Sign in to follow this  
General Duke

Djibouti talks on track, Xasan Dahir IndaCade isolated

Recommended Posts

Qaramada Midoobay oo maanta shaaca ka qaaday in hsir weynaha nabada Jabuuti uu furmayo Sabtida inasoo aadan.{Wafdi ka socda xubnaha Joogtada ah ee golaha amaanka oo shirka goob joog ka ahaanaya}

 

Wakiilka xoghayaha Quudee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullah ayaa maanta shaaca ka qaaday in wareega labaad ee wada hadalada nabada ee dowladda federalka iyo is bahasyiga Asmara uu ka furmi doono dalka Jabuuti maalinta sabtida ah ee ina soo aadan.

 

“Hogaamiye yaasha dhinacyada Soomaalida waxaan ugu baaqayaa in ay meel iska dhigaan khilaafaadkii sababay dagaaladii mudada dheer soo socday ee dalka iyo dadkaba sida ba’an u halakeeyey, waa hadii ay dhab ka tahay in ay jecelyihiin 18 sandood oo dagaalo sokeeye ah in ay soo dhameeyaan”ayuu yiri wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullah oo maanta wareysi siiyay wakaalada wararka Reuters isagoo jooga magaalada Nairobi.

 

Ould Abdullah waxaa uu shegay in wufuudka kala socota beesha caalamka oo Kuwa Qaramada midoobay ay ugu horeeyaan ay maalmaha inasoo aadan tagayaan dalka jabuuti.

 

"Ka hor safarkayga Jabuuti waxaan kulamo lasoo qaatay wakiilo ka kala socda dowladda federalka Soomaaliya,is bahaysiga mucaaradka ku ah,iyo qurba joogyada Soomaaliyeed waxaana u sheegay in la gaaray waqtigii ay xal rasmi ah u baadi goobi lahaayeen dalkooda oo dagaalo sokeeye ay si xun u baabi’iyeen” ayuu yiri wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha dalka Soomaaliya.

 

"Labada dhinac waxaa ay wada ogolaadeen goor hore in ay kulmaan 31-ka bishan oo ay ka doodaan arrimaha ay isku haayan,waana ku rajo weynahay in markan xal rasmi ah la heli doono”ayuu hadlkkiisa sii daba dhigay Ould Abdullah.

 

Waxaa uu dhinacyad Soomalida ee l;a dhex dhexadinayo ku booriyay Ould Abdullah in ay soodhaweyn iyo niayd wanaag umuujiyaan wafdiga ka socda golahaa amaanka ee Qaramada Midoobay oo kulanka imaandoona.

 

"Wafdiga golaha amaanku shirka kama qeyb galayo,laakin waa mid muhiimad weyn leh in xubno ka socoda kuwa joogtada ku ah golaha amaanku ay goob jog ka ahaadaan kulankaa si ay u dhageystaan habka doodu u dheceyso”ayuu mar kale yiri wakiilka UN-ku.

 

Ould-Abdallah,waxaa uu horaantii bishan labada dhinac ku guuleystay in uu isgu geeyo dalka Jabuuti,laakin suuragal ayay u noqon weysay in uu kulansiiyo,kadib markii wakiilada is bahaysiga dib u xoreyntu ay ku adkeysteen in ayan dhanka dowlada hor farisaneynin iyadoo marka hore ciidamada Itoobiyaanka aan dalka laga saarin,halka wakiiladii dowladuna ay sheegeen in bixitaanka Itoobiyaanku ay muhiim tahay wada hadal kadib in uu dhoco.

 

Laakin wakiilka Qaramada Midoobay ayaa hada aaminsan in wax uu ku sheegay maamlmo wanagsan oo is afgarad lehi ay soosocdaan.

 

xafiiska war qabadka shabakada wararkacarmooyin.com ee Baydhabo.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com orcarmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masuuliyiinta Is bahaysiga dib u xoreynta oo dowladda Yemen ka ogolaaday in wada hadallo toos ah ay qadka telefonka kula soo yeeshaan madaxda sar sare ee dowlada federalka Soomaaliya.

 

Waxaa lagu wadaa in saacadaha ina soo aadan masuuliyiinta is bahsyisga dib u xoreynta Soomaaliya ee ku sugan dalka Yemen ay qadka teleefonka wada hadallo toos ah kula soo yeeshaan madaxda sar sare ee dowladda federalka Soomaaliya.

 

Waxaa lagu wadaa in saacadaha ina soo aadan masuuliyiinta is bahsyisga dib u xoreynta Soomaaliya ee ku sugan dalka Yemen ay qadka teleefonka wada hadallo toos ah kula soo yeeshaan madaxda sar sare ee dowladda federalka Soomaaliya.

 

Wasiirka arrimaha dibada dalka Yemen Abuubakar ALQirbi ayaa wararku sheegayaan in madaxda Is bahasyiga ee kala ah Shekh Shariif SHeekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku qanciyay in ay wada hadal toos ah oo qadka teleefonka ah lasoo yeeshaan madaxda dowladda federalka ee ku sugan magaalada Muqdisho,inkastoo aan la qeexin masuuliyiinta ay lasoo hadli doonaan.

 

Hogaamiye yaashan is bahasyiga dib u xoreynta ayaa hataan xaruntooda ku meel gaarka ah ka dhigtay dalka Jabuuti,iyagoo kasoo guuray Asmara,waxaana warar aanu helnay ay sheegayaan in ay dagi doonaan dalka Qadar xaruntiisa Dooxa.

 

Waxaa wararka ka imaanaya dalka Yemen ay sheegayaan in si aad ah oo ana horay loo arag loo adkeeyay amaanka Madaxda Is bahaysiga dib u xoreynta ee haatan ku sugan magaalada Sanca.

Wasiirka arrimaha dibada dalka Yemen Abuubakar AlQirbi ayaa masuuliyiintan kala hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo amaan ee dalka Soomaaliya,waxaana kulan saacado qaatay kadib ay isla ogolaadeen in wad hadal toos ah oo qadka teleefonka ah ay lasoo yeeshaan masuuliyiinta sar sare ee dowlada federalka,kuwaas oo loo maleynayo in ay kalayihiin madaxweynaha iyo ra’isulwasaaraha,waxaana ay noqoneysa markii ugu horeysay ee masuuliyiintani ay wada hadal toos ah yeeshaan.

 

Waxaa sidoo kale madaxda is bahaysigu ya ogolaadeen in ay wada hadalfool ka fool ah la yeeshaan wakiilada matalaya dowladda federalka Soomaaliya marka maalinta Sabtida ah la isugu tago dalka Jabuuti.

 

Waxaa muuqaneysa in dowlada Yemen ay ku qancisay masuuliyintan in ay ka haraan fikirkii ay horay u aamisanaayeen ee ahaa in Itoobiyaank oo jooga aanay wada hadal galeynin,maadaama ay hada ogolaadeen wada hadal shuruud la’aan ah,sida war bixintu leedahay.

 

Warar si qarsoodi ah looga helay kulankan ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibada Yemen uu ku qanciyay madaxda Isbahaysiga wada hadalada tooska ah oo Yemen ay fududeeye ka tahay iyaguna ay qabaleen.

 

Saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha dibada dalka Yemen ayaa sheegaya in Hogaamiye yaasha mucaaradku ay aqbaleen soo jeedinta wasiirka,iyagoona sheegay in ay waliba jeclaan lahaayeen saraakiil dowladda federalka ka tirsan in ay Kula kulmaan Yemen ka hor kulanka Jabuuti todobaadka dambe ka dhicidoona.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yuusuf Indha Cadde"Waa abaal daro hadalkii eedeynta ahaa ee ka soo baxay sheekh Shariif".

 

 

Muqdisho,(WNT):-Xoghayaha difaaca Isbahaysiga dib u xureynta somalia Yuusuf indha cadde ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadalkii eedeynta ahaa ee dhawaan ka soo baxay gudoomiyaha fulinta Isbahaysigaasi sheekh shariif sheekh axmed.

Indha Cadde ayaa sheegay in hadalkaasi uu ahaa mid meel ka dhac ah isla markaana uusan ka fiirsan Sheekh shariif waxaan uu ku nuux nuuxaday in dowlada Eritrea ay tahay mid ka qeyb qaadanaysa sidii soomaaliya dib xagaheeda isugu taagi laheyd.

 

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in xiligaani mas'uul ka aheyn kala jabka ku yimid Isbahaysiga balse uu mas'uuliyada arintaasi dusha uga tuuray kuwa uu ugu yeeray in ay doonayaan wada hadal lala galo dowlada federaalka somalia.

 

"Waa abaal daro in Dowlada Eritrea lagu eedeeyo in ay kala jab ku hayso isbahaysiga hadalkaasina waa mid uusan ka fiirsan sheekh shariif"ayuu si kulul u yiri Indha cadde.

 

Xoghayaha difaaca Isbahaysiga dib u xureynta somalia oo la halayay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ka howlgasha ayaa shaaca ka qaaday in laba shariif ee horkacaysa isbahaysiga jabiyeen sharcigii u yaalay Isbahaysiga isla markaana iyaga ay iska qaadeen xilkii ay hayeen sida uu hadalka u dhigay.

 

"labada shariif ee Hogaaminaysa Isbahaysiga waxaa ay jabiyeen sharcigii sidaa darteedna iyada oo an xilka laga qaadin iyaga ayaaba iska qaaday"ayuu yiri indha cadde.

 

Dhinaca kalena Yuusuf indha cadde ayaa ugu baaqay dowalda jabuuti in ay ka fiirsato shirka lagu qabanayo dalkeeda kaasi oo uu ku tilmaamay mid lagu taageerayo qabsadhada dalka somalia ciidamada dowlada Ethiopia isla markaana ay dhowrto walaalnimadii iyo wanaagii ka dhaxeeyay labada dal iyo labada shacab.

 

"Markii aan maqlo madaxweyne Ismaaciil Cumar Gelle aad baan u farxaa shacabkuna way farxaan sidaa darteed dalkiisa yuusan hogaan u noqon in dalka somalia la sii haysto"ayuu hadalkiisa sii raaciyay indha cadde.

 

Si kastaba hadalka Yuusuf indha cadde xoghayaha difaaca isbahaysiga dib u xureynta isla markaana markii ugu horeysay shalay ka dhawaajiyay in uu yahay Janaraal ayaa imaanaya kadib shir jaraa'id oo uu jabuuti ku qabtay Sheekh shariif sheekh Axmed ku eedeeyay dowlada Eritrea gaar ahaan madaxweynaha in uu wado qorshe uu ku fashilinayo Isbahaysiga dib u xureynta somalia.

 

C/kariin Xuseen Guutaale.

 

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this