Sign in to follow this  
Sharmakee

ICU army keep coming

Recommended Posts

Ilaa Kun qof oo ka mid ah bulshada magaalada Muqdisho oo isku diiwaan galiyey ka qeyb qaaashada jihaadka la iclaamiyey.

 

October-31 -2006 HornAfrik, Mogadishu, Somalia .

 

Ilaa kun qof oo ka mid ah qeybaha kale duwan ee bulashada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa iska diiwaan galiyey gooboa kale duwan oo ku yaala gobolka Banaadir kuwaas oo sheegay inay ka qeybgalayaan jihaadka ay iclaamiyeen golaha maxaakiimta Islaamka.

 

Dadkan oo isugu jira Rag dhalinyaro ah kuwa da' ah iyo Haween ayaa iska diiwaan galiyey ilaa Afar goobood oo ku yaala magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa iyadoo degmadaas ay ka jiraan ilaa Afar goobood.

 

Dadkaas ayaa ah kuwa diyaar u ah inay ka difaacaan cadow kasta oo soo weerar dalka Soomaaliya, iyadoo arrintan ay ka dambeysay 27-kii bishan Octobar lagu dhawaaqay in qof walba oo Soomaali ah ay tahay lagama maarmaan inuu ka qeybgalo cadow kasta oo soo weerara.

 

Sh. Faarax Maxamed Maxamuud oo ah Guddoomiyaha guddiga shuurada maxkamada Daryeel ee deegaanka Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo gaaraya ilaa Kun qof oo iska diiwaan galiyey gooba dhowr ah oo ku yaala deegaano ku yaala magaalada Muqidsho.

 

Arrintan jihaadka ayaa timid kaddib markii Guddoomiyaha guddiga fulinta maxaakiimta Islaamka Sh. Shariif Sh. Axmed uu hore u sheegay in ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u istaagaan sidii looga hortagi lahaa duulaanka ka dhan ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this