Sign in to follow this  
ansaar17

Ugaanda oo benisay in Ciidammadooda ay la wareegin Amaanka Villa Somalia

Recommended Posts

ansaar17   

MUQDISHO: Afhayeenka Ciidammada Midowga Afrika ee Somalia ku sugan oo sheegay inaysan la wareegin ammaanka Madaxtooyada

Posted to the Web Mar 18, 07:24

 

 

Muqdisho (PP) – Afhayeenka Ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya Captain Paddy Kaunda ayaa sheegay in Ciidammada Midowga Afrika aysan la wareegin gacan ku haynta Madaxtooyada Soomaaliya, balse ay halkaas tageen.

 

 

 

Captain Akunda ayaa wuxuu sheegay in shalay gallinkii dambe ay tageen Madaxtooyada Soomaaliya isla markaana ay u tageen halkaas si ay wax uga soo ogaadaan ammaanka Madaxtooyada Soomaaliya, balse uu sheegay in taas laga dhigay in Madaxtooyada Ammaankeeda ay la wareegeen Midowga Afirka Ciidammadiisa.

 

 

 

“Ciidammada ka socda Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan waxay u yimaadeen gudaha Soomaaliya inay sugaa ammaanka Muqdisho, Waxaana tani ay qayb ka tahay howlaha aan halkaan u joogno, balse lama wareegin ammaanka Madaxtooyada weli” ayuu yiri Captain Paddy Akunda.

 

 

 

Mar uu ka hadlay Cap. Akunda howlaha ammaan ee ay Muqdisho ka qabanayaan waxa ay noqon doonaan ayaa sheegay in ay sameyn doontaan roondooyin ay ku marayaan waddooyinka Muqdisho, isla markaana ay sugayaan Ammaanka.

 

 

 

“Waxaan fariisinno ka sameysanaynaa gudaha Muqdisho, innagoo roondooyin ku sameynayna xaafadaha Magaalada, lana dagaalamayna cid walba oo ammaanka wax u dhimaysa” ayuu yiri Captain Paddy Akunda oo sheegay in aan loo baahnayn in la hordhaco howlahooda ciidan.

 

 

Midowga Afrika ayaa waxaa ka jooga Muqdisho ku dhawaad 1500-askari oo ka tirsan Ciidammada Uganda, waxaana ay sugayaan ammaanka Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo lagu wado inay la wareegaan ammaanka Muqdisho iyo goobaha kale ee dowladda sida Dekedda iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this