Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf arrives in London: for check up..

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmaya ra'iisal wasaaraha Britain

 

Last Updated::2007-02-19 11:38:56

 

abdullahi_yusuf_shircaalami.jpg

 

London:- Madaxweynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo maalintii shalay gaarey magaalada London

ee carriga Ingiriiska ayaa maanta kulan la yeelanaya ra'iisal wasaaraha Britain, Tony Blair.

 

Kulanka ay maanta yeelanayaan Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Tony Blair ayaa waxaa ka horreeyey kulamo uu madaxweynuhu la yeeshay mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Britain.

 

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlaya xaaladda guud ee dalka Soomaaliya, iyadoo Britain ay kamid tahay waddamada reer galbeedka ee taageersan dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Waxyaabaha ay mas'uuliyiinta UK iyo Somalia ay ka wada hadlayaan ayaa waxaa kamid ah qaabkii ay dawladda Ingiriisku u taageeri lahayd ciidamada nabad ilaalinta ee la filayo in ay dhowaan soo galaan waddanka Soomaaliya.

 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale, maalintii shalay la kulmay boqoradda Ingiriiska Elizabeth II.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la kulmaya ra'iisal wasaaraha Britain

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadd Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo maalintii shalay gaarey magaalada London ee carriga Ingiriiska ayaa maanta kulan la yeelanaya ra'iisal wasaaraha Britain, Tony Blair.

 

Kulanka ay maanta yeelanayaan Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Tony Blair ayaa waxaa ka horreeyey kulamo uu madaxweynuhu la yeeshay mas'uuliyiin sarsare oo ka tirsan dawladda Britain.

 

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlaya xaaladda guud ee dalka Soomaaliya, iyadoo Britain ay kamid tahay waddamada reer galbeedka ee taageersan dawladda federaalka Soomaaliya.

 

Waxyaabaha ay mas'uuliyiinta UK iyo Somalia ay ka wada hadlayaan ayaa waxaa kamid ah qaabkii ay dawladda Ingiriisku u taageeri lahayd ciidamada nabad ilaalinta ee la filayo in ay dhowaan soo galaan waddanka Soomaaliya.

 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale, maalintii shalay la kulmay boqoradda Ingiriiska Elizabeth II.

 

Sucaad Mire Maxamed

Share this post


Link to post
Share on other sites

LONDON: Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inuu Maanta kulan la qaato Ra'iisul wasaaraha Ingiriiska Blair

 

Posted to the Web Feb 19, 07:33

 

 

London (PP) – Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo gaaray magaalada London ee dalka Britain ayaa lagu wadaa inuu manta kulammo la qaato Ra’iisul wasaaraha Britain Tony Blair.

 

 

Madaxweyne Yuusuf oo markuu ka dagay garoonka diyaaradaha ee Highbrow Airport ay ku soo dhaweeyeen madax ka tirsan dalka Britain ayaa lagu wadaa inuu maanta kala hadlo Blair, xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Britain.

 

 

 

Kulankaan ayaa ilo wareedyo ku sugan London waxay inoo sheegee inuu noqon karo mid ay labada mas’uul ee Soomaaliya iyo Britain ay kaga hadlaan xaaladda dalka Soomaaliya uu xilligaan marayo iyo sida dowladda Britain ay gacan uga geysan lahayd taageeridda dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanka kale la sheegay in lagu wado inuu kulammo la qaato jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Britain, waxaana lagu wadaa in Madaxweyne Yuusuf uu warbixin dheer ka siiyo xaaladda dalka Soomaaliya uu haatan ku sugan yahay iyo sida loogu baahan yahay inay nabad soo celinta qayb uga noqdaan.

 

 

 

Sidoo kale xaalado caafimaad ayaa lagu wadaa inuu halkaas ku maro, isagoo baaritaanno caafimaad oo dheeri ah ku sameyn doona jirkiisa, waxaana wararku sheegayaan in sida ugu dhaqsiyaha badan uu dib ugu soo laabanayo gudaha dalka.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadisho

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yusuf oo ka dagey London

19 Feb 19, 2007 - 4:30:06 AM

 

Madaxweynaha Dowlada Federalka Somalia Cabdilaahi Yusuf Axmed oo shalay gaaray dalka Britain, ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Dowlada Ingiriiiska.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulan la yeeshay xubno ka tirsan Jaaliyada Somalida ee dalkaasi, isagoo kala hadlay sidii ay u taageeri lahayeen dowladiisa.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu la yeesho ra'iisul-wasaaraha dalka Ingiriiska Tony Blair

Socdaalka Madaxweynaha uu ku tago dalka Ingiriiska ayaa noqonaya kii labaad uu halkaasi ku tago tan iyo markii 2004 loo soo doortay Madaxweynaha DFKMG ah.

 

Cabdi Fatax Axmad,GO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo kulan la yeeshay Tony Blair.

 

London, Talaado 20 February 2007 Simba Radio

 

Madaxweynaha Dowladda Kumeelgaarka ah ee Soomaliyeed Cabdulaahi Yusuf Axmed ayaa kulan ay albaabada u xiranyihiin kula qaatay dalka Britain raiisulwasaaraha dalkaasi Tony Blair iyagoo ka wada hadlay arimo faro badan.

 

Cabdulaahi Yuusuf oo dalka Britain u baqoolay todobaadkan horaantiisa kadib markii uu martiqaad ka helay xukuumadda Ingiriiska ayaa wuxuu kala hadlay Ra'iisul wasaare Tony Blair arimo la xiriira xaaladda uu dalka ku sugan yahay xiligaan iyo taageerada ay u baahantahay Dowlada Federaalka Somalia.

 

Diiriye Jaamac Geelle oo ka mid ah masuuliyiinta ku howlan martigelinta Madaxweynaha ee dalka Britain ayaa wuxuu Idaacadda Simba u sheegay in labada Mas'uul ay isla soo qaadeen arimo faro badan oo ay ka mid tahay sidii lo xoojin lahaa xiriir dhex mara labada dhinac iyadoo Tony Blair uu balan qaday in si buuxda loo taageero Dowlada Federaalka Somalia.

 

Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayaa warbixin ka siiyay Ra'iisul wasaare Blair ma rxaladda Somalia ee iminka iyo waxyaabihii ay soo martay xiliyadii dhowaa.

 

Madaxweynaha waxay sidoo kale kulmeen Afar wasiir oo kale kadib markii uu kulankiisa hore la qaatay Tony Blair wuxuuna kala hadlay arimo wasiiradaasi quseeya oo ay ka mid tahay la dagaaalanka waxa loogu yeero argagaxisada.

 

Madaxweynaha ayaa socdaalkiisa ku soo beegmay xili dowladda ay xusul duub ugu jirto sidii ay taageero ugu heli lahayd dar dar gelinta ciidamada nabad ilaalinta Afrikaanka ah ee la filayo in Somaliya la keeno si ay nabadda u sugaan.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Other than you and the other clannish individuals, no one really cares about this man’s wellbeing.

 

He could do us all a favor and hold his breath for at least 30 minutes to makes sure that not a single breath is left in his body to exhale. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^look at the ********** on going insult.

 

The President is a gift to Somalia. Our country has been begging for his kind to take the leadership role.

 

one thing is for sure we won't have a ******* like your self as our President ever.

______________

 

Respect the members, baliis.

 

[ February 20, 2007, 03:37 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pi   

********************

 

[ February 20, 2007, 03:39 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

For those of you in London, there is going to be a demostrationg against this traitor at :

 

Cromwell Hospital

West Cromwell Road

London SW5

 

Neartest Tube Station: Earls Court.

Date: February 21, 2007

 

 

Be there...........

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by mystic:

Other than you and the other clannish individuals, no one really cares about this man’s wellbeing.

 

He could do us all a favor and hold his breath for at least 30 minutes to makes sure that not a single breath is left in his body to exhale.
:D

I guess it pains everyone to see that old man in a leadership position. Mystic I have never seen you or any of the other nomads here blaming Geedi or wishing for his death although he had the bulk of the responsibility in bringing the Ethios to Somalia and has blood relations with them. Abdullahi Yusuf might be a lot of things but unlike the rest of you he is not a clannist bigot. Have you ever seen or heard reports of him making accusations against others because of their DNA? Shame on all of you! You can hate all you like I do not care but hate rationally and justly.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Duke,

 

Malaha odaygu waa baxsade u kaadi. He was hiding in Baidabo lately I was told since Mugadisho is getting out of hand.

 

BTW, Where are the Ugandan saviors? They were due in Mugadisho on Saturday. I guess they realized how suicidal this whole mission is.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this