Sign in to follow this  
Mahdi

Consort oo iibinaysa heshiiskii (Contract) ay la gashay MDGPL

Recommended Posts

Mahdi   

La soo galiyay: 2005 Oct 06 - 01:13

• Xog muhiim ah oo aan dhowaan ka helnay Suuqa Saamiyada lagu kala gato ee wadanka Australia (Australian Stock Exchange) ayaa sheegaya in shirakadii Consort ay iska sii iibi-say boqolkiiba 50.1 qandaraaskii ay la gashay MDGPL Cade.

 

• Read: Warsaxfadeedka Ranger Resources - PDF

• Read: Come-hither from Consort - The Australian

• Visit: Range Resources LTD - Website

 

Consort Pty Ltd ayaa ka iibsatay qandaraskan shirkad kale oo magceeda la yiraahdo Range Resource LTD. Taas macnaheedu yahay in samiga shirkadan ay ku leedahay qandaraskan uu ka badanyahay mida Consort oo iyadu heshiiskan (Contract) markii hore la sixiixatay MDGPL Md. Cade Muse.

 

Waxaa ku cad warbixintan in shrikadda Consort Pty Ltd ay suurtagal tahay in aysan ka howl galin dhulka Puntland hoos yimada.Balse shirkado kale oo aysan wax qandaras ah la saxiixan ay meeshii soo galeen kuwaas oo weliba yeeshey saamiga intii badnayd.

 

Warkaan ayaa waxa uu intaa ku daraya in Puntland khayradkeda in halkii saami uu suqyada Australia ka joogo 5 cents oo Australian ah, iyada oo ay shirkadahanu isku dayayaan in ay iibsadan hadba inta u gadmi karta iyada oo aysan cida heshiiskan la gashay aysan marnaba helayn in ka badan inta qoran qandaraska ay sixiixeen.

 

Lacagaha ka soo baxa xarashka saamiyadan ayaa waxa lagu maal galinyaa socod-siinta qandaraaska lala galay Madaxwayne Cade madaama aysan awal horay u jirin dakhli ay lahayd shirkadii horay u gashay heshiiskan (Consort) taas oo ku cad qoraalka uu helay Garoweonline.

 

Shirkadan gadatay sixiixan ayaa xayaysiin sare ku samaynaysa qandaraaskan si ay uga hesho faa'ido iibinta saamiyada ay sheegatay in midkiiba ay siinayso 5 Cents, iyada oo hada waxa ay gadayso ay tahay warbixin guud iyo sixiix laga haysto Madaxwaynaha DGPl oo aysan jirin in ay tageen ama baaritaan ay iyadu ku samysay dhulka hoos yimaada Puntland.

 

Haddaba tallabadan ayaa waxba kama jiran ka dhigaysa boqashada xubnaha Puntland kuwas oo isugu jira wasiirro DGPL iyo ganacsato reer Puntland ah safarkoodii ay ku tageen magaalada Jowhar, taas oo ay ogolaansho uga raadinayaan DFKMG ah heshiiskan.

 

Qandaraaskan ayaan u baahnayn ogolaansho uu ka helo DFKMG ah maddaama shirkada (Consort Pty Ltd) qandaraskii lala galay ay suuqyo wadamo shisheeye ka iibisay inta hartayna ay suuragal tahay in ay iibiso iyaga oo ku gorgortamaya saxiixii Madaxweyne Cade iyo warbixino hore oo awal hore looga diyaariyay dhulka Puntland hoos yimaada iyo guud ahaan Soomalya.

 

Waxaa kaloo qoraalkan ku xusan in lacagaha loo ballan qaaday in la siiyo DGPL uuna ka sharqamiyey $200,000 bil walba) wasiirka maaliyadda DGPL ay tahay wax loo yaqan “conditional†oo macnahedu yahay, haddii ujeddadii laga lahaa laga wayo in lacagtan dib loo soo celin doono, amaba ay dayn ku tahay dadweynaha reer Puntland, tasoo ku xusan qandaraska ka dhexeeya Shirkadda Consort iyo Madaxweyne Cade, shirkada wax gadatayna ay ku xustay warbixinteeda.

 

Ugu dambayntii iibinta xaraashka khayraadka Puntland iyo guud ahaan Soomaliya ayaan weli dhamaan taas ay Consort ka-sii iibin doonto saamiga uga sii haray qandaraaskan shirkado kale, kuwaas oo wax wada xajood ah ama heshiis aan horay loola galin taas oo sii adkaynaysa in la helo waxa dhabta ah oo ay ku wada heshiiyeen shirkadahan iyo Consort oo dhinac ah iyo Consort iyo saxiixayaashii heshiiskan oo dhinac kale ah.

 

» Halkan ka download-garay software-ka si aad u akhridid pdf-ka

 

Ka akhri halkan warsaxfadeedka loogu tala galay Suuqa saamiyada lagu kala gato ee wadanka Australia markii shirkada Range Resources Ltd ay gadatay boqolkiiba 50.1 qandaraskii Consort-

 

http://www.garoweonline.com/record/00554804.pdf

 

http://www.finance.news.com.au/story/0,10166,16838847-462,00.html?from=rss

 

Shirkada gadatay khayraadka Puntland bal nala eega website-keeda:

 

http://range2.onlinepublicity.net/index.php

 

Xuquuqda faafinta: Garoweonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

I don't see any prospect in discovering oil that wasn't already there. This could be a hidden agenda to streamline more dumping ground for hazardous radioactive waste.

 

Consideration of any contractual agreement is that money becomes receivable after work is done and services exchanged. Otherwise, this becomes a unilateral agreement whereby puntland is going to abide by supposedly a promise it made to help these mysterious organizations do illegal businesses while in Puntland.

 

Why do the malfeasant puntland officials accept the offer of this money in advance, is the hidden agenda i talked about, which is to allow the disposal of radioactive waste on our land, and people are ignorant about it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this