Sign in to follow this  
Siciid1986

Wafti ka Socday Xukuumadda Soomaaliland oo lagu Soo Dhaweeyay Deegaanka Widh-Widh

Recommended Posts

Wafti ka Socday Xukuumadda Soomaaliland oo lagu Soo Dhaweeyay Deegaanka Widh-Widh

TUESDAY, 02 NOVEMBER 2010

Widh-widh (TogdhNews)- Guddiga madaxweyne Siilaanyo u xilsaaray xallinta tabashooyinka ka jira

 

gobollada Sool iyo Sanaag, ayaa shalay gaadhay magaalada Widh-widh ee ka tirsan degaanka Buuhoodle, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

 

Guddigan oo uu hogggaaminayo Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilllada md. Baashe Maxamed Faarax oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha gudaha, gaashaandhigga, Isgaadhsiinta, wasiir-ku-xigeenka arrimaha gudaha, Dr.Cabdi Aw Daahir, Maxamed Kaahin, iyo xubno kale.

 

Guddiga weftiga waxa magaalada Widh-widh ku soo dhaweeyey cuqaal iyo dadweyne badan oo uu horkacayo Garaad Abshir Saalax, kadibna waxa la dejiyey goobtii loogu talogalay weftiga.

 

Weftiga ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda halkaas ku sugnaan doono, isagoo kulamo kala duwanna la yeelan doona madax-dhaqameedka iyo waxgaradka deegaankaas.

 

Dhinaca kale, hoggaamiyaha weftiga Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa intii aanay ka amba-bixin magaalada Burco, waxa xog-waraysi kooban la yeeshay xafiiska Togdheernews ee Gobolka Togdheer, su’aalihii la weydiiyey guddoomiyaha iyo jawaabihii uu ka bixiyeyna waxay u dhaceen sidan:

 

Su’aal: Guddoomiye; mar haddii lala kulmayo madax-dhaqameedyo arrinta aad u socotaanna tahay xallinta khilaafaadka iyo tabashooyinka deegaankaas, miyaanay idinkaga habboonayn Golaha Guurtida Somaliland ee hore u gali jiray hawlahan oo kale?

 

Jawaab: Arrintanu waa arrin siyaasadeed, sida aad aragtaanna waxaa meesha maraysa xukuumaddii oo iyadu u xilsaaray arrimaha siyaasadda, madax-dhaqameedyada iyo guurtiduba waxay u xilsaaran yihiin xallinta meelo laysku dilay oo beelo isku dileen iskuna horfadhiyaan, sidaa awgeed go’aamada laga filayo inay ka soo baxaan arrinta waa go’aamo siyaasadeed, khilaafyada jiraana waa kuwo siyaasadeed, waxa laysku hayaana maaha hebello ayaa islaayey iyo reer hebel baa isdilay.

 

S: Madax-dhaqameedyada deegaankaas waxaa jirtay inay hore u dalbadeen in ciidammada Somaliland laga qaado deegaanadoodaas, arrintaas maxaad ka yeelaysaan?

 

J: Taas waxaannu la sugaynaa waqtigeeda oo markaannu meesha tagno waxii nalaga codsado markaas ayaannu wax ka odhanaynaa.

 

S: Waxa deegaanka Buuhoodle ku sugan maleeshiyo hubaysan oo loo yaqaan SSC iyo garaaddo ka soo horjeeda hawlahan aad u socotaan, haddaba cidda aad la shiraysaan ee aad ka bilaabaysaan waa kuwee?

 

J: Waxaannu ka bilaabaynaa oo iminka gogoshu taallaa Widh-widh, qofkasta oo ka soo jeeda deegaankaa magacuu doonaba ha sheegtee meeshuu joogo ayaannu ugu tagaynaa oo nabadda kala hadlaynaa, arrintanuna waa iska bilow hadda, waanay soconaysaa oo ilaa waxaannu cusuumaynaa oo u yeedhaynaa qurba-joogga deegaankaas oo aannu kala hadlaynaa nabadda.

 

S: Arrimaha ugu waaweyn ee tabashooyinka ah ee aad ka wada hadlaysaan maxaa ka mid ah?

 

J: Wax alla waxii ay tabanayaan oo dhan kala qaadqaadimaynee waannu kala hadlaynaa.

 

S: Rajo intee le’eg ayaad ka qabtaan inaad guul ka gaadhaan arrimahan aad u socotaan?

 

J: Waxaannu qabnaa inaanay waqti badan nagu qaadanayn, waayo waynnu iska wada war-haynnaa rag odayaal ah oo deegaanka khibrad u leh oo madaxweynuhu u soo xulay inay waxan dhamayn karaan ayaa nala socda, markaa waqti bandanna nagu qaadanmayso waxaanan rajaynayaa inay guul ku dhammaan doonto.

 

 

Togdheernwews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this