Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo xabsiga dhigtay in ka badan boqol qof oo lagu heysto xawilaadaha lacagaha

Recommended Posts

Deeq A.   
  • Itoobiya oo xabsiga dhigtay in ka badan boqol qof oo lagu heysto xawilaadaha lacagaha

112 qof oo lagu eedeeyay samaynta xawilaado sharci darro ah

Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday in dhowr habeen iyo maalinba ay ku guda jireen howlgallo qarsoodi ah oo lagu baadhayay dad lagu tuhunsan yahay in ay ku lug lahaayeen falal musuqmaasuq ah iyo shirqoollo ka dhan ah hantida iyo maaliyadda dalkaasi. Waxaa la sheegay in howlgalladan lagu fuliyey si qarsoodi ah, xog kasta oo muhiim ahna si sir ah loo ururinayay, si loola socdaan dadka falalkaas ka dambeeya.

War-saxaafadeed laga baahiyay telefishanka dawladda ee EBC ayaa Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranku ay caddaysay in howlgalladaas ay kaashanayaan qaybaha maaliyadada, Booliska Federaalka, hay’adaha amniga ee gobollada iyo islamarkaana lala kaashaday shacabka si loo helo dadka lagu eedeeyay in ay arrimahan ku lug leeyihiin.

Sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay in 112 muwaadiniin Itoobiyaan ah iyo kuwo shisheeye ah oo kala duwan lagu qabtay howlgalladan, kuwaas oo lagu samaynayo haysto baadhitaanno dheeraad ah.

“Lacagaha ku jira akoonnada bangiyada ee dadka falalka sharci-darrada ah ku lugta leh oo gaadhaya 519 ayaa la xannibay. Sidoo kale, dukumentiyo cadeyn u ah dambiyada ayaa la qabtay oo hadda gacanta ayay ku ugu jiraan saraakiisha amniga,” ayaa war-saxaafadeedku ku lagu yidhi, isagoo intaas ku daray in tallaabooyinkan ay ka mid yihiin dadaallada joogtada ah ee dowladda Itoobiya ku ilaalinayso hantida iyo maaliyadda dalka, lagagana hortagayo musuqmaasuaqa.

Itoobiya

Xigashada Sawirka,SOCIAL

Wuxuu sheegay in ay dhaceen falal la xidhiidha xawilaadaha sharci darrada ah, dhaqidda lacagta, wax isdabamarinta sarrifka lacagaha qalaad, lunsashada canshuuraha iyo been abuurka lacagaha sharci darrada ah.

Xaawaladahan awgood ayaa Itoobiya ay sheegtay in waxyeello weyn ay soo gaadhay dhaqaalaha dalka.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in lacagahan lagu taageero argagixisada iyo kooxo kale. Si gaar ah, waxa uu u xusay ururrada caalamiga ah ee xawilaadda lacagaha sharci darrada ah, aaladaha loo adeegsado dirista lacagaha, kuwa lacagta dijitaalka ah iyo dillaaliinta.

Wuxuu sidoo kale sharraxay in ganacsatada ku lugta leh dirista lacagta dibadda iyo keenista dalka ay maamulayeen kharashaadka ganacsiga iyo dakhliga iyagoo adeegsanaya xawilaado sharci darro.

Wuxuu sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono dadka ku lug leh falalkan sharci-darrada ah.

Dhallinyarada Itoobiya ayaa lagu amray in aanay lacag badan oo sarrif ah oo dibadda laga keenay dalka u gudbin iyagoo jebinaya sharciga bangiga dhexe, si aanay lacagtaas dalka u soo gelin.

Waxa kale oo lagu sheegay warbixinta in hay’adaha isticmaala lacagaha la isugu diro qaab aan sharci ahayn ay ka mid yihiin kuwa tallaabada laga qaaday.

Sidoo kale, milkiilayaasha hay’adaha gudaha dalka ee isticmaala barnaamijyada xawilaadaha sharciga baal marsan ah ayaa sla sheegay

Itoobiya

Xigashada Sawirka,SOCIAL

Bangiga dhexe ee dalka Itoobiya ayaa caddeeyey in tallaabo laga qaadi doono dadka sharci-darrada ku isticmaala barnaamijyada cryptocurrency iyagoo jebinaya sharciga bangiga dhexe islamarkaana aan haysan wax rukhsad ah , si ay lacagahaasi u sarrifaan.

Waxaa la sheegay in hawlgalladaas sharci-darrada ah ay carqaladeeyeen mashaariicda waaweyn ee dawladda, waxayna abuureen cabasho ka dhan ah dawladda, taasi oo halis gelisay amniga dalka iyo dhaqaalaha qaranka, sidaas darteed tallaabo adag ayaa la qaadi doonaa ayaa war-saxaafadeedku uu intaas raaciyay.

Bangiga dhexe ee Itoobiya ayaa hore u sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug leh xawilaadda lacagaha sharci-darrada ah.

Sannadkan gudihiisa ayaa Bangiga Qaranka ee Itoobiya waxa uu ku baaqay in afar shirkadood oo fadhigoodu yahay Mareykanka lagu sameeyo baaris. Bangiga ayaa sheegay in shirkadahan maaliyadeed ay isku dayayaan in ay wiiqaan nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya.

Qoraal la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu sheegay magacyada afarta shirkadood ee lagu eedeynayo in ay shaki geliyeen aaminaadda nidaamka maaliyadeed ee Itoobiya, kuwaasoo la sheegay inay ka hawlgalaan gobollada Maryland, Virginia iyo Minnesota.

Sida lagu sheegay qoraalka, “shirkadahan lacagaha xawila waxa ay ka uruuriyaan lacag jaaliyadaha Itoobiya ee ku nool Mareykanka, ka dibna waxay u diraan Itoobiya iyo dalal kale”.

Bangiga waxa uu sheegay in “shirkadahan ay xalaaleeyaan lacago sharci darro ah iyo in ay maalgeliyaan howlo aan sharci aheyn”.

Doollarka Mareykanka ayaa ah lacagta ugu badan ee la geeyo dalka Itoobiya marka la fiiriyo lacagaha qalaad ee soo gala dalka.

Source Bbcsomali

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this