Sign in to follow this  
me

Indhacade wounded; to be flown to Germany

Recommended Posts

me   

Dhaawaca Sh Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo saacadaha soo socda loo soo duulinayo dalka Jarmalka

 

Sh Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ahaa dagaal galiyihii ugu weynaa dowlada KMG ee Somalia ayaa waxa uu ku dhaawacmay dagaal aad u qaraar oo shalay galab ka dhacay aaga degmada Yaaqshiid gaar ahaan isgoyska fagax waxa uuna dhaawacu ka soo gaaray dhanka wajiga iyo feeraha, Waxana hada dhaawaca Sheekha lagu dabiibayaa Xarunta madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Cusbilaatlka ciidamada Amisom.

 

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Madaxweynaha dowlada KMG Sh Shariif Sh Axmed oo ku bixiyay Qarash gaaraya Nus Milyan dollarka mareykanka ah sidii dhaawac Sh:Yususf Indhacade Dibada loogu qaadi lahaa maadaama uu ahaa hogaamiye si weyn dowladu ugu diirsaday mudadii gaabneyd ee uu ka tirsanaa isla markaana guulo waaweyn ka soo hooyay dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

ilo war gal ah oo ku sugan xarunta madaxtooyada ayaa bogan Dayniile u sheegay in xaalka Yusuf Indhacade uu iminka aad u wanaagsanyahay waxa ayna sheegeen in dhaawiciisu yahay wajiga oo gaari nooca lidka diyaaradaha la saaro ee Zuuga loo yaqaan oo darawalkiisu ka dhintay uu waday markii uu dhaawacmay dabadeedna xoogaga mucaaradku ay la heleen qoriga RBG ama Baasasuukaha loo yaqaan, Marka la eego Saraakiisha dowlada waxaa muuqata in Dowlada laga dareemi doonto hoos u dhac dagaal oo weyn maadaama ay dhaawacyihiin labadii xubnood oo ugu firfircooneyd kaalinta dagaal ee dowlada oo kala ahaa JEN: Yusuf Maxamed Siyaad Indhacade Iyo Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Banaadir C/Fataax Shaaweeye .

 

Su,aasha is weydiinta mudan ayaa ah halka ay jaan iyo cirib dhigeen saraakiishii dowlada ee aan iyaga lagu arkin goobaha dagaalka, Xarunta madaxtooyada ayaa si weyn looga amaanay C/fataax shaaweeye iyo Indhacade halka aad looga niyad jabay C/Qeybdiid iyo Dhuumaal,waxaana ciidamada dowladu isla shalayba dhaawaca Indhacade ka dib ay faarujiyeen goobo badan sida Saldhiga Yaaqshiid,Isgoyska Fagax iyagoo hada difaacooda ugu horeeya uu yahahay gadasha danbe ee Sanca

 

 

dayniilecom@hotmail. com

deyniilenews@yahoo.c om

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

And that vice governer of Banaadir ina Shaaweeye was also wounded, I feel sorry for that young man, way waaleen maskiinka...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this