Sign in to follow this  
Shaakirullaah

Harakat Al-Shabaab Al-Mujahideen announce general pardon in Baay Bakool

Recommended Posts

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo sheegay in ay cafis u fidiyeen Maamuladii dowladda ee gobolada Bay iyo Bakool

 

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxa ay sheegay in ay cafis u fidiyeen Maamuladii dowladda ee gobolada Bay iyo Bakool.

Kadib kulan gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ay ku yeesheen Xubno katirsan Golaha Aqoonyahanada, Odayaasha iyo Saraakiil sar sare oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxaa looga hadlay arimo ku saabsan amaanka gobolada Bay iyo Bakool.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Masnsuur oo isagu ah hogaamiye sare oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab oo kulankaasi uu la qaatay Odayaasha iyo Aqoonyahanada kadib Saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ay cafis u fidiyeen Xubnaha dowladda KMG Soomaaliya ee ku kala sugan degmada Dolow ee gobolka Gedo iyo degmada Yeed ee gobolka Bakool halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka wadeen dhaqdhaqaaqyo ku aadan sidii ay ula wareegi lahaayeen gacan ku haynta goboladii lagala wareegay.

Afhayeenkii hore ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow waxa uu carabka ku dhuftay in xiligan aan loo baahnayn in la dhibaateeyo dadka ku dhaqan gobolada Koofurta Soomaaliya oo badankoodu ay ka arimiyaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab sidaasi darteed waxa uu sheegay in ay cafis u fidinayaan xubnihii dowladda KMG ee ka arimin jiray gobolada Bay iyo Bakool isagoona tusaale u soo qaatay Xildhibaan Saalax Badbaado.

Si kastaba ha ahaatee ma ahan markii ugu horeysay oo Saraakiil katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay cafis u fidiyaan xubno katirsan Maamuladii hore ee gobolada Bay iyo Bakool oo iyagu ku sugan degmada Dolow iyo degmooyin kale oo katirsan gobolada Bay iyo Bakool, lamana garanayo qaabka ay cafiskan u aqbali doonaan Maamuladii hore ee gobolada Bay iyo Bakool looga awood roonaaday.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiishii Maamulada dowladda KMG Soomaaliya ee gobolada Bay iyo Bakool oo ku gacan seeray Cafis ay u fidiyeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab

 

Saraakiishii Maamulada dowladda KMG Soomaaliya ee gobolada Bay iyo Bakool ayaa waxa ay ku gacan seereen Cafis ay u fidiyeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Xuseen Macalin Axmed Biikole oo ah gudoomiyihii dowladda KMG ee magaalada Baydhabo ahaana duqii magaaladaasi oo sanad ka hor gacan ku haynta magaaladaasi si dagaal ah ay kaga saartay Xarkada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa waxa uu markii ugu horeysay si kulul ugu gacan seeray hadalka maalin ka hor ka soo yeeray Saraakiil sar sare oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab kaasi oo ahaa in ay cafis u fidiyeen Maamuladii dowladda KMG horay looga saaray qaar kamid ah gobolada Koofurta ee dalka Soomaaliya sida ay sheegeen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

Gudoomiye Xasan Biikole oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Shabelle ayaa waxa uu sheegay in xiligan la joogo maamuladii hore ee gobolada Bay, Bakool iyo Gedo ee iminka ku sugan degmooyinka Dolow iyo Yeed oo ka kala tirsan gobolka Gedo iyo Bakool aanay wax cafis ah uga baahneyn maamulada Islaamiga ah ee hoostaga Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee hada ka taliya gobolada Bay iyo Bakool.

Waxa uu intaasi ku daray gudoomiyihii hore ee dowladda KMG ee magaalada Baydhabo in ay haystaan awood buuxda oo ay dib ugula wareegi karaan goboladii horay looga saaray islamarkaana waxa uu sheegay in xiligan iyagu aanay isku dhiibeyn Maamulada Islaamiyiinta, isagoo sheegay in meesha ugu dambeysay ay marayaan abaabuladii ay wadeen dhawaana ay ku kalsoonyihiin sida uu sheegay in ay hantaan magaalooyinkii horay looga saaray.

Sidoo kale Xasan Macalin Axmed Biikoole ayaa waxa uu sheegay in dalka ay ku soo duuleen dad uu ugu yeeray in ay yihiin Ajaaniib loona baahanyahay sida uu sheegay in laga xoreeyo gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale sheegay in dad aan u dhalan Wadamada Afrikaanka ah ay joogaan gudaha dalka ayna gacan ka heleen Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab islamarkaana kuwa Midowga Afrika ee hada jooga magaalada Muqdisho ay yihiin dad Afrikan ah oo loo baahanyahay in ay dalka nabad ka dhaliyaan.

Hadalkani ka soo yeeray xubnihii dowladda KMG Soomaaliya ee ka arimin jiray gobolada Bay, Bakool iyo Gedo aya waxa uu ka dambeeyay kadib markii Afhayeenkii hore ee Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu sheegay in ay cafis u fidiyeen Xubnaha dowladda ee ku sugan degmooyinka Dolow iyo Yeed taasina ay muuqato in ay ku gacan seereen Maamuladii dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this