Sign in to follow this  
General Duke

TFG sends Osman Ato on a peace mission......

Recommended Posts

Cismaan Caato oo kulan la qaatay Midowga Maxkamadaha

 

Mogadishu 27 May. 06 ( Sh.M.Network) Wasiirka howlaha guud iyo guryeynta Cismaan Xasan Cali Caato iyo wasiiro kale oo Muqdisho u yimid nabadeynta dhinacyada isku haya magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay Midowga Maxaakiimta islaamiga iyo Sheekh Yuusuf Indho Cadde.

 

 

Cismaan Caato, Wasiirka howlaha guud iyo Guryeynta

Xubno uu ka mid yahay wasiirka howlaha Guud iyo Guryeynta, Wasiirka Macdanta iyo biyaha iyo xildhibaan Cali Calas qaareey ayaa kulan la yeeshay Sheekh Yuusuf Siyaad Indho Cadde, Maxamuud Cumar Cadaan iyo Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta islaamiga ee Muqdisho Sheekh Shariif , kulankaasi oo ka dhacay Hoyga Sheekh Yuusuf Indho Cadde ayaa si weyn loogu lafo gurey xaaladaha Colaadeed ee K/Muqdisho iyo sida loo joojin karo dagaalka.

 

Kulankaasi ayaa si gaar ah looga hadlay jidgooyooyinka yaala wadooyinka magaalada Muqdisho oo ay u yaalaan dad isaga soo horjeedo maxaakiimta iyo isbaheysiga.

 

Cismaan Caato oo kulankaasi ka dib Saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu sheegay in rajo wanaagsan uu ka qabo xal laga gaaro dagaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay in kalsooni uu ka heeysto labada dhinac.

 

Wasiirka waxa uu sheegay in lagu balamay ciidamada labada dhinac in la kala geeyo meelihii ay kala joogeen tan iyo waxii ka dambeeyay 18 kii Feberaayo, xiligaasi oo ay bilowdeen dagaaladii ay isaga soo horjeedaan wali.

 

Sidoo kale kulankaasi ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta islaamiga Sheekh Shariif oo sheegay in uu soo dhaweynayo isla markaana ay ku qanacsan yihiin xubnaha wasiirada dadaalada ay wadaan.

 

Wafuudaan nabadeed oo uu horkacayo ayaa lagu wadaa in kulan ay la yeeshaan dhinaca kale ee isbaheysiga la dagaalanka argagixisada.

 

Shabelle Media Network, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cismaan Caato oo caddeeyay in laga aqbalay waanwaantii ay u yimaadeen Muqdisho

Posted to the Web May 27, 15:09

 

Muqdisho (PP) – Cusmaan Xasan Cali Caato oo ah Wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan dowladda oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa sheegay inay labada dhinacba ka ogolaadeen dhexdhexaadinta.

 

Wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta saxaafadda u sheegay inay wahadallo la sameeyeen labada dhinac ee ku loolamaya awoodda magaalada Muqdisho ay ka ogolaadeen inay qaataan nabad iyo heshiis.

 

 

Cusmaan Caato wuxuu sheegay in dadaallada ay ku doonayaan inay ku dhameeyaan khilaafaadyada dhaliyay dagaallada ka socda magaalada Muqdisho muddada 100-casho ay tahay mid ay u soo xilsaartay dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana ay wax walba ha ku qaadatee ay dhameyn doonaan.

 

 

“Waxaan annagu u nimid Muqdisho waa inaan nabad ka dhalinno isla markaana aan dadaal weyn u galno sidii aan heshiis waara u dhex dhigi lahayn xubnaha isaga soo horjeeda dagaalada xoogga badan, waxaanan dadaal dheer u galaynaa inaan dhameyno dhibaatooyinkaas†ayuu yiri Cismaan Caato oo intaas ku daray: “Ma joogno xilligii shacabka la dhameyn jiray balse hadda waxay maraysaa in la badbaadiyo intii ka badbaaday dagaalladii 15-ka sano ka socday dalka Soomaaliya, magaalada Muqdishana ay u darnaydâ€.

 

 

Wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka tirsan wasiirrada hubeysan ayaan isagu ka mid ahayn xubnaha ku bahoobay la dagaalanka argagaxisada, waxaase uu u muuqdaa mid doonaya in nabad ay ka dhalato magalaada Muqdisho.

 

 

Dadka magaalada Muqdisho ayaa aada ugu riyaaqay imaanshaha xubaha ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya oo iyagu isku xil saaray inay dhameeyaan khilaafaadyada sababay dagaallada ka socda magaalada Muqdisho.

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

 

 

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

 

 

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sultaan   

There is no solution until the warlords are cleansed from Somali politics arena and the only people that can do that are the Islamists..so viva the Islamists.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this