Sign in to follow this  
Deeq A.

“Isku dayada ay Muqdishu ku abuurayso khilaafyo been-abuur ah waxa ay muujinayaan nuglaanshahooda siyaasadeed ee ay la..” Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Xuseen Aadan Cige (Deyr), ayaa sheegay in Siyaasadda Arrimaha dibadda ee Somaliland ay gashay marxalad istaraatiiji ah oo dib dhiddibada loogu taagay sidii loo taabogelin lahaa.

Afhayeenku wuxuu tibaaxay in mustawaha qadddiyadda aqoonsi raadinta Jamhuuriyadda Somaliland ay aad u xiddidaysatay, taasi oo ka dhalatay adkaysiga dawladnimada JSL, hannaankeeda dimuqraaddiyadda iyo kaalinta shariifka ah ee ay kaga jirto xasiloonida gobolka Geeska Afrika.

Afhayeen Xuseen Deyr wuxuu sidaasi kaga hadlay qoraal uu ku baahiyay barta X(Twitter) oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaannu caddeeyay in kor u kaca diblomaasiyaddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland tilmaan cad u tahay nabadda, xasilloonida, maamul-wanaagga iyo sarreynta sharciga ee Geeska Afrika oo ay ka aloosan yihiin hubanti la’aan iyo khilaafyo soo noqnoqdaa.

Afhayeenku wuxuu bayaamiyay in hoggaaminta aragtida fog leh ee madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ay Jamhuuriyadda Somaliland u horseeday nabad iyo dib-heshiisiin xoojisay isku-duubnida qaranka, isla markaana uu adkeeyay sharciyadda dawladnimada, halka Soomaaliya ay hadheeyeen tafaraaruq soo noqnoqda oo aan dhammaad lahayn.

“Isku dayada ay Muqdishu ku abuurayso khilaafyo been-abuur ah waxay muujinayaan nuglaanshahooda siyaasadeed ee ay la tacaalayso,” ayuu yidhi Xuseen Aadan Cige

Afhayeenku wuxuu xaqiijiyay in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay xilli walba difaaci doonto madaxbannaanideeda siyaasadeed, iyadoo adeegsanaysa awood buuxda.

Waxa kaloo uu tilmaamay in farogelin kasta oo dibadeed aanay beddeli doonin jihada ay ku socoto qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this