaa isku dhiibay ciidamada dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,waxa ayna ciidamadan gaarayaan 60 ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Maleeshiyaadkan ayaa xaflad balaaran loogu sameeyey Xarunta Maamulka gobalka Banaadir ,waxaana hadalo ka jeediyey Masuuliyiin ka tirsan dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,ayagoo shaaca ka qaaday in ay Ciidamadan soo joosteen markii ay arkeen xaaladu meesha ay mareyso.

 

Taliyaha Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in looga baahan yahay dhamaanba dhalinyarada Soomaaliyeed ee la qaldayo in arkaan Wiilasha cusub ee ka soo baxaya kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka e Soomaaliya.

 

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb ayaa sidoo kale sheegay in ay Maamulkoodu cafis ufidinayaan cid walboo isasoo dhiibta ,ahna dhalintii ay Maskaxdooda qaldeen kooxaha ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya.

 

Maxamed Dheerre wuxuu kaloo ku nuux-nuuxsaday in looga baahan yahay qof walboo Soomaaliyeed in ay taageereen dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ayna dowlada Soomaaliya in ay dadaal dheer ugu jirto Xasilinta amaanka Soomaaliya.

 

Talaabadan maanta lugu soo dhaweeyey Kooxo ka mid ahaa Kooxaha ka soo horjeeda dowlada Faderaalka ee Soomaaliya ,ayaa horseedi kara in ay Soomaaliya noqoto meel nabadgayo baahsan ka jirto.

 

Faarax Cabdulqaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

General darwiish “Waal Alle Mahadii hadii intaan oo dhalinyaro ah Oo muddo dheer xabad kala soo horjeeda dowladooda ay maanta garteen qaranka in ay u adeegaan”.

 

Taliyaha ciidamada Nabad sugida qaranka Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha gudiga amaanka Qaranka General maxamed Warsame Faarax Darwiish ayaa maanta ka dhawaajiyay in uu aad ugu kalsoon yahay dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed in ay soo raaci doonaan wadada ay jeexen dhallinyaro horay uga tirsanaa malliishiyadii maxkamadihii beelaha Midoobay oo maanta ogolaaday in la qarameeyo.

 

Taliyaha ciidamada Nabad sugida qaranka Soomaaliyeed ahna guddoomiyaha gudiga amaanka Qaranka General maxamed Warsame Faarax Darwiish ayaa maanta ka dhawaajiyay in uu aad ugu kalsoon yahay dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed in ay soo raaci doonaan wadada ay jeexen dhallinyaro horay uga tirsanaa malliishiyadii maxkamadihii beelaha Midoobay oo maanta ogolaaday in la qarameeyo.

 

“Waal Alle Mahadii hadii intaan oo dhalinyaro ah oo muddo dheer xabad kala soo horjeeda dowladodoa ay maanta garteen qaranka in ay u adeegaan” ayuu yiri General Darwiish oo ka hadlayay munaasabad balaaran oo dhallinyaradan maanta lagu qarameynayay.

 

“Dowladda federalka Soomaaliya intii ay jirtay dhallinyaradani waxaa ay ka mid ahaayeen kuwii xabada kala soo hor jeeday,maantana waa ciidan qaran,waxaan mahad celinta koobaan u jeedineynaa Allah oo garadsiiyay in ay ka haraan wadadii xumayd oo ay ku joogeen anagana na fahamsiiyay in aan soo dhaweyno”ayuu hadlkiisa sii daba dhigay Taliyuhu.

 

Hadalkan ayuu taliyaha nabad sugida qaranku ka sheegay munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday xarunta gobalka Banaadir oo dhallinyaradaa lagu qarameeyay.

 

Axmed Sheekh Qoor Leex oo dhalinyaradan ay isku heyb yihiin oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyaradani ay soo dalbadeen in ciidamada qaranka lagu biiriyo ,iyagoo cafisna weydiistay dowlada federalka oo lagana ogolaady.

 

“Anaga oo heybtooda ah ayay ergo ahaan noo soo dirsadeen,madaxda qarankuna markii aan u sheegnay way ku farxeen arrinkaa wayna soo dhaweeyeen”ayuu Mr Qoor Leex hadalkiisa sii daba dhigay.

 

“Waxaan ka mid ahayn maliishiyadii maxkamadaha,waxaana dalbanay in ciidanka qaranka nalaku biiriyo oo wixii aan dowladda xaq ugu leenahay aan ka helno,waana ku faraxsanahay in maanta aan nahay ciidan qaran”sidaasina waxaa yiri Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa maliishiyooyinkii maanta la qarameeyay.

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

50 ka goosatay Maxkamada Islaamka oo ku Biiray DF

10 Feb 10, 2008 - 4:30:07 AM

 

Munnaasabad ay soo agaasimeen gudiga amniga qaranka DF ayaa maanta lagu soo bandhigay ilaa 50 dhalinyaro ah oo la sheegay inay ka soo baxsaden xoogaga Maxakmadaha Islaamka kuwaas oo ku soo biiray dowladda.

 

Waxa munaasabadaani goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha gobolka Banadir Maxamed Cumar xabeeb (M.Dheere) ku-xigeenada mamulka, Taliyaha Ciidanka Boliska Somaliyed Cabdi Xasan Cawaalle Qeybdiid iyo saraakiil Ethiopian ah waxana ugu horeyn halkaasi ka hadlay taliyaha nabad sugidda Maxamed Warsame Darwiish.

 

 

“Waxaan isku dileyno idinkuna ma macneyn karatan anaguna sidoo kale marka labadeena kii qaldan maalin ayuu ogaanayaa inta ka horeysa dad baa waxa ay ka cawdaan waa nala xiray war xarigu mar buu xal noqdaa maxaayeelay intaan is-dili lahayn waxa ka wanaagsan inaan inta is xirno aan isku caqli celino”. sidaana waxa yiri Mr, Dawiish oo ka hadlayey munaasabdaas.

 

Waxa uu intaasi ku daray Taliyaha nabad sugida qaranka Maxamed Warsame Darwiish inaysan jirin cid laga xigo wadanka islamarkaana la wada leeyahay.

 

Munnaasabadaan ayaa waxa sidoo kale ka hadlay dhalinyaradii la sheegay inay ka soo goosteen Maxkamadaha Islaamka.

 

“Anagu waxan nahay dad dhalinayaro ah oo u shaqaynayay Midowgii Maxkamada halkaana waxan ku joognaa ilaa 60 nin oo ciidan ah waxana rabnaa inaan dowladda la xisaabtano oo aan waydiisano waxa naga maqan ayuu yiri”. ninkaasi ka mid ka ah dadka la sheegay inay ka soo baxsadeen kooxaha ka soo horjeeda dowladda.

 

Suldaan C/naasir Jaamac Seed oo katirsan xubno beesha ********** oo maanta ka qeyb galay munaasabadaasi ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in dhalinyaradaani ay ku soo biiraan dowladda FDKMG ah ee Somalia.

 

Waa markii ugu horeysay oo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Somalia ay soo bandhigan rag ay sheegeen inay ka soo goosteen dhinaca koxaha ka soo horjeeda,iyadoo dhowr mar kooxaha ka dagaalamaya magaalada Muqdisho ay sheegeen inay jiraan rag ay sheegeen inay dowladda ka soo goosteen.

 

Oddawaa,Muqdisho

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ What an entertainer.

 

Here is M'dhere making the original claim with out any proof. M'dheere shameless claim

 

That claim was made by the same man who said.. yey stole mattresses from jowhar where he was living as a guest under M'dhere Protection.

 

Would you also believe this or do you like to pick and choose the reliability of mans word depending on how it suits you?

 

 

And the icing on the cake or just another embarrassment to your naivety ...

 

Here are the reaction of the falsely accused Mujahids.

Share this post


Link to post
Share on other sites

"

Police say 49 insurgents surrender in Mogadishu

 

 

Sunday, February 10, 2008

 

MOGADISHU (Reuters) - Dozens of members of an Islamist insurgent group handed themselves over to Somalia's interim government in the capital on Sunday, police said.

 

"Forty-nine fighters from al-Shabab surrendered to the authorities in Mogadishu this morning," said a police officer who asked not to be named. He was referring to the military wing of a sharia courts group ousted from the capital last year.

 

He gave no other details, and insurgent leaders could not immediately be reached for comment.

 

Somalia's government and its Ethiopian allies face a persistent Islamist insurgency in Mogadishu. Rights workers say fighting in the capital killed 6,500 people last year. (Reportng by Abdi Sheikh; Writing by Daniel Wallis).

 

Source: Reuters, Feb 10, 2008"

 

Great news, for those who say they don't believe it, what did you want to do? continue killing people?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Reporting on a story doesn't make it true. This is where critical thinking skills come in. Read the story - look at it - and ask yourself, is it reasonable?

 

Think about it for a minute.

Why surrender to Yeey? the same Yeey who wants to execute the "terrorist groups", when they could bloody well disappear, or mix in with the civilian population? They know, and we know, that Yeey won't give them drink at honeyed fountain, nor comb their jihadist beards. I'm sure those young brave hearts would call for death before surrender.

 

Dad masaakin intay soo qab-qabtaan, oo dhulka fadiishiyaan, ha dhahaan waa Al-Shabaab is dhiibay! kkkkkkkkk...L0L. Taasoo kale waxaa dhahnaa, "riyo."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Again, based on what the "police said"

 

I dont hold it against Returs for assuming the police would be slightly honest about their claims

 

So hey, lets not ignore the TFG mass resignation being countered with none sense propaganda smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this