Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Training For Sh. Sharif

Recommended Posts

Macalimiin Carbeed ayaa Shariif Sheekh Ahmed u furay Tababaro la xiriira hab dhaqanka Madaxweynaha sida salaan ka qaadashada Ciidamadda,hanaanka tilaaba qaadka iyo ilaalinta baratakoolada shirarka Caalamka.

 

Tababarayaasha Carbeed waxaa kale oo ay Shariif Sheekh Ahmed barayaan Luqadda Englishka iyo adeegsiga eray diblomaasiyadeedka .

Sarkaal ka mida tababarayaasha ayaa diblomaasiyiin la saaxiiba Shariifka kula kaftamay inuu u dhaqmayo sida Masuul waxba yaqaan.

 

"Wax walba wuxuu nagu leeyahay qodobkaas waan aqaan ee ka gudba,intaasna waa kaftan laakiin xaqiiqatan waxaanu siinay casharo ama Seminaar wax ku oola"ayuu yiri mid ka mida barayaasha Shariif Sheekh Ahmed.

 

Weriyeyaasha ku sugan DJibouti ayaa sheegay in Shariifka u dhaqmayo sida shaqsi loo diyaariyay kursigga Madaxweynenimada wuxuuna qaarkood kula sheekeeystay inuu ka qeybgalayo shirka Madaxda Afrika ee ka dhacayo Magaaladda Addis Ababa sedexda maalmood ee is xigta.

 

Nur Cadde iyo Shariif Sheekh Ahmed oo kulan albaabada u xiran yeeshay ayaa ka wada hadlay qodobo xasaasiya oo nuxurkoodu ahaa inaysan wada tartamin oo isu tanasulaan hasse yeeshee lama ogga heerka isfahamkoodu gaaray,khilaaf iyo is aqbalaad.

 

Diblomasi ka tirsan Qaramadda Midoobay oo la hadlay Waagacusub ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen hadii ilaa Agost kursiga Madaxweynenimada loo dhiibo Shariif Sheekh Ahmed si loogu tijaabiyo wax ka qabashada Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this