Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag ay Shabaab usoo direen Muqdisho oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
Muqdisho.jpeg?fit=1620%2C1080&ssl=1

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta ku dhigay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kusoo socday magaalada Muqdisho, si ay weeraro uga fuliyaan.

Saraakiisha amniga oo ka hadlay qabashada labada nin ayaa sheegay in wareysiyo laga qaaday ay ku qirteen in loo soo diray Muqdisho, si ay u dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda qabashada raggan ayaa ku timid xooraansi ay sameeyene ciidanka, kadibna uu xigay howlgal loo fuliyay si xirfadeysan.

“Howlgalka Ciidanku sida xeeladeysan u fuliyeen ee lagu qabtay dhagarqabayaasha ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee isku dayaya inay carqaladeeyaan amniga iyo xasilloonida Dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidanka Xoogga Dalka oo dedaal ugu jira difaaca shacabka ayaa markale muujiyay feejignaan, karti iyo geesinimo ay kaga hortegayaan dhagar kasta oo cadowgu soo maleego, taas oo cadeyneysa sida Ciidanku ugu heellanyihiin sugidda amniga iyo badbaadada shacabkooda”.

Qabashada xubnahan ka tirsan Al-Shabaab ayaa kusoo aadeysa, iyada oo todobaadkii hore ay kooxda Muqdisho ka fulisay weerar si xeeladeysayn loo qorsheeyay oo ay ku beegsatay Godka Jilacow, kadib markii uu gudaha u galay gaari Cabdi Bile ah oo loo soo ekeysiiyay kan gaadiidka Hay’adda NISA, kadibna waxaa sidaas gudaha kusii galay rag hubeysan.

Al-Shabaab ayaa u muuqata in haatan ay xoogga soo saareyso gudaha caasimada oo bilihii lasoo dhaafay ka caaganeyd weerarada argagixisada, waxaana tan iyo markii uu dhacay weerarkii Godka Jilacow, lasii xoojiyay amniga iyada oo lasii laba jibaaray howlgallada.

Waxaa sidoo kale, la kordhiyay dhaq-dhaqaaqa ka socda daafaha Muqdisho iyo labada Shabelle, halkaas oo ay dowladdu gaysay ciidamo dheeraad ah oo suga amniga.

Howlgalladaas ayaa sidoo kale lagu qabtay degmada Awdheegle iyo deegaanno kale oo ay horay u joogeen Al-Shabaab, kana soo abaabuli jireen weerarradooda halista ah.

559141406_1340049904828279_4424123842499 560353286_1340049908161612_2059787908611

 

The post Rag ay Shabaab usoo direen Muqdisho oo la qabtay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this