Sign in to follow this  
raadamiir

BREAKING NEWS: Battle rages in Mogadishu, 20 pulse dead and 39 wounded!!!

Recommended Posts

Baydhabo: " Waa nala soo weeraray , waana is difaacaynaa " Xuseen Caydiid.

Sunday, July 09, 2006

 

 

Baydhabo(AllPuntland)- Dagaalkii ka bilowday magaalada Muqdisho ayaa maraya marxalad aad u adag , ayadoo dagaalkaasi dhimashadiisu ay gaarayso 20 qof 39 kalana ay ku dhaawacmeen.

 

Dagaalkan oo ka socda xaafadda Xoosh ee magaalada Muqdisho una dhexeeya Cabdi Qaybdiid iyo Maxkamadaha ayaa waxaa ka hadlay Eng: Caydiid oo kusugan magaalada Baydhabo ..

 

" Way nasoo weerareen , waxayna naga qabsadeen mid kamid ah Afar goobood oo aan kusugnayn 15kii sano ee lasoo dhaafay, goobtaasi oo ku taalla xaafadda Xoosh ee galbeedka Muqdisho." ayuu yiri Xuseen Caydiid oo Reuters u waramayay

 

Md: Caydiid wuxuu kaloo sheegay inay iminka naftooda difaacayaan , dagaalkana aysan marnaba joojin doonin inta ay iska caabbinayaan dadka kusoo duulay.

 

Xaalad xun ayaa ka jirta aagga dagaalku ka soconayo , mid kamid ah kooxaha dagaallamaya ee maxkamadaha oo dhaawac qaba ayaa Reuters u sheegay inay u dagaallamayaan magac Islaam , dagaalkana aysan joojin doonin.

 

Waxaa magaalada Muqdisho ku arkaysaa dad dhaawac ah oo dhabarka lagu sido , halka dadka qaarkiisna ay dhaawaca isla qaadayaan.

 

Gaadiidka dhaawaca wada ayaa Shantii daqiiqoba kuumuuqanaya , taasoo dagaalka ka dhigaysa mid khasaare badan gaystay , saamaynna yeeshay.

 

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

 

--------------------------------------------------

Share this post


Link to post
Share on other sites

Battle rages in Mogadishu, at least 20 dead

 

MOGADISHU (Reuters) - Islamist militiamen ambushed fighters loyal to defeated Somali warlords in Mogadishu early on Sunday in a heavy battle that killed at least 20 people and wounded 39, witnesses and militia sources said.

 

It was the most serious flare-up since the Islamists took over the Somali capital from U.S.-backed warlords on June 5.

 

Mogadishu's war-weary residents ran for cover as rival militia engaged each other with machine-gun fire and missile near the volatile Kilometer Four district of Mogadishu which had been a pocket of warlord resistance to the Islamists.

 

"I am fighting for Islam and I don't fear dying," Islamist fighter Ahmed Hashi, who sustained head injuries, told a Reuters correspondent near the scene, as gunfire sounded.

 

Determined to take complete control of the coastal Somali capital, the Islamists were targeting fighters loyal to Hussein Aideed, an interior minister in the interim government, and another warlord Abdi Awale Qaybdiid.

 

"They attacked us early this morning, and took over one of our bases in the Hosh area of western Mogadishu, which was in our hands for the last 15 years," Aideed told Reuters from Baidoa, the seat of the government.

 

"Our forces are still fighting them and will continue defending themselves."

Share this post


Link to post
Share on other sites

"dhimashadiisu ay gaarayso 20 qof 39 kalana ay ku dhaawacmeen."

 

20 pulse dead and 39 wounded This ain't no light fight this is war!!!

 

" Waa nala soo weeraray , waana is difaacaynaa " Xuseen Caydiid.

 

At the Moment Hussein Aideed is in Baidoa and Qaybdiid is in Mogdishu fighting off those that weeraray.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagalaadii ka socdey magaalada Muqdisho oo galey xili habeenimo

 

Muqdisho- 09.July.2006 Dagaaladii saaka ka qarxay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyey maleeshiyaadka Maxkamadaha Islaamiga iyo kuwa Col.Cabdi Qaybdiid

ayaa la isku habeensadey.

 

Dagaalkan oo sababey dhimasho iyo dhaawac aad u fara badan ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen ugu yraan 40 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 70 qof kuwaasi oo u badan dad rayid ah oo ay haleeshay rasaastii ay is waydaarsanayeen maleeshiyada dagaalamaysey iyo waliba madaafiic habow ah oo shiish wareertey.

 

Dagaalkan ayaa maanta xoogiisu wuxuu ka dhacay Deegaanka Xoosh Saldhiga Galbeed iyo xeradii ciidankii Asluubta halkaasi oo ay goor dambe qabsadeen maleeshiyada Midowga Maxaakiimta Islaamiga oo doonaya inay Muqdisho ka sifeeyeen xoogagii Isbahaysigii burburey ee la dagaalanka argagixisada.

 

Col.Cabdi Qaybdiid oo maleeshiyadiisa looga qabsadey dagaalka fariisimo muhuum ah ayaa wararku tilmaamayaan in uu diidey in uu dagaalka uu joogsado ama uu hubkiisa wareejiyo, waxaana uu ku wacad marey in uu iska difaaci doono wax uu ku tilmaamey maleeshiyo beeleed ku soo duushey.

 

Col.Cabdi Qaybdiid oo xubin ka ahaa Isbahaysigii burburey ee la dagaalanka argagixisada ayaa ku adkeysanaya in uu is difaacayo, waxaana xiligan maleeshiyadiisa ay ku sugan yihiin Agagaarka Isgoyska Banaadir, Daafaha Isbitaalka Digfeer, Jaamacada Gahayr, Jaamacada Ummada iyo saliga Mareykanka.

 

Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Maxkamadaha Islaamiga ee ee saaka guulaha kooban ka gaarey dagaalka ayaa sheegay inay sii wadi doonaan sidii ay Cabdi Qaybdiid uga saari lahaayeen goobaha uu haysto ama uu iska soo wareejiyo hubka iyo gaadiidka dagaal ee uu haysto.

 

Xubno ka tirsan Maxkamada Al-Furqaan oo ka mid ah Maxkmadaha Islaamiga ee dagaalka kula jira Col.Cabdi Qaybdiid ayaa wacad ku marey inay hubka dhigis ku sameyn doonaan Maleehsiyaada Col.Cabdi Qaybdiid oo isugu ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii caanka ku ahaa dagaaladii sokeeye.

 

Maleeshiyada Maxkamadaha ayaa saaka goobihii ay qabsadeen waxaa ka mid ahaa saldhiga Galbeed iyo Xoosh oo ay fadhiyeen maleeshiyo tiro yar oo taabacsan wasiirka Arimaha Gudaha Xiseen Caydiid.

 

Saraakiisha Maxkamadaha ayaa ku macneeyeye weerarka ay ku qabsadeen saldhigayada Xuseen Caydiid inay tahay ka dib markii maleeshiyadii joogtey ay diideen inay wadada u baneeyaan maleeshiyaadka Maxkamadaha oo duulaan ugu socdey Col.Cabdi Qaybdiid.

 

Maleeshiyada Xuseen Caydiid oo fadhiya Madaxtooyada, Tiyaartarka, Taliska Booliiska Isgoyska Hawl-wadaag, ayaa waxay saaka jareen dhamaan wadooyinka soo gala xarumahooda, iyagoo diidey inay halkaasi maraan wax gaadiid ah.

 

Lama oga sida uu noqonayo go'aanka Maleeshiyada Xuseen Caydiid ee ku aadan dagaalka iminka socda, laakin sarkaal ka gaabsadey in magaciisa la sheego kana mid ah maleeshiyada Xuseen Caydiid ayaa sheegay inaanay xiligan duulaan aheyn balse ay isdifaaci doonaan hadii la soo weeraro.

 

Maxkamadaha Islaamiga ayaan u muuqan xiligan kuwa weerar ku ah Madaxtooyada ama Villa Somalia oo uu gacanta ku hayo Xuseen Caydiid, inkastoo ay dhici karto in hadalka Xuseen Caydiid uu Baydhabo uu maanta kaga dhawaaqey uu keeno in maxkamaduhu ay cadatowtinimo u qaadaan Xuseen Caydiid sidaa ay ugu daraan saldhiga ay doonayaan inay qabsadaan.

 

Axmed Aar

SBC Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Labadoodaba waa laba bastariin waxayna mudan yihiin in madaxa laga wada jaro period. 15 iyo toban sano ayuu cunayay xoola uu ka dhacay ummad masaakiin xoola ay shaqayteen, hadda ayuu kuleeyahay 15 iyo toban sano ayaan heysaynay goobaha ay inaga qabsadayn, isla markaana isku sheegaa inuu yahay wariis, sheemo waaxid..

 

 

Go figure:........

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Wiiloy, adeer bas, bas dee dhiiga ha isku karkarinin, bal glass isbarmuda ah oo qaboow qab ka siiyo aanu ka war dhowrno isbadalaadka socda. Tan kale waxba hala yaabin Xuseen wuxuu ka dhigan yahay ninkii libaaxa hurday sanka faraha ka gel-geshay. waxaase kaaga darran sida maxaakiimta u jecel yihiin inaay ku nastaan Villa Somalia kuna qaabilaan wafuudooda :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Warar dheeraad ah oo ku saabsan Dagaalladii saakay ka billowday Magaalada Muqdisho

Posted to the Web Jul 09, 16:43

 

 

Muqdisho (PP) - Waxaa saakay si lama filaan ah uga billowday Deegaanka Madiina ee Magalaada Muqdisho dagaal xoogan oo u dhexeeya Cabdi Qaybdiid iyo Maxkamadaha islaamiga ah ee Muqdisho.

 

Dagaalkaaan ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30-qof sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah oo ku sugan goobaha ay dagalaada ka socdaan iyo weliba goobaha caafimaadka, waxaana dagaalkaas uu ahaa mid ay guusha sare lahaayeen Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho.

 

Maxkamadaha ayaa waxay ku guulaysteen inay la wareegaan barqonimadii maanta Ex-koontarool Afgooye, Xeradii Asluubta iyo Deegaanka Xoosh ee degmada Madiina, waxaana Ciidammo taabacsan Xuseen Caydiid iyo Cabdi Qaybdii lagu soo ururiyay Gudha Jaamacaddii hore ee Gahayr halkasoo ay dagaallo xooggan kula galeen kuwa Maxkamadaha islaamiga ah ee Muqdisho.

 

Gallinkii dambe ee Maanta ayay ku guulaysteen mar kale sida ay Puntlandpost xaqiijisay Ciidamada Cabdi Qaybdiid iyo kuwa Xuseen Caydiid inay dib ula wareegaan Ex-koontarool Afgooye iyo Xaruntii Booliiska oo uu hadda si xoog badan dagaalka ula socod.

 

Maxkamadaha islaamiga ahaa ay sidoo kale u xaqiijiyay arrintaan Puntlandpost ma ay wareysi la yeelatay mid ka mid ah saraakiisha Maxkamadaha oo magaciisa noogu soo gaabiyay C/risaaq kana mid ahaa saraakiisha hoggaaminaysay dagaalladii saakay ka dhacay Deegaanka Madiina ee Muqdisho.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaal ka qabow midkii maalintii shalay oo ka socda Muqdisho

 

Muqdisho - 10.July.2006 Iyadoo dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ay ku dhinteen 25 qof 50 kalena ay ku dhaawacmeen inta la ogyahay ayaa

xaaladdu ay maanta ka deggan tahay sidii uu dagaalku ku bilowday.

 

Meelaha qaarkood gaar ahaan deegaannadii shalay ay dagaalladu ka dhaceen ayaa laga maqlayaa rasaas goos goos ah iyadoo habeenkii xalayna ay malleyshiyaadka kala taageersan Col. Cabdi Qaybdiid iyo maxkamaduhu ay halkaasi isku hor fadhiyeen.

 

Dadweynaha ku dhaqan halka ay dagaalladani ka dhacayaan ayaa waxaa soo food saartay cabsi iyo welwel iyadoo dadka qaarkood ay halakasi horay uga qaxeen.

 

War mutiyeed maalintii shalay ka soo baxay dawladda federaalka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyey dagaallada ay magaalada Muqdisho ka wadaan maxkamaduhu, waxana ay dawladdu sheegtay in ay dib uga fiirsanayso in ay wax wada xaajood ah la geli karto ragga hoggaaminaya malleyshiyaadka maxkamadaha iyo in kale.

 

MM Dhoorre

SBC Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this