Sign in to follow this  
Camel Mlik

Somali warlords debate fight against government

Recommended Posts

Somali warlords debate fight against government

- Wednesday, September 21, 2005 at 00:25

 

By Guled Mohamed

 

NAIROBI, Sept 20 (Reuters) - Warlords opposed to Somali government leaders based in Jowhar met on Tuesday to debate whether to attack or reconcile, underscoring the deep stalemate and potential for war in Somalia's latest attempt to find peace.

 

The warlords, most of whom are cabinet ministers in the government and favour Mogadishu as the capital, see the president's base in provincial Jowhar and his massing of fighters there as a sign of imminent attack.

 

Since it was formed in neighbouring Kenya in 2004, President Abdullahi Yusuf's interim government has been split over where it should be based while security is restored in the Horn of Africa nation, without effective central authority since 1991.

 

Warlords in control of Mogadishu, Juba, Lower Shabelle and Bay regions were debating at Tuesday's meeting whether they should convene in coming days in Ba'lad and simultaneously mass their militiamen and heavy weapons there, witnesses in the Somali capital told Reuters by telephone.

 

To move the militias to Ba'lad -- outside Mogadishu on the way to Jowhar where thousands of troops loyal to the government are based -- would likely be seen as a provocation.

 

Spokesmen for Yusuf and his ally Prime Minister Mohamed Ali Gedi in Jowhar, which lies 90 km (56 miles) north of Mogadishu, could not immediately be reached for comment.

 

A source at the meeting, who declined to be named, told Reuters by telephone that the warlords were split over whether they should move to Ba'lad. Some fear it would provoke a war, while others argue that they should strike first.

 

The bellicose sentiments left war-weary Mogadishu residents hopeful the meeting would produce a peaceful answer.

 

"We don't want them to fight. The militia who are in Jowhar are the brothers of these in Mogadishu. We need to end the conflict," said Ahmed Warsame, a 55-year-old moneychanger in Mogadishu's Bakara market.

 

"We need a hand of peace and not war," he said by phone.

 

In a poll conducted by local radio station HornAfrik this week in Mogadishu, 80 percent of residents said they are for the government and all of their support they will give to the government of Somalia.

 

"We are suffering. Hundreds die at sea trying to run from the conflict while many are killed in the senseless conflict, They have to meet each other and end the rifts," Mogadishu businessman Bashir Dirie, 40, said.

 

Somalia has been without a central government since warlords ousted former dictator Mohamed Siad Barre in 1991, plunging the nation of approximately 10 million people into anarchy.

 

Source: Reuters

 

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

In a poll conducted by local radio station HornAfrik this week in Mogadishu, 80 percent of residents said they are for the government and all of their support they will give to the government of Somalia.

Funny, but the article goes something like this:

 

In a poll conducted by local radio station HornAfrik this week in Mogadishu, 80 percent of residents said they were apprehensive about war and urged the feuding leaders to end hostilities and return to dialogue.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

just as a matter of fact is this the right way for peace?

 

Muqdisho & Jowhar Soomaali maanta dagaal uma baahna!

 

 

Waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda in magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe uu soo gaaro madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed, oo magaalada New York kaga soo qeybgalay shirkii madaxweynayaasha adduunka, iyadoo dhinaca kalena ay ka soconayaan magaalada Muqdisho abaabul & diyaar garow ay ku doonayaan wasiiro & xildhibaano ka tirsan baarlamaanka & xukuumadda kuna kala sugan Muqdisho, J/hoose & Baydhabo in ay isbaheysi kaga dhawaaqaan degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

 

 

Runtii dad fara badan ayaa is-weydiinaya sababta xubnihii soo wada dhisay dowladda federaalka,una fadhiyey shirkii Kenya muddada ku dhow 3-da sano ay xittaa dalkoodii ugu soo laaban waayeen iyaga oo wadajira, waa maxeyse farqida siyaasadeed ee ku kala dhex-jira.?

 

 

Marka aad dhageysato nuxurka dooda xubnaha labada gole dowladda ee ku sugan Muqdisho oo ay ku jiraan wasiirada hubeysan, ma ahan mid loo heli karo fasiraad bayaan ah, waxa ugu dhow oo lagu tilmaami karaa in ay yihiin (Waa wasiirada hubeysane) waa dad dab ku ciyaaraya, sababta aan sidaa u iri waxey tahay.

 

 

· Marka aad dib u xusuusato taxanaha siyaasadeed muddadii uu shirka Kenya soconayey ma jirin qorshe siysaadeed ay ku mideysnaayeen, wuxuuna xaalkoodu ka badin waayey is eeg-eegad ilaa ugu dambeyntii 10-kii Oktoobar (Doorashadii madaxweynaha) xaalkoodu noqday in ay fulin waayaan heshiis-kii ay gaareen musharixiinta beesha ****** (Marka laga reebo Max’ed dheere) oo ahaa in musharaxa wareega ugu dambeeya ugu dhibca bata in loogu wada shubo, heshiis-kaasina ma noqon meel mar.

 

 

· Qorshihii ay ku yimaadeen Muqdisho oo ahaa qorshe ay ku heleen taageero gudaha baarlamaanka & xukuumadda qaar ka tirsan ah & beesha caalamka oo aysan waxba ka qaban markii ay qaadi waayeen isbaarooyinkii loo tirinayey maleeshiyooyinkooda.

 

 

· Shacabka Muqdisho oo kalsoonidii wax-qabad & taageeradii ay la garab taagnaayeen kala laabtay, markii xaalkoodu ka badin waayey shirar aanan natiijo laheyn & naqdin hadalo ka soo yeeray madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

 

 

Dooda & dhaliilaha loo jeedinayo madaxweynaha ayaa intooda badan lagu tilmaami karaa kuwa run ah, waxaana ugu muhiimsan eedaha loo tirinayo.

 

 

· In uu ku guuleysto doorashadii madaxtinimada Soomaaliya (waxaa ALLE ka sokow) suurtageliyey dowladda Itoobiya oo geed dheer & geed gaaban u fuushay meelmarin qorshaha madaxtinimada Soomaaliya xittaa heer laga soo billaabo xulitaankii baarlamaanka oo laga shaqeeyey in ay baarlamaanka soo galaan dad 50% aan waxna qorin waxna aqrin, kadibna lagu sanduleeyo xildhibaanada baarlamaanka in ay doortaan C/llaahi Yuusuf, waxaan xusuustaa in hal habeen ka hor doorashadii madaxtinimada Soomaaliya in wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya in kulan uu la yeeshay xildhibaanada beelaha 5-aad & kuwa beelaha Digil & Mirifle in uu ku yiri “haddii aydnaan dooran C/llaahi Yuusuf ………………â€

 

· C/llaahi markii maalmo ay ka soo wareegatay doorashadiisii isagoo aanan dhayin mashaqadii Soomaali kala gaartay 15-kii sano ayuu codsaday ciidamo 20-kun gaaraya, taasoo sii di-disay xubnihii aaminsanaa in C/llaahi Yuusuf yahay nin qabyaaladu wax waliba kala weyn tahay oo aan istaahil in uu noqdo madaxweyne.

 

· Eedaha kale oo aanan mid mid loo xusi karin waxaa ka mid ah in socdaalkii uu todobaadkii hore ku tegay New York in uu sawir xun ka bixinayey mas’uul dal madaxweyne ka ah in khudbad sidaa u liidata uu jeediyo, iyadoo weliba Ingiriis-ka uu ku hadlayey uu ahaa mid aan la fahmeyn oo ay dadkii meesha fadhiyay la yaabeen, khudbadiisuna ma aheyn mid uu dunidda ugu soo bandhigayey arrimaha saboolnimadda iyo dhibka ummadda Soomaaliyeed haysata ee wuxuu keliya ee uu ka hadlay arrinta in cunaqabateynta hubka Soomaaliya laga qaado oo ujeedadiisu aheyd in ay u sahasho, looguna xalaaleeyo soo galitaanka cidaanka Itoobiyaanka, teeda kale, waxaa nasiib darro aheyd in madaxweynuhu uu iska indha-tiro in maanta Soomaaliya ay tahay wadanka keliya ee wali cudurka duufaanta (POLIO) lagu arkay isla mar ahaantaasna madaxweynihii la soo doortay in uu iska indho tiray dhibka ummadda Soomaaliyeed haysta ee saboolnimada, cudurada iyo gaajada ah, midda kale Madaxweynuhu wuu iska indha tiray in uu dunidda u soo bandhigo oo uu ka hadlo halista sunta Nuclear-ka ee xeebaheena lagu soo daadiyey, Suunta halisteeda maanta waxaad website walba ku arkeysa caruur yar yar oo Soomaaliyeed oo cuduro mucjiso leh qaba.

 

· Runtii qof waliba oo Soomaaliyeed oo damiir leh wuu ka xumaanaya in madaxweynihii laga filayey in uu dhibaatada umaddiisa haysata kala hadlo Q/Midoobay in uu dantiisa shaqsi ah iyo sidii uu hub iyo Amxaaro u helo uu dunidda ka codsado. Waxaa is weydiin leh Soomaali yaa u maqan? Maxayse tahay waxaa kale ee loo soo doortay madaaxweyne aan ummaddisa waxba u qabaneyn.

 

 

Teeda kale, anigu ma hubo sida ay run ku noqon karto aragtida ay qabaan Soomaali badan oo aaminsan in C/llaahi Yuusuf uusan qolo gaar ah duulaan ku aheyn ee uu doonayo in wax waliba oo ay ku qaadato uu Soomaaliya ku soo celiyo nidaamkii & kala dambeyntii, maadaama uu marar badan yiri “Waxaan ahay ninkii ugu horreeyey ee billaabay xabadii Soomaaliya cuntay, haddana waxaan isku howlayaan in aan noqdo horseedaha nabaddaâ€.

 

 

Ujeedada maqaal-keyga haddaan u soo daadego, waxey tahay:-

 

 

In la helo waxgarad Soomaaliyeed oo ka damqada dhibaatada dalka ka taagan & car & wir-ta kala haysata labada gole ee Muqdisho & Jowhar ku kala sugan, haddii xubnaha Muqdisho ku adkeystaan in ay tagaan Balcad, oo shir ku qabsadaan, garabka Jowharna ay sameeyaan isku dayo lagu kicinayo dadka u dhashay degmada Balcad waxey taasi horseedeysaa xaalad suurtagelin karta iska horimaadyo si kedis ah ku dhasha, una horseeda dhibaato ummadda degan Balcad & deegaanada ku xeeran, taasoo sii fidi karta, isla markaana keeni karta burbur ku yimaada dowladda federaalka, haddaba aan si wadajir ah uga hor tagno in xabad dambe ay naga disho qof Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this