Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Bugland Machines make SLSH Money

Recommended Posts

lacag been-abuur ah oo lagu qabtay laascaanood

 

 

Ciidamada Amaanka ee Gobolka Sool, ayaa ku qabtay kaantarolka bari ee magaalada Laascaanood Lacag Shiling Somaliland Faalso, taas oo laga keenay dhinaca maamul-gobolleedka Puntland ee dalka Somaliya.

 

Lacagtan oo ay sheegeen ciidanka boolisku in ay saarnayd gaadhi wey, ayaa la qabtay wakhti ay ciidanku hawlgal baadhitaanka ka samaynayeen Kantaroolka Bariga Magaalada Laascaanood. Iyada oo laga soo gudbinayey dhinaca Maamulka Puntland.

 

Sida ay Mas'uuliyiinta Booliska Laascaanod Saxaafadda u sheegayn lacagtan ayaa ahayd mid aad u badan, taas oo la doonayey in lagu khal-khal galiyo Dhaqaalaha iyo Guud ahaan nabadgeliyada Somaliland.

 

Lacagtan oo ah Nooca Shanta Boqol Shillin Somaliland ka, ayaa ahayd nooc ka qaab duwan lacagta Somaliland. Iyada oo kaga duwaynayd Farta oo ka waaweyn farta Kale ee ku qoran lacagta Somaliland ee Rasmiga ah, sida oo kale Saxeexa ku yaala lacagtan faalsada ah oo ka duwan sexeexa rasimiga ah ee Gudoomiyaha Banka Dhexe Somaliland.

 

Ciidanka amaanku waxaa intaas ku dareen in ay baadhitaan ay ku hayaan sababta loo kaliftay in lacagtan, ay cadowga Somaliland u soo daabacaan iyaga oo uga digey cid kasta oo ku lug leh in tallaabada ku haboon ka qaadi doonaan.

 

Maahan Markii ugu horeysay ee la isku dayo in lacag Faalso ah la soo galiyo Somaliland, ee waxaa dhawr jeer oo hore dhacday in ay isku dayaan cadowga Somaliland inay soo galiyaan dalka lacago been abuur ah, taas oo ay ciidanka amaanka Somaliland ku qabtaan goobaha kaantrolada ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sikaawe   

Waa caadadooda ee ceebtooda maaha inay ku noolaadaan musuq maasuq. Waanay u baahan yihiin in ay SL banknote daabacaan siay dhaqaalahooda u kabaan, lool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this