Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada guddoonka Waqooyi Bari oo saaka lagu maanta lagu inay ka qabsoonto Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa saaka lagu wadaa in ay si rasmi ah uga qabsoonto doorashada guddoomiyaha iyo ku-xigeennada Golaha Wakiillada maamulka Waqooyi Bari.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya shan mudane oo labo kamid ahi ay u tartamayaan guddoomiyaha, halka seddaxda kalena ay ku loolamayaan xilalka labada ku xegeen, ayadoo si weyn isha loogu hayo doorashadan oo ah tii ugu horraysay ee ka dhacaysa Laascaanood taniyo markii si rasmi loogu dhawaaqay maamulkaas oo ka samaysmay isku darka SSC-Khaatumo iyo Maakhir.

Doorashadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah dhismaha hay’adaha sharci-dejinta ee maamulka cusub, waxaana si adag ugu loolamaya mucaaradka isbadel doon ah iyo muxaafid hoggaankii hore oo uu madaxda u ahaa Cabdulqaadir Aw Cali Firdhiye.

Guddiga doorashada ayaa hore u shaaciyay habraaca iyo jadwalka, iyagoo ku dhawaaqay in doorashadu ka dhici doonto xarunta Huteelka Jidbaale, islamarkaana DR. Aadan Xasan iyo Cabdiqafaar Dheeli oo u taagan qabashada xilka guddoomiyaha la eegayo midka ku soo bixi doona kursigaas oo muhiim u ah jihada siyaasadeed ee maamulka cusub aadi doono.

Bulshada rayidka ah, odayaasha dhaqanka iyo ururrada siyaasadda ayaa si weyn indhaha ugu haya habsami u socodka doorashadan, iyagoo rajeynaya in ay ku dhammaato si nabad ah oo ay ka dhalato hoggaan sharci-dejiye oo mideeya bulshada

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this