Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerarkii Godka jilicow oo la soo afjaray

Recommended Posts

Deeq A.   
1000072138.jpg?resize=960%2C793&ssl=1

Wasaaradda amniga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la soo afmeeray weerarkii shalay galab lagu qaaday xarunta Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho, kaddib markii la toogtay dhammaan ragii weerarka soo qaaday.

Wasaaradda amniga ayaa xustay in ay weerarka geysteen todoba (7) nin oo watay baabuur nooca Cabdi-Bilaha ah oo ay ku buufsan tahay midabka iyo astaanta ciidamada amniga, isla markaasna ay xirnaayeen dareys u eg kan ciidamada.

Dowladda kama hadlin khasaarihii uu geystay weerarka xarunta Godka Jilicow oo socday muddo 10 saacadood ah.

1000072134.jpg?resize=763%2C1080&ssl=1 1000072296.jpg?resize=763%2C1080&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Weerarkii Godka jilicow oo la soo afjaray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this