Deeq A. Posted Wednesday at 11:58 PM Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xame Cabdi Bare ayaa ka hadlay hadallada madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ku wareerayay dalka Soomaaliya iyo Soomaalida Mareykanka. Ra’iisul wasaare Xamse oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa yiri “madaxweynaha Maraykanku, Soomaaliya kaliya ma ahee wadamo badan ayuu af-xumeeyay runtii. Dad badan ayuu wax ka sheegay Nigeria ayuu wax ka sheegay, South Africa ayuu sidoo kale wax ka sheegay, marka waxaa jira mararka qaarkood, waxyaabo la yidhaahdo salaaman ku dhaafa”. Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay “in aan arrin ka dhigno oo aan micno u yeelno, waxaa ka dhib yar, in aan iska dhaafno”. Trump ayaa beegsanaya Soomaalida ku nool Maraykanka, isagoo ku tilmaamay kuwa aan waxba soo kordhin oo uusan doonayn in ay sii joogaan dalka Maraykanka. Trump waxa uu sidoo kale dalka Soomaaliya ku tilmaamay jahanaba. PUNTLAND POST The post Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri hadallada Trump? appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites