Sign in to follow this  
Fiqikhayre

New Constitution passes Legislative

Recommended Posts

Golaha Wakiilada ee Maamulka Puntland oo Meel mariyey Dastuur Cusub.

 

Posted to the Web Dec 19, 17:02

 

Garoowe:-Golaha wakiilada ee maamulka Puntland ayaa maanta cod aqlibiyad ah ku meelmariyey dastuurka cusub oo ay yeelanayso Dawladda Puntland kaas oo muddooyinkii danbe ay aad uga doodayeen xubnaha baarlamaanka dowlada Puntland.

 

Kulankii maanta ayaa waxaa ka soo qeyb galay oo fadhiyey golaha wakiilada ee Puntland Xildhibaano gaaraya ilaa 60xildhibaan waxaan dastuurkan meel mariyey ilaa 57 xildhibaan.

Gudoomiayaha Golaha wakiilada Dawladda Puntland Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegay in hawsha hadda hortaala Baarlamaanka ay tahay ansixinta Calanka, Astaanta iyo Heesta Puntland u gaarka ah ee ay kaga qaybtahay Federaalka Soomaaliya taas oo la soo gudbin doono ayuu yiri maalmaha soo socda.

 

 

Dhanka kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa gudoomiyaha gacanta ka geliyey heshiiska macdanta ee ay la galeen shirkadda African Oil waxaana ku baxay heshiiskaas oo la siiyey qareemo aduun gaaray ilaa 100,000 oo lacagata doolarka ah.

 

Waxaa dad badan ay dhowrayaan astaanta iyo calanka ay qaadato maamul Gobaleedka Puntland iyada oo dhowr jeer ay sheegeen masuuliinta u sareeya Puntland in aysan marna ka bixi doonin goonina ka istaagi doonin Soomaaliya.

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAARLAMAANKA PUNTLAND MEEL MARIYAY DASTUURKA.

 

19. December 2009

 

 

Golaha Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa Maanta cod u qaaday Dastuurka cusub ee Puntland kaasoo maalmihii aan ka soo gudbanay Golauhu dib u eegis ay ku sameynayeen si ay wax uga badalaan ama waxa ugu daraan tan iyo 29.June waxana maanta Golaha u suuragashay in ay meel mariyaan.

 

Kalfadhigaan ay ku ansixiyeen Golaha waxaa soo xaadiray 59 Mudane waxana u codeeyay 57 madane halka laba xilibaan ay ka horyimadeen mana jirin cid ka amustay waxana codayntu u dhacaday hab gacan taag ah iyadoo ugu danabayntiina natiijada uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland cabdi rashiid Maxamed Xirse.

 

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Puntland c/rashiid max’ed Xirsi ayaa sdoo kale tilmaammay in baarlamanka la horkeeni doono calanka Astaanta iyo Heesta cusub ee ay yeelandoonto puntland taas oo uu sheegay in cod Caqlabiyad ah ay ku ansixinayaan mudane yaasha Baarlamanka. hadii ilaah idmo.

 

Golaha wakiilada ayaa sidoo kale waxaa horyaala dhoor qodob oo kale kuwaa oo iyana la filayo in ay anaba qaadi doonaan maalmaha soo socda waxana ansixintaan ay imanaysaa xili maalmahaan ay Golahu ka doodayeen qodoba kala duwan islamarkaana ay Golahu rabaan in ay meel mariyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamanka Puntland oo ansixiyey datuurka cusub.

 

 

Garoowe (WNT)-Waxaa maantay baarlamnka maamulka Puntland uu ansaxiyey tastuurka cusub oo maamulkaasi lagu dhaqi doono.

 

Qolka Shirarka baarlamanka Puntland ayaa aroornimadii hore ee saakay waxaa iska soo xaadiriyay 59 xildhibaan oo doonayay inay ansixiyaan tastuurka cusub ee Puntland oo bilahaanba ay ku mashquulsanaayeen baarlamanku akhritiisa iyo dib u sixid lagu sameenayay Qodobo ka mid ah tastuurka Puntland

 

Gudoomiyaha golaha baarlamanka Puntland Cabdarshiid Maxamad Xirsi ayaa inta aysan ansaxin mudanayaasha waxa uu ka hor akhriyay golaha hortiisa khudbad ku saabsanayd sababta ay isugu yimaadeen xildhibaanadu isagoona xusay in golaha wakiilada Puntland saakay looga fadhiyo inay ansixiyaan tastuurka cusub ee Puntland

 

Cabadrashiid Maxamad Xirsi gudoomiyaha baarlamanka puntland ayaa si rasmi ah waxa uu uga cod saday baarlamanka in ay u gacan taagaan tastuurka waxaana cod gacantaag ah ugu codeeyay ilaa iyo 57 mudane waxaana ka aamusay 2 xildhibaan.

 

Gudoomiyaha ayaa cod dheer waxa uu ku sheegay in saakay laga bilaabo uu yahay

tastuurku mid ansaxa oo lagu dhaqi dalka.

 

In mudo ah ayaa goluhu ku mashquulsanaa saxida iyo akhrinta dastuurka iyaoo horay ay u soo ansixiyeen golaha wasiiradu,waxaana horay guux buuq uga dhashay kolkii loo gudbiyey golaha baarlamanka.

 

Axmed-diin Cawil Jaamac

Waayaha.net,Garoowe,Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamanka Puntland oo Ansixiyay Dastuurka Cusub ee Ay yeelaneyso PUntland.

 

Baarlamanka Dowlada Puntland ayaa Maanta si rasmi ah u ansixiyay Dastuurka cusub ee Puntland Kaas oo dib u eegis ay ku sameynayeen tan iyo 29.June,2009 islamarkaana ay maantadan Maantay ah Ansixiyeen .

 

Fadhiga Baarlamanka oo ay isugu yimaadeen Baarlamanka ayaa waxaa fadhiyay mudaneyaal Baarlamaan oo kor u dhaafaya 59 iyo weliba gudoomiyaha iyo kuxigeenadiisa .

 

Cod loo qaaday isla dastuurka ay yeelaneyso Puntland ayaa waxaa u codeeyay 57mudane islamarkaana ansiciyay Dastuurkan oo markii ugu horeysay ay yeelaneyso Puntland tan iyo 1998dii.

 

Gudoomiyaha Baarlamanka Baarlamanka Puntland c/rashiid max’ed Xirsi ayaa sidoo kale sheegay in baarlamanka La horkeeni doono calanka Astaanta iyo Heesta cusub ee ay yeelandoonto puntland taas oo uu sheegay in cod Caqlabiyad ah ay ku ansixinayaan mudane yaasha Baarlamanka.

 

Waxaa xusid mudan in isla maantaba Madaxweynaha Dowlada Puntland uu hor geeyay Golaha Baarlamanka puntland sharcigii Macdanta iyo Batrolka Puntland .

 

Inkastoo aan saxaafada loo ogoleen hadana waxaa jirtay in ay dib u dhigteen Xildhibaanada Baarlamanka Puntland arimaha uu madaxweynuhu soo hordhigay.

 

C/naasir Yaasiin Salaad

SBC International Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Golaha Wakiilada Puntland oo Meel mariyey Dastuurka Cusub.

 

December 19, 2009

 

Golaha wakiilada Puntland ayaa maanta cod aqlibiyad ah ku meelmariyey dastuurka cusub ee Dawladda Puntland yeelanayso kaas oo muddooyinkii danbe ay ku wadeen in ay wax ka baddalaan meelaha qaarkood.

 

Xildhibaanada golaha fadhiyey ayaa dhamaa 60 xildhibaan, waxaana codka HAA siiyey 57 xildhibaan.

 

Shaqada ugu badan ee golaha wakiiladdu qabteen sanadkan gudihiisa waxay ahayd arimaha dastuurka waana markii sadexaad oo ay meelmariyaan.

 

Gudoomiayaha Golaha wakiilada Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Maxamed ayaa sheegay in hawsha hadda hortaala Baarlamaanka ay tahay ansixinta Calanka, Astaanta iyo Heesta Puntland u gaarka ah ee ay kaga qaybtahay Federaalka Soomaaliya taas oo la soo gudbin doono ayuu yiri maalmaha fooda inaku soo haya.

 

Dhanka kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa gudoomiyaha gacanta ka geliyey heshiiska macdanta ee ay la galeen shirkadda African Oil, heshiiskaas ayaa wax kabadelkii lagu sameeyay waxaa ku baxdey lacag dhan 100.000 boqolkun oo dollarka maraykanka ah taas oo ay qaateen qareemo.

 

Guddoomiayaha Baarlamaanka oo goobta ka khudbeynaya

FG: Waxaan gadaal ka soo daabici doonaa dastuurka Puntland iyo meelaha laga baddalay, haddii alle idmo.

 

Horseed Media

News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Obviously, the next stage will be to hold a public referendum on the new constitution so that the people can have the last say in it and vote for it favourably or vote 'No' in that initiated public referendum to be held.

 

This will be held as soon as possible as the executive will nominate a National Commission Committee on this affairs who will pursue that job of holding that public referendum on the new Constitution passed yesterday.

 

But before it pursues there will be a national awareness campaign on the media so that the people know all the 141 articles of the constitution they will be voting on.

 

This will commence as soon as possible. I can provide you with the constitution and its 141 articles and legislations but in the last six month some amending was done to some of the articles and the legislative was debating but in the summer they couldn't pass it and thus waited for the second sitting of Parliament of the two yearly circle in which parliament convenes in order to debate on it as the government did some amendments to it in the later stages as the constitution has not fully being rectified yet by parliament back in the first circle of their sitting.

 

But soon the final alteration will be released with the amendments that have been done to it, inshallah. So I ask you to be patient and forth while to not be to disappointed with me in the mean time.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this