Sign in to follow this  
General Duke

Gen Morgan Interview...Barre Hiiraale is on the run

Recommended Posts

morgan_jubbada.jpg

 

 

Gen. Morgan ".... 90% jabka wuxuu ku dhacay Xildhibaanka dagaal oogaha ah ee Bare Hiiraale iyo maleeshiyada la socota...."

 

Wareysi Gaar ah!

 

Muqdisho :- Waxaa maanta noo suurto gashay in aan wareysi la yeelano Gen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan oo markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay dagaaladii ka dhacay Hosingoo iyo Dhoobley.

 

Gen.Morgan oo aan maanta khadka taleefoonka guur guura aanu kula hadalnay ayaa shaaca ka qaaday inuu ku sugan yahay Deegaankii ay dagaalada ka dhaceen.

 

Jenanka oo ka hadlaya dagaalada ayaa yiri...

 

".....waxaa dhacay dagaalo sadex maalmood iyo maanta ka dhacay deegaanada Jubbada Hoose, dagaaladaasina cidii uu jabka ku dhacay hadee nin walba xeradiisa ayey ka muuqataa...".

 

 

HorseedNet "...Jenaraale waxaa la sheegay in xaruntaadii la qabsaday Hosingoo iyo waliba in adiga laftaada lagaa furtay gawaari badan sida ay sheegeen Dooxada Jubba maxaa arrintaa ka oron laheyd, Sidee dagaalka u dhacay...."

 

 

Gen.Morgan ".....Dagaalka wuxuu ka bilowday Buulo Xaaji waana kii ugu horeeyey dagaalkaas wuxuu Bare Hiiraale soo qaaday 6 weerar oo labo af ah, lixdaa weerar waa uu ku jabay, waxaana uga gubnay 8 gaari oo shani tahay Tikniko dagaalkaasi wuxuu ka dhacay Aaga Buulo Xaaji iyo Xaliimo Cadey...... dagaalkaa waxaa nooga dhintay 5 qof iyo 10 dhaawac ah.."

 

Dagaalkaas ayuu ahaa kii ugu weynaa ee na dhexmara anaga iyo Dooxada Jubba, waxayna keentay in Bare Hiiraale uu dib ugu noqdo Kismaayo isla markaana dhanka Jilib kasoo raaco maleeshiyo laga soo abaabulay Marka iyo Muqdisho.

 

Dagaal maalintii Jimcaha ay soo qaadeen ayaa waxay weerar kasoo qaadeen dhanka Hosingoo ayagoo dhanka Bu'aale soo maray, dagaalkaas maaheyn wax weyn wax khasaaro nolol ama dhaawac ah oo naga soo gaaray ma jiraan, ayaga uun baa weerar ahaa oo khasaaruhu ku badnaa. Tirada saxda ah kama heyno.

 

 

HorseedNet "... oo Jeneraale dagaalkaa soo lagaama qabsan xaruntaadii ...."

 

 

Gen.Morgan "...Hosingoo waxaa joogay sadex gaari oo aan tikniko ahayn iyo labo gaari oo xamuul ah, mana aheyn goob sal dhig u ah ciidamada ee waxay ahayd goob kamid ah meelaha ay joogeen ciidamada deegaanka, shaqsiyan markaa ku ma sugneyn goobtaa, waxay gacanta ku dhigeen sadexdaa gaari iyo labadaa oo xamuulka ahaa...

 

Halkaa maysan ku joogsan oo weerar ayey igu soo qaadeen mar aan ku suganeyn goob u jidha Hosingoo 60km dhanka Kismaayo waana la soconay weerarkoodaa..... jid gooyo ayaanu u dhignay isla markaana jab ayaa ku dhacay oo looga gubay labo kamid ah tiknikadooda, Ciidamadaasi waxay dib ugu noqdeen Hosingoo ayagoo markaa qaarkood sii aaday magaalada Dhoobley oo loogu sheegay in uu yaalo Shidaal ay rabeen in ay qaataan si ay ugu gudbaan dhanka Bu'aale iyo Kismaayo.

 

 

HorseedNet "... Hadaba intee ku danbeeyeen ciidamadii Dhoobley aaday?"..

 

 

Gen. Morgan "... Ciidamadaa waa kuwii uu la socday Bare Hiiraale, waxayna habeenkii ay gaareen Dhoobleey ayagoo kasoo dhacay qalab iyo shidaal, isla markaana dhibaato dil, dhac iyo kufsi ah u geystay dadka shacabka ah ee magaalada, waxayna habeenkaasi difaac ka galeen Hosingoo...kadib markii ciidamada deegaanka kasoo saareen magaalada Dhoobley.

 

Anagu waanu isku diyaarinay in aanu ku dhaqaaqno dhankaas waxaana aagas abaaray ciidamo waxayna gaareen dhanka Dhoobley, isla maalintaa dagaalkii ka dhacay shalay oo Sabti ahayd waxaanu jidka uga qabanay 4 gaari oo xamuul ah oo ay dhanka Dhoobley ku sugnaa oo ay ku jiraan labadii xamuulka ahaa ee aanu laheyn kuwaas oo ay maleeshiyada dooxada Jubba u isticmaalayey in lagu soo qaado xoolaha dadka Dhoobley laga soo dhacay, waxaana la socday 5 gaari oo Tikniko ah gawaaridaa 3 baanu ka gubnay kuwa xamuulkana iyo labo tikniko ahna gacanta ayey noogu jiraan oo halkaa ayeyba joogaan hada.

 

 

HorseedNet "... Hadee meeyeh ciidamadii kale ee Bare Hiiraale la socday???'

 

 

Gen. Morgan ".....ciidamadaasi waxay intooda badan joogeen Hosingoo ayagoo isku diyaarinaey in ay aadaan Bu'aale waxayna weeraro ku qaadayeen Dhoobley marka anagu waanu qabqabanay kuwii ugu danbeeyey oo ay u direen in Dhoobley nawaaxigeeda soo dhacaan...."

 

 

HorseedNet "...Hada Bare Hiiraale intee ku sugan yahay?"

 

 

Gen. Morgan "...Bare Hiiraale iyo maleeshiyadiisii waa ka baxeen Hosingoo ayagoo qabtay dhanka Kismaayo..."

 

 

HorseedNet ".... Marka adiga ciidamadaada intee bay joogaan?"

 

 

Gen. Morgan "...ciidamada goobo badan bay joogaan balse inta badan ciidamadii sidoodii ayey u joogaan Aaga jiid hore....halkaas ayeyna hada hawgalo ka wadaan.

 

 

HorseedNet ".... Adiga intee baad joogtaa hada?"

 

 

Gen. Morgan "..... Aniga waxaan la joogaa ciidamada deegaanka ay ku sugan yihiin ee goobihii horey dagaalada uga dhaceen...."

 

 

HorseedNet ".....Waxaa jira warar sheegaya in lagugu dhaawacay dagaalkii Hosingoo oo lagugu daaweynayo dalka Kenya maxaa arrintaa ka jira???

 

 

Gen. Morgan ".....waan maqlay arrintaa oo dadkiina isoo waca ayaa sheegaya qolobaaba tiri Nairobi ayaad joogtaa oo lagugu hayaa, marka wararka Dooxada Jubba waa iska badan yihiin."

 

 

HorseedNet ".... Jeneraale waxaanu la soconaa in dagaal weyn uu ka dhacay Jubbada Hoose oo aad adiga labada dhinac qeyb hogaamineysay, weli hada ma isku dayday in aad nabad ku xalisid arrinta Kismaayo iyo Jubbaland?"

 

 

Gen. Morgan ".....marka hore shaqsiyan dagaal deegaankaan umaanan imaan, illaa iyo hada dagaal dhacay oo aanu anagu laheyn weerarka majiro, oo dagaal baa nalagu soo qaadayey illaa iyo Xamar iyo Marka baa gurmadka ka yimid, marka dagaal intaa la eg abaabulkiisa,..marka iguma xirna nabadeeda oo waxay ku xiran tahay dhinaca dagaalka wada, dhankeygana nabadii aanu ku dhawaaqnay waa nalaku laaday oo dagaal baa lasoo abaabulay.

 

Dagaalkani ayaagaa bilaabay wuxuu noqon haduu Illaahey yiraaho kii lagu xoreeyo deegaanka xooga lagu heysto............. si aan caadi ahayn baana deegaankan la igu soo dhaweeyey, tan iyo intii uu dagaalka ka bilowday deegaankaana dadka u dhashay si buuxda ayey isaga difaaceen waana sii socon doonaa is difaacaas xaqa ah. Dadka deegaanka dhibaato aan caadi aheyn baa ku habsatay waxbadana way sheeganayaan.

 

Waxaan u sheegayaa ummada Soomaaliyeed in wixii khasaaro ah oo dagaaladan ka dhasha in eedeeda uu leeyahay Xildhibaanka gacan ku dhiiglaha ah, haduu yahay nin Xilka dhibayo, wuxuu ka gil gilan lahaa wiilasha uu iska soo hormariyey ee ku baaba;ay Xaliimo Cadey, Hosingoo, Dhoobley iyo Buulo Xaaji , waana fool xumo arrintaasi in ay dhacdo oo dagaal intaa la eg uu ku baabi'iyo wiilasha uu soo jahwareeriyey.

 

 

HorseedNet "...waxaa jira in dagaalo laga abaabulayo dhankaada iyo waliba dhanka kale, adiga ma ka tanaasuleysaa dagaalka, illeyn waa ina la kala roonaado?

 

 

Gen. Morgan ".....waa run in lakala roonaado weeye, balse Bare Hiiraale waa ninka looga baahan yahay inuu nabada ku dhawaaqo illeyn kii xabada bilaaba ayaa laga rabaa inuu is garto, anagu difaac ayaan ku jirnaa deegaankeenana ayaanu joogaan cidii xabadu dhibeysano waa ninka deegaanka xooga ku yimid."

 

Kaasi wuxuu ahaa Gen. Morgan oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalada ka socda Gobalada Jubbada hoose labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayadoo Jenanka sheegay in ay suuro gal tahay in dagaalo waaweyn ay ka dhacaan deegaanada Jubbada Hoose oo uu sheegay in ay isku soo baheysteen waxa uu ugu yeeray burcad iyo maangaab.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo Ba'an oo Maanta kadhacaya Badhaadhe dagaaladaas oo dhex maraya SPM iyo Dooxada Juba

Posted to the web 19-09-2004

 

Warar naga soo gaaraya Dhooblay ayaa sheegaya in uu halkaasi maanta dagaal ka qarxay, kaasoo u dhexeeya Dooxadda Jubba iyo SPM. Wararku waxa ay intaas ku darayaan in dagaalka maanta uu gaystay khasaaro Naf iyo moodba leh.

 

Laba baabuur ayaa la sheegay in dagaalkan looga gubay Maleeshiyadda Dooxadda Jubba oo la sheegay in ay hogaaminayaan laba nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Goobane iyo Yuusuf Indhacadde oo la sheegay in ay isku jufo ka tirsanyihiin.

 

Sida laga wada war qabo labadan hogaamiye oo kasoo duulay Muqdisha ayaa ah kuwii dabka qabadsiiyey magalada dhoobley oo ahayd magaalo dad rayid ah ku noolyihiin ilaa iyo haatana waxaa dadku is waydiinayaa caadawada iyo xasuuqa ay geysteen maleeshiyadan kasoo duushay Muqdisha ee sida naxariis darada ah ula dhaqantay dadkaa rayidka ah ee ku dhaqan degaanka.

 

Dhanka kale , warar ayaa sheegaya in maleeshiyadda RRA garabka xaabsade ay isku diyaarinayso sidii ay maanta weerar ugu qaadi lahayd Bu'aale.

 

Ismaaciil Gaab

Somaali.com - Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaala culculus oo ka dhacay Deegaanka Xaliimo Cadeey ee Gobolka Jubada hoose

Posted to the web 19-09-2004

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in dagaal uu ka dhacay Deeganka Xaliimo Cadeey oo aan kafogayn Magaalada Kismaayo.

 

Dagaalkan oo shalay galab dhacay ayaa lagu soo waramayaa in uu dhex marey Ciidamada Jen.Morgan iyo kuwa Dooxada Jubba ee hogaaminayo Col.Barre Hiiraale.

 

Dagaalkan oo ahaa mid khasaaro badan geystay ayaa lagu soo waramayaa in halkaasi ay ku dhinteen dad lagu shegay tiradooda 12 qof iyo dhaawac lagu qiyaasay in uu gaarayo ilaa 20 qof, qasaarahan ayaa intiisa badani uu dhacay kadib markii afar gaari oo kuwa dagaalka ah oo ay lahaayeen Ciidanka Isbahaysiga Dooxada juba ay halkaasi Miino kula qaraxday.

 

Mar aan la xiriirnay qaar kamid ah saraakiisha Gen Moorgan ee aaga hore dagaalka kaga jira ayaa inoo xaqiijiyey in qasaara ba'an oo naf iyo maalba leh ay u gaysteen Ciidamada duulaanka ah ee Isbahaysiga dooxada juba. Sarkaalkaas oo inoo waramayay ayaan sheegin wax qasaara ah oo dhank Gen Moorgan kasoo gaaray dagaalkii shalay, waxaana uu inoo sheegay in ay uga gacan sareeyeen Ciidanka isbahaysiga dagaalka shalay ka dhacay Xaliimo Cadeey.

 

Sarkaalkaas oo aan weydiinay Gen Moorgan meesha uu ku sugan yahay ayaa inoo xaqiijiyey in uu Gen Moorgan uu ku sugan yahay Aag ka mid ah aagaga ay ciidamada kadagaalamayaan.

 

Dagaaladan oo Haatan kadhacaya degaanka Xaliimo Cadeey, ayaa waxa meesha ka baxaya wararkii beenta ahaa oo ay fidiyeen Isbahaysiga dooxada juba oo ay ku sheegeen in ay moorgan kasaareen goobihii uu gacanta ku hayey, waxaana si cad u muuqata wararkii laga sii daayey idaacada BBC - da iyo qaar kamid ah shabakadaha internetka ee sheegayey in moorgan laga adkaaday lagana saaray xuduuda, uu beenahaa iyo hadal aan waxba kajirin, ujeeda gaar ahna ay kalahaayeen kuwii wararkaas fidiyey.

 

Ismaaciil Gaab

Somaali.com - Kismaayo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Smith iyo WD waxaa uu bahantihiin Quran akhris, wixina hilo iyo ficil waa dhafeen. Ruuntana dhegba uma dhigtan. Lakiin idin la yabii mayo waayo weligiin ayad jab iso jogteen, sa awgeed ayey mida hada tagani idinku muqaan la'dahey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xarago, there is no nobler task than telling the truth, its seems the truth hurts you. No one is running this conflict will be settled by the will of the people of Juba and the people dont want these criminal thusg JVA. Look at what they did in Dhoobley :mad:

 

So dear its you who needs to revisit her values as a Muslim and as a woman and not lecture us to see your clan baised side of the argument. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan iyo saraakiil kale oo soo gaaray Degmada dhoobley.

By Y.C.Qammaan Posted to the web 20-09-2004, 01:05:28

 

Dhoobley:-G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa Galabnimadii Axada ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhoobley ,isagoo hogaaminaya Saraakiil Sar-sare oo ka tirsan Jabhada SPM,Waxaana halkaas ku soo dhaweeyey Duqa Magaalada Dhoobley Xayi Barqadle iyo mas'uuliyiin katirsan Beesha ****** .

 

Waqtiyar Dabadeed G/kuxigeenka iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa ka qabgalay Aas lagu aasayey Haweeney 82 jir oo maalintii jimcaha ay dhaawac ugeysteen Ururka Al-itixaad ee ku soo duulay Degmada Dhoobley kadib markii udhimatay Dhaawacaas.

 

G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan oo ay horkacayaan Duqda Degmada Dhoobley Xayi Barqadle iyo masuuliyiin kale oo katirsan dadka degaanka ah ayaa waxay marsiiyeen G/kuxigeenka Dhamaan Goobihii Maleeshooyinkii Al-itixaad ee kasoo duulay Marka iyo Muqdisho ay ugeysteen dadka Deegaanka Dhoobley.

 

Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan ayaa isla galabnimadii ka jeediyey khudbad aad u dheer meel fagaare ah oo ay isugu soo baxeen dadka Deegaanka Dhoobley hadalada carabkiisa ka soo baxayna waxay u dhaceen didatan"Anagu hadaan nahay masuuliyiintii Jabhada SPM aad baan uga xunahay dhibaatada loo geystay shacabka aan masuulka ka nahay,waxaanse ku faraxsanahay sidii geesinamada lahayd ee Ciidamada Deegaanku ay isaga dulqaadeen dhibkii loo gestay, waxaana farayaa dadka inay ilaahay usabraan wixii ka soo gaaray dhibaatadii dad iyo maalba laheyd ee lagula kacay.Waxaan usheegaynaa cid walba uu ku soo duushay Jubaland inaanu Gorgortan aanu kala gelikarin deegaanada Jubaland iyo Baardheeraba waa sida uu hadalka u dhigaye".

 

G/kuxigeenka Jabhada SPM Col.Cabdi Mahdi Cabdisalaan iyo saraakiil kale oo la socota ayaa maalinta Beri ah oo bishu tahay (20/9/04) lagu wadaa inuu booqasho ku maro Degmooyinka Afmadow iyo xagar.

 

Dhinaca kale wariyaha Puntlandpost u fadhiya Deegaanka Dhoobley ayaa u sheegay Warsidaha Puntlandpost in Col.Barre Hiiraale oo ka tirsan Maleeshiyada Dooxada Jubba ee ka soo hayaamay Deegaanada Gal-gaduud uu khadka taleefanka uu kula xiriiray Duqa Degmada Afmadow isagoo uga tacsiyeey dhibaatooyinkii ay maleeshiyadoodu ugeysteen Dadka deegaanka dhoobley,wuxuuna Bare Hiiraale kadalbaday Duqa magaalada Dhoobley Md,A/risaaq Cusmaan Maxamud inay ku martiqaadaan isaga iyo odayaasha Beesha ****** Magaalada Kismaayo.

 

Duqa Magaalada Afmadow Md,A/risaaq Cusmaan Maxamud ayaa ku gacansayray codsiga Bare Hiiraale isagoo ugu baaqay marka hore in wadahadal uu ku imaankaro oo kaliya iyagoo kala baxa Deegaanada Jubooyinka Maleeshiyda laga soo jafjafay Gobolada Galgaduud ,Hadalkaasna uu aad uga xanaajiyey Col. Barre Hiiraale.

 

Wuxuu kaloo noo xaqiijiyey wariyaheenu in dagaalo ay ka dhaceen Maalintii Axada Deegaanada Cabdala Biroole iyo agagaarka buulo xaaji halkaasna loogu awood sheegtay Ciidamada ka soo hayaamay Muqdisho marka iyo gobolada gal-gaduud.

 

Ciidamada Deegaanka Jubooyinka ee uu horkacayo Gen,Maxamed Saciid xirsi "Moorgan" ayaa dagaalkan dhacay maalintii Axada u geystay maleeshiyooyinkan khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawacba tiro cadadeedu le'egtahay 28 qof iyo labo baabuur oo teknikada ay wateena ay la qaraxday Miinooyin dhulka loogu xabaalay.

 

Yuusuf Cali Qammaan

Puntlandpost,Dhoobley,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Originally posted by SmithNwestern:

So dear its you who needs to revisit her values as a Muslim and as a woman and not lecture us to see your clan baised side of the argument.
:D

That is rich coming from you Smith, but then again you are Smith the one person who is right and others wrong..eh..eh..eh :D .

I wonder when you will realise huuno events in the ground contradict your assumptions.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I wonder when you will realise huuno events in the ground contradict your assumptions.

I present facts, interviews news updates. you present cheap statements. All you seem to do is rearange your prejuidices. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Smith our argument centred on two parallels

a) Morgan recapturing Kismayo

b) Colonel Yeeys Presidency

 

The former regarding Kismayo that is history but your clinching on to 'huba-huba' and 'kutri=kuteen' from your sources the laughble Horsednet and puntland post. While all other major news wires are reporting the opposite.

The latter Colonel yeey we will have to wait and see, but my predictions have been backed by others in SOL family whom you value their opinion.

Finally my friend it is just that I dont want you to have false hopes. Whether you call me tribalist or anything similar my opinion of you will not change, I will only see it coming from someone who is bitter and seeing all that his adversaries prediction coming true.

 

Calm down my friend 'gari laba qof kama wada qosliiso'

Share this post


Link to post
Share on other sites

However events on the groud don't support your "facts".

You must be having one of those days ha.

What events on the ground the Gedonet.com or the ones reported on www.somalitribune.com or even the galgaduud networks www.goobjoog.com.

 

Brother you have not won, on the contrary it seems that you guys are getting desperate. two days ago you was saying Morgan was in KENYA, so who's evidance is not supported on the ground.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this