Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Puntland oo xoriyada saxaafada iyo dadkaba ka qaaday???

Recommended Posts

Booliska magaalada Garoowe oo xabisga u taxaabay Tifaftiraha wargeyska Shacab iyo mid ka mid ah howlwadeenada wargeyskaas.

 

June 21, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Nuux Muuse Birjeeb “Garooweâ€

 

Booliska magaalada Garoowe ayaa xabisga u taxaabay Tifaftiraha wargeyska Shacab iyo mid ka mid ah howlwadeenada wargeyskaas kaddib markii shalay ay soo saareen cadad ka mid ah wargeyskaas oo hore maamul goboleedka Puntland ay u mamnuuceen.

 

Ciidmada booliks magaalada Garoowe ayaa xalay saldhiga dhigay Tifaftiraha wargeyska Shacab Cabdi Farey iyo Cabdiraxmaan Yuusuf Cali “Qoondheeyeâ€oo isagana ka mid ah howlwadeenada wargeyskaas kadib markii shalay ay soo saaren cadad ka mid ah wargeyskaas oo muddo bil ka hor maamulka Puntland ay joojiyeen soo bixitaankiisa.

 

Cabdi Farey oo HornAfrik ay ku booqatay xabsiga ayaa u sheegay inay go’aansadeen inay dib u soo saaraan wargeyska iyagoo og inuu saaran yahay cunaqabateyn ama shaqo joojin iyo warqadii ka soo baday xafiiska madaxweynaha Puntland oo lagu joojinayey soo bixitaanka waregyskaas.

 

Wargeyska Shacab oo ah wargeyska ugu afka dheer marka loo eego kuwa kale ee ka soo baxa maamul goboleedka Puntland ayaa shalay ilaa iyo maanta ka dhexmuuqanayey magaalooyinka Puntlnad isagoo ka duwanaa qoraal ahaan iyo waraaq ahaan kuwii hore u soo bixi jiray.

 

Suxufiyiinta ku nool Puntland ayaa ku tilmaamay arrin laga xumaado arrintaas ay ku dhaqaaday maamul goboleedka Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoowe: Saxafiyiin u shaqaysa Wargayska Shacab oo Maalintii Labaad ku xiran Saldhigga Garoowe iyo Baaqyo laga soo saaray Arintaas.

- Wednesday, June 22, 2005 at 11:05

 

Garoowe(AllPuntland)-Waxaa maalintii labaad Saldhigga Booliska magaalada Garoowe ku xiran laba wariye oo u shaqeeya Wargays dhawaan la joojiyay oo lagu magacaabo Shacab.

 

Labadan Saxafi oo mid ahaa Tafatirihii wargaysa Shacab Cabdi Farey iyo nin lagu naynaaso Qoondeeye oo kamid ah qorayaasha wargayska ayaa maalintii shalay ahayd boolisku ka kexeeyeen goobta joornaalka lagu daaboco.

 

Boolisku waxay u sheegeen Saxafiyiinta in loo haysto arimo la xiriira inay si amar la'aan ah usoo saareen joornaal ay horay u joojisay dawlad goboleedka Puntland.

 

Booliska Puntland ayaa dhawaan albaabada u laabay wargayska Shacab kadib markii lagu eedeeyey inuu qoray waxyaabo dhan ka ah dawladda Puntland.

 

Ururka saxafiyiinta Puntland ee PUMANET oo la soo xiriirnay AllPuntland ayaa noosheegay inay aad uga xumaadeen wariyeyaasha lahayo ayagoon wax maxkamad ah lasoo taagin isla markaana aan lacaddayn waxa lagu xiray.

 

Dhinaca kale Saxafiyiinta aan xudduuda lahayn ee Caalamka ayaa cambaareeyay xarigga markii labaad loo gaystay labada Saxafiyiinta wargayska Shacab ee Garoowe.

 

Madaxda Puntland ayay ka codsadeen inay sii daayaan wariyeyaasha lagu xir xiray magaalada Garoowe.

 

Ma ahan markii ugu horaysay ee ay booliska magaalada Garoowe xiraan wariye ka socda wargayska madaxa bannaan ee Shacab ee fariisinkiisu yahay Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

wiil duco this is a tragedy. The Puntland government has shown that theyre not as mature and democratic as theyve liked us to believe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Puntland oo wali u xiranyahay tafitirah warka shaca. Cade Muuse wuxuu ku socdaa kaliyi talinimadii soomaaliya waligeed soo mari jiratay.

 

 

 

Garoowe: Maxkamadda Magaalada Garoowe Oo Tafatirihii Wargayska Shacab u gudbisay Xabsiga , Siina daysay Wariyihii Kale.

- Thursday, June 23, 2005 at 15:37

 

Garoowe(AllPuntland)-Wariye ka tirsanaa Wargayska Shacab ee kasoo bixi jiray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa maanta la horkeenay Maxkamadda magaalada Garoowe.

 

C/rashiid Faray oo ahaa tafatirihii Wargayska ayaa Maxkamaddu Su'aalo waydiisay , waxaana ka mid ahaa su'aalaha lawaydiiyay inuu Tafatiruhu khilaafay Awaamiir kasoo baxday dawladda gaar ahaan golaha wasiirada qaarkood.

 

C/rashiid Faray wuxuu taas kaga jawaabay inuu asagu yahay nin Shaqo diyaar u ah oo oo shaqaysanaya , isla markaana uusan yeelayn hashaqaysan oo meel fadhi.

 

Maxkamadda ayaa saxafigan wali aan xukumin hase ahaatee waxay amar ku bixisay in lagu sii hayo xabsiga dhexe inta Kiiskiisa laga baarayo.

 

Wariye kale oo lagu magacaabo Qoondeeye oo la xirnaa Tafatiraha kana tirsanaa wargayska Shacab ayaa sida naloo xaqiijiyay lasii daayay .

 

Waa maalinti saddexaad oo aysan wali dhinac u dhicin dacwadda loo haysto Tafatiraha wargayska Shacab oo labadii maalmood ee ugu danbeeyay ku xirnaa Saldhigga haatanse Xabsiga loo gudbiyay.

 

Maalintii Shalay ahayd baaq ay soo saareen ururka Suxufiyiinta aan xudduudda lahayn ee Adduunka waxay Madaxwaynaha Soomaaliya iyo kan Puntlandba uga codsadeen in lasii daayo wariyaha Xiran .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qallac Saxaafadeed, Mise Dan Bulsho: Bal Adba?

- Thursday, June 23, 2005 at 18:25

 

Arar

 

 

 

Astaamaha lagu garto dhumucda fikir siyaasadeed ee hogaan ummadeed waxaa ka mid ah garawsi, aqbalaad, iyo u dhega-nuglaan dhalliilaha iyo galdaloolooyinka maamul ee banyaalka ah. Waa beege lagu dhereriyo heerka gahayrnimo, bisayl iyo u debecsanaan ee falceliska bulsho ee ku aadan iimaha madaxda caynaanka u haysa ummadda. Haddii taa la waayo, maamulkaa laguma tilmaami karo mid hayin ah, oo leh moqor hamuun tira bulshada. Waa baaqimo in ay hamuuntirto sidig tu kale ka joogtee aan wabxin ubadkeed.

 

 

 

Milicsi

 

 

 

Maamulka DG Puntland ee ay madaxda ka yihiin M/Weyne Cadde, M/Weyne ku Xigeen Afqudhac iyo Guddoomiye Dalmar waxaa ay u muuqdaan biciid boqnaha laga wareemay, ee inta bangeeriyaad dan biday, oo cidla ciirsila aruntay, maqashii ay ahayd in uu bilo, saq dhexe miray.

 

 

 

Wara’ada ugu weyn ee iminka muuqdaa waa dhawris la’aanta sharciga ee hawl-wadeenada dawladda, iyo ixtiraam la'aanta xuquuqda madaniga ah ee danyarta rayadka ah.

 

 

 

Amakaag ayaa fajac kaaga daran e, maxaa maamulka ku khasbay in ay qalinlaha maskaxda miciinsaday ee daalacasho-bulsheedka u go'doomay katiinad lala daba joogo, halka baarqabada habeeddu qarisay ee lixlayaasha garbaha ku sitaa ay maalin kasta ku dhebi-dhastaan suuq-magaaleedyada ganacsi ee Puntland, una galaaftaan rayad aad waxba galabsan.

 

 

 

Tusaale ahaan, qunbulado gacmeed ayaa lagu warfiyey Bangiga Bosaso. Raxan muqlaysan ayaa dharaar cad u dhacday xabsiga dhexe ee Garowe, iilkana u hoyay maxaabiis maxkamad sug ah bartamaha Garowe. Dhagar qabayaal baarqabo ismood ah ayaa iyana dharaar cad maati ka adeeganaysa suuq ka mid ah Galkacyo saanad oodda uga qaaday. Illaa xilligan la joogo cid loo xiro, maxkamad la soo taago, ama la qisaasaa ha joogtee, cid warkeed haysaa ma jirto.

 

 

 

Qalinle ayaa curiyey jil-siyaasadeed oo uu ku cabiray sida uu uga biyadiidsan yahay caynaanka maamul ee xukuumadda M/Weyne Cadde. Si kaftan ah ayaa uu u tibaaxay halka ay isaga la ahayd in ay ka qaloocatay. Cagajuglayn iyo handadaad kadib, xabsiga ayaa loo taxaabay. Madbacaddii iyo tijaaradii ganacsi albaabada ayaa loo laabay, shaqaalihii ka shaqaynayeyna duurka ayay xuleen. Qalinlayaal kale ayaa dhalliilay tayo darida hoggaan ee degmo ka mid ah kuwa maamulka Puntland hoos yimaada. Waa la xiray. Qoraagu dareenka dadweynaha ayaa uu cabiray e, muxuu ku galabsaday in la dulleeyo.

 

 

 

Sawirkaa sare maxaa ka qaldan?

 

 

 

Waxaa xus mudan in hoggaanka maamul ee DG Puntland ee xilligan ay ku joogaan rag qurbajoog ah oo la filayey in ay qaayibeen milgaha xoriyatul-qawlka (freedom of speech) iyo dawrka saxaafadda (role of media). Tusaale ahaan, M/Weyne Cadde, ku Xigihiisa Afqudhac iyo tiro badan oo ka mid ah Golaha Wasiiradu waa qurbaawiyiin la quud daraynayey in ay magawsadeen dheecaanka xoriyatul-qawl ee wadamada haga afkaarta maamul wadaagga sida Waqooyiga Maraykanka, iyo Europe ee lagu soo laylyey. Nasiib darose waxaa ka muuqata madaxda maamulka damiinimo curyaamin doonta qorshe-hawleedka u deggan afarta sanno ee soo socota.

 

 

 

Hindise ahaa in gafafka xukuumadda ay turxaan bixin doonaan Golaha Wakiillada ee sharci dejinta qaabilsan ayaan han laga qabin, sababta oo ah sidii loo unkay Golaha Wakiiladu ma dejin, mana hirgelin hal xeer oo qudha, aan ka ahayn ansixin qorsheyaasha xukuumadda sida golaha wasiirada, miisaaniyad sannadeedka iwm. Golaha Wakiilada ayaa ay ahayd in uu u saaro guddi ka baaraandega, ka doodo, deetana dejiya shuruucda, xudduudda, xeer hooseedyada, qaab-hawleedka, iyo awaamiirta haga hay'adaha warbaahinta.

 

 

 

Aan u dego dulucda qormada e, saxaafaddu waa unug ka mid ah hay'adaha madaniga ah ee ummadeed. Ka sokow baahinta warar maalmeedka, dawrka saxaafadda ayaa ah bidhaamin qalooc ka muuqda maarayn hawleed oo la soo darista hay'ad dawli ah, madani ah, ama rayad ah. Waa dhuun qubanuhu ka dhaato, kana daalacdo sida hawl-wadeenada iyo hay'adaha dawliga ahi ay wax u beekhaamiyaan, una maareeyaan.

 

 

 

Suxufiga oo u hogaansama anshaxa iyo maamuuska haga saxaafadda, iyo madaxda maamulka oo dhawra dawrka, shuruucda iyo xudduudda hay'adaha warbaahinta ayaa lagu kala badbaadi karaa. Suxufiga dhabta ah mas'uul ayaa ka saaran u dhabbagalka iyo dhab ka sheegidda dhacdo. Maamulka wadaaga ah oo hayin u noqda falaaraha toosinta ah ee saxaafadda, una dulqaata dhalliilaha loo soo jeediyo balse aan muquuno, qallac iyo caburin kula kicin saxaafadda ayaa lagu badbaadi karaa.

 

 

 

Dhacdada ugu layaabka lehi waa tasarufka maamulka ee wargayska Al Shacab ee Garowe. Waxaa xus mudan in ka hor intii aan dabrin in tifatiraha wargeysa oo lagu soo oogay af-lagaado M/Weyne dambi lagu waayay, (waa cajiib e - ma Julius Cesar-kii imbiradooriyadii Rome baa), deetana xaakimkii dacwada qaaday uu dacwaddii laalay, daaqaddana ka tuuray - ilayn sharci ma ahayn e. Haddii ay hawlwadeenada M/Weyne Cadde ay ula muuqatay in dambi madani (civil felony) ah oo aflagaado iyo sumcad xumo ay ku soo oogaan tifatiraha (libel and defamation), waa su'aale, maxaa diidaya in iyada oo aan la xirin muwaadinka rayadka ah, xoriyadana aan laga qaadin tifatiraha in qareenka dawladdu, ama Xeer Ilaaliyaha Guud uu dacwad ku soo oogo, deetana xukunka maxkamadeed kadib wixii ciqaab ah ee uu mutayso la mariyo. Maxaa xorriyadda looga qaadayaa muwaadinka? Maxaa loo curyaaminayaa nolol-maalmeedkiisa iyo tan dadka kale ee isaga ku taxaluqa?

 

 

 

Miyaanay u kala soocnayn farqiga u dhexeeya dambiga mudan in qofka loo xiro (criminal) iyo kan aanay ahayn in qofka la xiro (civil)? Miyaanay u kala soocnayn dhagar-qabe, sida qof qof dilay, iyo gaf le, sida qof qof caayey?

 

 

 

Miyaanayse ogayn in markii dacwadda maxkamaddu laashay, dhibanuhu uu ku soo oogi karay M/Weynaha, xukuumadiisa iyo laanta amniga (police) 3 dacwadood oo kala ah: xarig aan sharci ahayn (unlawful imprisonment), xorriyad ka qaad (loss of freedom of movement), iyo dakhli seeg (loss of income).

 

 

 

Waxaa kale oo muuqata in markii maxkamadu laashay dacwadii, in markaa xukuumaddu takoor iyo dabagal ku samayso sharcinimada iyo hawlaha shaqo ee wargayska, deetana lagu soo eedeeyo in aanu mulkiiluhu haysan ruqsad shaqo, canshuurna aanu bixin, sidaa darteed ay tahay in albaabada laysugu dhufto.

 

 

 

Maxaa diidaya ka hor inta aan la qallicin dibnaha tifatiraha, aanan la dabrin hawlaha wargeyska, in mulkiilaha lagu wargeliyo in uu dalbado ruqsad hawleed (shati), bixiyo wixii canshuur ah ee ku waajibay ama ku baaqday, sidaana uu wargaysku hawlihiisa ku sii wato, shaqaalihii ka shaqaynayeyna ay sidaa adeega bulsho ku wataan.

 

 

 

Haddii shaqaalaha iyo mulkiilaha laga xiray meheradoodii ay jirri u xuubsiibtaan, habeenkiina surimada dadka u fariistaan ilayn mehned kale ma hayaane, yaa taa ka mas'uul ah?

 

 

 

Haddii xukuumaddu aanay awoodin in ay shaqooyin curiso, meheradii la furana ay dabarto, waa yaabe sidee horumar lagu gaarayaa?

 

 

 

Duluc

 

 

 

Damiinimada madaxda maamulka ayaa la oran karaa in ay tahay bu’da bugta ee u baahan in la baxnaaniyo; iyada ayaana ah waadiga ay ka soo fulaan awaamiirta guracan ee illaalada aminga iyo hawl-wadeenada dawladda ay kula kufaan awoodii dawliga ahayd canshuur bixiyayaasha rayadka ah. Halbawlahaan ku goynayaa, waayo waad iga cadhaysiisay waa caqli jahli ah, garowsiiyana ma leh.

 

 

 

Damiir xumida hawl-wadeenada maamulka iyo farsamo xumida hay'adaha dawliga ah ayaa horseed u ah dib u dhaca bulsheed. Bidhaamin galdaloolooyinka banyaalka ah ee maaamulku waa moqor mudan in la muudsado, ee ma aha in la gufeeyaa.

 

 

 

Karti daridda madaxda maamulka ayaa sabab u tahay ammaanka iyo amniga oo wiiqma. Cabir fikir qofeed ama mid ka tarjumaya dareenka guud ee bulsho khalkhal iyo burbur ma keeno e, horumar ayaa uu horseedaa, dheeftiisana kal kale ayaa laga garawsadaa, - doqonise moog.

 

 

 

Biyadhac

 

 

 

Sidaa darteed, waxaan soo jeedin lahaa in :

 

 

 

Saxaafadda qallaca laga daayo,

Hay'adaha warbaahinta la sharciyeeyo, loona dejiyo qawaaniin iyo xudduud hagta,

La dhiirigeliyo saxaafadda xorta ah, lana kobciyo xiriirka u dhexeeya hay'adaha dawladda iyo hay'adaha warbaahinta,

La curiyo fikir wadaag ah oo lammaaneeya unugyada bulshada, una hawlgala maslaxadda ummadda,

La joogteeyo fagaare doodeedyo lagu turxaanbixinayo is-af-garanwaaga, si is faham u yimaado,

Madaxda dawladdu ay dhawraan shuruucda dalka u deggan,

Loo carbiyo hawl-wadeenada dawladdu in ay dhawraan xorriyadda shakhsiga,

La mamnuuco xarig qof aan amniga bulshada iyo ammaanka mandaqadda lid ku ahayn, taas oo maxkamadi xukunto.

Laga dheeraado si xun u isticmaalka awoodda maamulka, silicdilyaynta rayadka, iyo dulmiga bulshada.

 

 

Maxamed A Cali

 

gorayocawl@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

It angers me, the way they are behaving. The whole thing is just putting a bad name on the whole state. Cade has fallen in the hands of his critics. I await with anticipation the resolution of this saga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this