Sign in to follow this  
Thankful

President of Puntlands radio interview pics

Recommended Posts

Thankful   

Cade_Nairobi_140408_3.jpg

 

Nairobi (HR Media):-Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somaaliyeed ee Puntland oo kusugan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaan ka waraysanay Arimo

kala duwan oo ka mid yihiin Arimaha Ammaanka Puntland,Arimaha Shidaal Qodista, Xaalada Gobolka Sool, Socdaalkiisa Dalka Kenya, iyo Shirkii ay wada yesheen Asaga iyo Madaxweynaha Somaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Madaxweynaha ayaa ugu Horayntii waxaan sidiiran ugu soo dhaweynay Istudyaha Idaacada Horseed-Media ee Magaalada Nairobi, Su'aashii ugu horaysay ee Madaxweyne Cadde Muuse Weydiinay ayaa ahayd in uu ka war bixiyo Safarka uu ku soo gaaray Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

 

Madaxweynaha Puntland Ayaa ku Jawabaay sida tan "...Safarka aan ku imid magaalada Nairobi waxa uu salka ku hayaa in aan is aragno oo aan kulano Aniga iyo Madaxda Dawlada Somaaliya oo ay ugu horeyaan Madaxweynaha Somaaliya Mudane C/laahi Yuusuf iyo Raysalwasaare Nuur Cade, waan wada kulanay shirarkeenuna waxa ay kusoo dhamaadeen is af-garad waxaana ka wada hadalnay Aniga iyo Madaxweynaha Somaaliya iyo Raysalwasaare Nuur Cade Danaha Puntland iyo Federaalka.

 

Horseed Media: Wax manooga sheegi kartaa wax yaabihii aad ka wada hada sheen Adiga iyo Madaxda Dawlada Federaalka Somaaliya.

 

MDPL.Cade Muuse: Haa wax yaabahana ka wada hadalnay waxaa ubadnaa Nabad Galyada iyo Xasiloonida iyo sidii Ammaan buuxa loogu soo dabaali lahaa Gobolada Puntland iyo Guud ahaan-ba Dalka Somaaliya.

 

Horseed Media: Mudane Madaxweyne Caawa Saqda dhexe ayaa Madaxweynaha Somaaliya C/laahi Yuusuf uu ka Baqooli donaa Magaalada Nairobi, marka shirar kiinii Labadiina Madaxweyne ma idiin Dhamaadeen mase waxaa jira kulamo idiin harsan oo Saacadaha soo socda inta uusan Madaxweyne C/laahi Yuusuf Amba bixin aad yeelan dontaan.

MDPL.Cade Muuse: Waa inoo Dhamaadeen Kulamadeeni Aniga iyo Madaxweynaha Federaalka Somaaliya, Dhamaana shirar keeni waa is ku af garanay oo sidii ay inoola muuqdeen ayaan is la meel dhignay.

 

Horseed Media: Wax yaabaha lahadal Hayo Madaxweyne Cade waxaa ka mid ah Arimaha Shidaal Soo saarista oo la sheego in Dawlada Federaalka iyo maamulka Puntland ay is ku qilaafsan yihiin.

 

MDPL.Cade Muuse: Arimaha Shidaalka wax yaabo yar yar oo la is ku hayey ayaa jiray balse haatan waa is ku af garanay oo waa dhamaynay wax qilaaf ah na majiraan, Dad badan ayaa been iyo wax aan jirin sheega, Puntland Khayraadkeeda Somaaliya oo dhan waa udhaxaysaa waxii gaar u ahna waa ugaar oo sidii lagu heshiiyey oo sharciga Federaalka ah ayaa looga shaqaynayaa, Dhibaata weyn ma jirto Puntland maamul weyn weeye Somaaliya oo dhan Puntland waa udhaxaysaa laakiin waxii noo gaar ah oo aan xaq uleenahay nin noo diidi karaa majiro Dhammaan madaxda Dawlada Federaalka Somaaliyana waa is ku af-garanay Arimahaan.

 

Horseed Media: Hadalkaaga Mudane ma waxa ulla jeedaa Waqtigaan laga bilaabo Maamulka Puntland waa u xor oo waa u madax banaan yihiin waana loo ogolaaday in ay la soo baxaan Khayraada Degaanada Puntland ku jira.

 

MDPL.Cade Muuse: Hada Awalba Nin noo diidanaa majiro ee wax yaabo sharuuc ayaa la is ku hayey, Khayraaadka wadankeena hadii Nabad lahelo waa la soo baxaynaa, Nabadna waa garaynaa insha Allaah Khayraadkuna waa lasoo sarayaa oo waa soo baxayaa waa qasab.

 

Horseed Media: Dhinaca Kale Mudane Madaxweyne Cade Muuse Ammaanka Puntland waa liitaa Haatan warar soo baxaya waxa ay shegayaan in Qarax Bosaaso ka dhacay awalna Ammaanka Gobolada Puntland cago adag kuma taag nayn, Cade Ma sidaan ayaa Ammaanku idinkula fiican yahay oo Ammaan Dari idiin ma muu qato mase waad Aragtaan in Amnigu liito oo wax in aad ka qabataan ayaa rabtaa oo dadaalo ayaa wadaan.

 

MDPL.Cade Muuse: Waa jirtaa Ammaan daro oo qarin maayo, awoodeenana wax ba lama aana harin waxa dhacaya ee Ammaanka wax yeelaynayana waa wax aan tabar uweynay, Amniga Puntland Dawlada kaliya masugi karto kumana xirnee waa in ay shacabkuna nabada taageeraan, Puntland yaana Ammaankeeda maamulka lagu soo qaloocin ee waa in si guud shacab iyo dawlad ba wax looga qabtaa, Magaala kasta oo dhib ka dhaco Puntland Shicibkaa leh

 

Puntland cid gaar uleh ma jirto Anagu waqti ayaa lee nahay Waqtigeenana waa tagaynaa, waligeedna Puntland waa la is badali jiray Sharuuc ayaa imaan jirtay, badalka maalin ba nin ayaa imaanaya; Bosaaso, Garoowe, Qardho, Galkacyo, Laascaano meel kasta dhibaatada ka socota Shicibku hadaysan wax ka qaban Dawladu wax kama qaban karto, waad aragtaa Dawladihii waa weynaa ee Aduunka Dhaqaalahana lahaa dhibaatooyin ayaa haysta Marka Hormarka iyo Ammaanka waa in ay Shicibku tageeraan.

 

Horseed Media: Arimihii Gobolka Sool ka waran Dad badan ayaa hadal haya oo mudo Maamulka Somaliland ayaa gacanta ku haya Gobolkaas.

 

MDPL.Cade Muuse: Arinta Sool waa Arin aad u mihiim ah, Puntland iyo Shacakeeda ayey utalaa sidii loo xalin lahaa arimahaas, waxii talaabo ah oo aan ka qaadan lahayna Arinta Gobolka Sool sida wada jir ah ayaan Talaabo uga qaadanaynaa Shacab iyo Dawlada ahaanba In Sha-allaahna arinta Gobolka Sool waa xalismaysaa oo waa soo dhamaanaysaa.

 

Horseed Media: Ugu Dambayntii Mudane Madaxeyne Adigoo ku mahad san Wareysigaan aad nasiisay Maxaa usoo jeedin lahayd Shacabka Soomaaliyeed oo dhan Gaar ahaan Dadka Gobolada Puntland.

 

MDPL.Cade Muuse: Waxaa usoo jeedinayaa waligay taan usoo jeedin jiray, Puntland intii ay dhisnayd waad ogtihiin Nabad fiican ayaa ku nooleyn Magaalo aan dhismin majirto shaqooyin fiican ayaa soo baxay Maalintii bur burka ilaa iyo Maanta,arimahaas oo dhana waxa ay ku yimaadeen Nabad galyadii jirtay oo ay tageereen shacabka Reer Puntland ee is wada xil qaamay, waxaa lee yahay Nabad galyada Degaanada Puntland halaga shaqeeyo waliba dadka yar ee Anaga udha shay oo inta xogaa yar lasoo siiyo lagu soo dhaho bur bur sha Nabada Puntland in shacabku u diyaar garoobaan oo wax ka qabto ayaan ujeedinayaa oo Nabad galyada wadanka halaga shaqeeyo.

 

Waad Aragtaan Burcadii dhibaatada ay wadaan oo shicibkii dhibka ay ku hayaan, Maraakiibtii doon yihii kuligood waa diideen dhibaatadaas Dadka Masaakiintaa ayey taabanaysaa dana uma ahan ee halaga shaqeeyo nabada oo ha la wada tageero dadka Dhibaatada wadana hal dhinac ha looga soo wada jeen sado.

 

Site with radio link

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nayroobi: Faahfaahin ku saabsan Kulankii Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed & Madaxweyne Cadde Muuse.

14. april 2008

 

Nayroobi(AllPuntland)- Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxeysa waxyaabo badan oo ay shalay ka wada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya & Madaxweynaha Puntland ,ayagoo markaasi wada joogey magaalada Nayroobi.

 

Madaxweyne Cadde Muuse ayaa uga waramay Madaxweyne Yuusuf xaalada Soomaaliya gaar ahaana xaaladaha Siyaasadeed ,amni ,Dhaqaale & Arinta Magaalada Laascaanood ayagoo isla meel dhigey arimo badan.

 

Madaxweynaha Puntland oo la hadlay Saxaafada Puntland ayaa sheegay in ay isla soo qaadeen Madaxweynaha & Raysalwasaaraha Arimaha Soomaaliya oo dhan ,waxyaabo badan ay guul ka gaareen.

 

Cadde Muuse wuxuu sheegay in arimaha Shidaalka ee Puntland heshiis laga gaaray ,markaasna Puntland loo Madax banaaneeyey arimaha soo saarida Shidaalka dawlad gobaleedka Puntland.

 

Gen-ku wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqey in waxyaabaha ay aadka uga wada hadleen Madaxweyne Yuusuf ahayd arimaha amaanka ee dalka Soomaaliya ,wuxuuna intaasi ku darayaa in ay dhawaan soo afrayaan Safarkooda.

 

Cadde wuxuu sheegay in uu hada ku sii jeedo Itoobiya ,waxyaabaha uu kala hadlayana tahay arimaha amaanka ee dalka Soomaaliya ,gaar ahaana Amaanka Puntland ,isagoo soo qaaday in ay arimo badan ka dhaxeeyaan.

 

Madaxweynaha Puntland & Wafdigiisa ayaa lafilayaa in ay galabta ka dhoofaan Magaalada Nayroobi ayagoo ku sii jeeda Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ,ka dibna wuxuu dib ugu soo laabanayaan deegaanada Puntland.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Horseed Media: Arimihii Gobolka Sool ka waran Dad badan ayaa hadal haya oo mudo Maamulka Somaliland ayaa gacanta ku haya Gobolkaas.

 

MDPL.Cade Muuse: Arinta Sool waa Arin aad u mihiim ah, Puntland iyo Shacakeeda ayey utalaa sidii loo xalin lahaa arimahaas, waxii talaabo ah oo aan ka qaadan lahayna Arinta Gobolka Sool sida wada jir ah ayaan Talaabo uga qaadanaynaa Shacab iyo Dawlada ahaanba In Sha-allaahna arinta Gobolka Sool waa xalismaysaa oo waa soo dhamaanaysaa.

The tough talking Bling-bling Uusey (I love the name btw smile.gif ), ma calaacalkan ayaa u danbaysay? Where is the "Asmara iyo Argagaxiso ayaa qabsaday Laaska" nonsense?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lol. He spoke well and as for SOOL, it will be dealt with, there are many projects taking place all at once. Dealing with the secesionist day dream is not our biggest issue right now.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Suldanka things we are going to kill each other for secessionists cause. No saxib, the clan is much smarter than that. We might have disagreements but we know what is what adeer. SOOL, SANAAG and CAYN belong to Somaliweyn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

Suldanka things we are going to kill each other for secessionists cause. No saxib, the clan is much smarter than that. We might have disagreements but we know what is what adeer. SOOL, SANAAG and CAYN belong to Somaliweyn.

You ever been to Erigavo?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this