Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somalia Ulema Kill Each Other .... Somaliland Ulema Reward Each Other

Recommended Posts

Hargeysa,(Qaran News)-Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta ee Somaliland, ayaa maanta shahaado-sharaf gudoonsiisay Gudoomiyaha Hay'ada Geeska Afrika ‘Qarnul-ifriiqaya,' Sheekh Maxamed Cali Geedi, ka dib markii qiimayn culus lagu sameeyey horumarinta kaabayaasha waxbarashada iyo samafalada kale ee Hay'ada uu madaxda ka yahay ay waddanka ka hirgelisay.

 

Gudoonsiintii shahaado-sharaftaas oo loo sameeyey xaflad si weyn loo soo agaasimay, ayaa waxa ka soo qayb-galay masuuliyiinta Wasarada Diinta iyo Aw qaafta, Gudoomiyaha Hay'ada Geeska Afrika, culimo aw diin iyo martisharaf kale.

 

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha xidhiidhka Hay'adaha ee Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta Axmed Maxamed Cabdille, oo sheegay inay Wasaarada diintu ee Somaliland ay abaal iyo sharaf u hayso Gudoomiyaha Hay'ada Geeska Afrika Sheekh Maxamed Cali Geedi, oo uu xusay inuu ku sifoobay wadaniyadad, wax-qabad iyo dadaalada wax-ku-oolka ah ee uu ugu juro horumarinta kaabshada waxbarashada, goobaha cibaada iyo samafalada kale ee Hay'adda uu madaxda ka yahay ay wadanka ka hirgelisay.

 

Agaasimaha Wasaarada diinta iyo aw qaafta Sheekh Muxumed Axmed Cali oo isna halkaas ka hadlay, ayaa hadalkiisa ku bilaabay oo yidhi "Waxaan ku faraxasanahay maanta oo Wasaarada Diinta iyo Aw qaaftu ay goosatay in loo abaalgudo kolkii ay aragtay in Hay'ada la yidhaahdo Hay'da Geeska Afrika, dadaalada ay samaysay iyo waxyaabaha waa weyn ee ay Somaliland ka qabatay barigeeda ilaa Galbeedkeeda, oo Gobol kasta ka dhistay Madaaris, Masaajid iyo aw qaaf loogu shaqeeyo madaariskaa iyo masaajidadaas."

 

Waxaana uu intaas raaciyey oo uu yidhi "Wasaaradu waxa ay goosatay inay shahaado-sharaf bixiso oo ay gudoonsiiso Hay'ada Gudoomiyaheeda, taas oo uu ii xilsaaray Wasiirka Wasaarada oo maanta inaga maqan, sidaas ayay Wasaaradu goosatay, maxa yeelay, Nabigu [NNKH] waxa uu yidhi ‘qofkii aan dadka u mahadniqin ilaahay uma mahadnaqo,' kolkaas marakay Wasaaradu aragtay adeegyada kala duwan ee Gudoomiyaha Hay'adiisu u qabatay dalka Somaliland, waxa aanu go'aansanay inaanu shahaado sharaftaas siino, isaguna uu naga gudoomo, oo dadkuna ay ku daydaan."

 

Gudoomiyaha Hay'ada Geeska Afrika Sheekh Maxamed Cali Geedi, oo halkaas ka hadlay ayaa Wasaarada Diinta iyo qaafta uga hadceliyey sida wadaagsan ee ay u sharfeen iyo shahaado sharafta ay gudoonsiiyeen-ba, isaga oo ilaahay uga baryey sida u sharfeen inuu iyagana Jannada ku sharfo, "Haddii aanu nahay Hay'ada Geeska Afrika waxaa sharaf weyn noo ah in Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta ee Somaliland inay na sharfaan, ilaahay-na waxaan ka baryayaa sida ballaadhan ee ay noo sharfeen inuu Jannada ku sharfo. Waxaana aan ugu ducaynaynaa inuu ilaahay ka abaal-mariyo waxa wanaagsan ee ay dadka u qabanayaan, oo gidigeena inaga abaal-mariyo. Waayo Wasaaradu, waa Wasaarada aanu isugu dhawnahay ee aanu wada shaqayno, runtiina aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa sida wanaagsan ee ay noola shaqayso, oo haddii iyagu aanay jirin wax-ba maanaan qabaneen, oo wax kasta oo aanu qabanayno iyaga ayaanu ula tagnaa."

 

Sheekh Maxamed Cali Geedi waxa uu sheegay inay mudan tahay in sidaas oo loo kale loogu abaal-gudo qof kasta oo bulshada wax-u-qabta, isla markaana ka qayb-qaata horumarada kala duwan ee Waddanku ku soconayo.

 

Sheekh Maxamed waxa uu si qotod-heer uga war-bixiyey wax-qabadkii Hay'ada muddadii la asaasay oo laga joogo dhawr iyo toban sano, isaga oo xusay inay dalka ka sameeyeen 95 Masaajid, 32 malcaamadood, 15 goobood oo lagu xannaaneeyo Agoonta oo ay ku jiraan 1602 Agoon, 23 Madirasadood, 174 Ceel-biyood.

 

Sida oo kale waxa uu xusay in Hay'addu ay gacan-weyn ka gaysatay samafalada beni'aadamka ee loogu gurmado dadka ay ku habsadaan dhibaatooyinka beni'aadamnimo, isaga tilmaamay inay 2,200 iyo dhawr Arday in ay wax ka bartaan iskuulada ay gacanta ku hayaan.

 

Sheekh Maxamed Cali Geedi waxa uu shaaca ka qaaday inay ku talo-jiraan magaalada Hargeysa in ay ka dhisaan wax uu ugu yeedhay ‘Magaalo-tacliimeed,' taas oo loogu talo-galay in wax kasta lagu barto, isla markaana laga helo dhamaan heerarka kala duwan ee waxbarashada, taas oo tilmaamay inay wax ka baran doonaan 50,000 oo Arday iyo weliba Dugsi sare oo caalami ah.

 

Ugu dambayntii waxa halkaas ka hadlay Sheekh Ciise Maxamed Cabdi oo ka mid ah culimada sare sare ee Hay'ada Geeska Afrika, oo si weyn ugu mahad-celiyey Wasaarada Diinta iyo Aw qaafta, isaga oo sheegay in tallaabadan ay Wasaaradu ku dhaqaaqaday inay sii dardar-gelinayso hawlaha iyo waxa-qabadyada kala ee Hay'adu ku guda-jirto.

 

Waxaana fursadaas uu uga faa'idaystay baaq uu u soo jeediyey bulsho-weynta reer Somaliland, oo ku jihaysan in dadweynuhu meel uga soo wada-jeedaan ilaasashada nabadgelyada, isla markaana ay ka hortagaan oo ay heegan u ahaataan cid kasta oo ay u arkaan inay waxyeelayso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good Lord-mardhow our goats are better than Somali goats soo socota?

 

 

Xaaji-It depends on the situation if Godane is from waqooyi galbeed or not. We know one thing-he's no Amxaar and he's no love for Riyale and his Amxaaro masters.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this