Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Jecliyaa jabkooda

Recommended Posts

Inta la og yahay 10 askarta Itoobiya ayaa ku dhaawacantay ilaa iyo afar Askarina waa ay ku dhinteen Warax Miino oo saaka ka dhacay Degmada Wan'laweyn

 

Nofeembar 5, 2007 - Inta la og yahay mid ka mid ah baabuurta Ciidamada Itoobiya ayaa guud ahaan burburay oo gubtay kadib markii Qarax Miino oo sida la rumeysan yahay Miinadaas ay ahayd miinada meelaha fog fog laga Maamulo lala beegsaday kolonyo Baabuurta Itoobiya oo ka timid Magaalada Baydhabo kuwaas oo doonayay inay u soo gudbaan Magaalada Muqdisho.

 

Wararka ayaa sheegaya in afafka hore ee Degmada Wan'laweyn oo 90 km u jirta Magaalada Muqdisho ay tahay goobta lagu gubay Baabuurka ay saarnaayeen Ciidamada Itoobiya, waxaana la sheegay in baabuurka uu ahaa baabuurta qaada Ciimada lugta.

 

Markii Qaraxa dhacay ayaa Ciidamada Itoobiyaanka ah ee kolonyada ka midka ahaa fureen rasaas taasi oo sababtay in labo ruux oo rayid ah ku naf waayan.

 

-----------------

 

Eebba ha u naxariisto labadda masaakiin lagu dilay rasaastaas Xabasha furtay. Samir iyo iimaan reerkooda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Qarax Miino oo Ciidamo Itoobiyan ah loogu geystay degaan ku dhaw Degmada Luuq

 

Nofeembar 4, 2007 - Inta la og yahay 4 askari Itoobiyan ah ayaa ku geeriyootay mid kale oo Soomaali ah waa uu ku dhintay kadib markii gaari ay wateen Ciidamada Itoobiya Miino kula kacday degaan ku dhaw Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

 

Kolonyo baabuur ah oo ay saaran yihiin ciidamo Itoobiya ah oo ka soo talaabay xuduuda, kuna sii jeeday dhinaca magaalada Muqdisho ayay fiidnimadii xalay mid ka mid ah baabuurtii ay wateen waxa ay miino kula kacday tuulada Buulo Bashiir oo ka mid ah degmada Luuq, iyadoo qaraxaasi miino uu sababay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

-------------

 

Mar labaad Eebbe ha u naxariisto maskiinka ku geeriyooday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qarax Miino oo lala beegsaday Kolonyo Ciidamada Itoobiya oo ka yimid Magaalada Baydhabo kuna soo jeeday Magaalada Muqdisho

 

Nofeembar 3, 2007 - Kolonyo baabuurta dagaalka Itoobiya oo ay saarnaayeen Ciidamo fara badan oo gurmad u ah Ciidamada Itoobiya ee Jooga Caasimadda Soomaaliya ayaa saqdii dhexe xalay lala beegsaday Qarax miino oo sida la sheegay sababay dhimasho iyo burbur soo gaaray mid ka mid ah gawaaradii kolonyadaas ka midka ahaa.

 

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxaas Baabuurta Itoobiya ka timid Magaalada Baydhabo lala beegsaday ayaa waxaa uu ahaa mid si weyn looga maqlay degaanada ku dhaw dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle halkaas oo ah goobta qaraxa ka dhacay.

 

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee kolonyadaas ka midka ahaa rasaas ooda ka qaadeen iyagoo garan waayay halka looga yimid.

 

Ku dhawaad 30 Gawaarada dagaalka oo Itoobiya ka yimid soona maray Magaalada Baydhabo oo ay Maalmo ku sugnaayeen ayaa saaka soo gaaray Magaalada Muqdisho iyadoo la sheegay in Ciidamada Itoobiya qeyb ka yihiin howlgalada Ciidamada Itoobiya ka wadaan Magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan ayaa waxay u badan yihiin Booliska Dowladda Federaalka Itoobiya, sida uu sheegay xubin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir Itoobiya iyo Dowladda Federaalka qorshayaal cusub oo dhinaca ammaanka ayay Magaalada ka bilaabi doonaan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

^ Kuwani jab isdaba jira ayaa kusoo foogsan. Apart from the casualties they've suffered, the real significance of this attack lies in the fact that this bomb was denotated 90 km outside of Mogadishu. This is at least the second such attack in 48hrs and the third in 72 hours. On Saturday 3rd of Nov, five Ethiopian soldiers were injured when their convoy hit a roadside bomb in Buulo Bashiir, near Luuq. This attack was preceded by an explosion at a hotel on the Ethiopian side of Dooloow (mostly inhabited by Somalis).

 

These attacks are unprecedented. Thus far, targeting of the occupation forces was limited to Mogadishu and its immediate vicinity. There are only two explanations for this targeting of convoys on their way to the capital. Firstly, that the resistance has mustered enough arms and fighters to be able to target the occupation at its most vulnerable (convoys - both supply and reinforcements); or secondly, that resistance to the occupation is gathering momentum among Somalis in other parts of the country. Either of the above scenarios is positive for all anti-occupation Somalis and for the resistance, in particular.

 

If the second scenario is true (and i suspect it is), it means that Somalis in other parts of the country are no longer prepared to stand-by and watch as reinforcement convoys, whose aim is to reverse gains made by their brothers in the capital, pass through their towns and villages. Rather, increasing number of Somalis are standing up to do their part for the resistance.

 

The aim behind this new tactic is clear: Ambush and maim in them in the capital and then move swiftly to cut off reinforcements in their tracks. Its been known for along time that the Ethiopians are most vulnerable at their poorly co-ordinated and long supply routes to Mogadishu. These roadside bombs and actions similar to them are sure to place more strain on the occupiers.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this