Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ammaanay Kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1758306384423.jpg?resize=1000%2C6

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in doorashadii Soomaaliya ee xubinta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ahayd guul taariikhi ah, islamarkaana xoojisay kaalinta difaac ee arrimaha gobolka iyo caalamka.

Madaxweynaha oo waraysi uu siiyey kanaalka ‘Al-Arabiya’ ku sheegay in Soomaaliya hore ugu fariisatay Golaha Ammaanka sanadkii 1972, waxaana tani tahay markii labaad ee la doorto xubinta aan joogtada ahayn, isagoo tilmaamay in dalku ka qayb qaato doodo badan oo Golaha ah, isaga oo matalaya Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay si cad ugu taagan tahay arrimaha Falastiin, isagoo xusay in dalka “mas’uul ka yahay difaaca arrimaha dunida Islaamka iyo wakiil ka noqoshada dalalka nugul ee la kulma caqabado amni oo la mid ah kuwa aanu la kulannay.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku daray in Soomaaliya ay tahay dal yar oo leh ajende caalami ah oo kooban, balse ka tirsan dalalka dhexdhexaadka ah , mana taageerto koox ka dhan ah mid kale, isagoo carabka ku adkeeyey in joogitaankeeda Golaha Ammaanka uu yahay si loo adeeggo danaha dadka aanu matalno.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ammaanay Kaalinta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this