Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qiratay in hannaanka shaqaalaysiinta dowladda ay wax badani ka qaldanyihiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay munaasabad lagu soo xirayay barnaamijka isla xisaabtanka Xukuumadda ayaa si weyn u dhaliilay habraaca iyo hannaanka lagu qaado shaqaalaha dowladda, asagoo sheegay in eex iyo musuq baasni uu jiro.

Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in masuuliyiinta dowladdu ay dhibaato weyn ku qabaan dad meelo aysan ku habboonayn lagu buuxinayo, ayadoo dadkii kartida iyo aqoonta u lahaa Shaqooyinka dowladdu ay bannaanka joogaan.

” wiilkaan meel ii gey, gabadhan xagga ii gey, meel jajab leh ii gey, howshaas waa lagu dhib qabaa madaxweyne ha dhihin, Ra’ïisul Wasaare ha dhihin, wasiir ha dhihin, xildhibaan ha dhihin, qof ka fayow ma lahan, howshaas inaan ka baxnaan rabnaa waa cinqaab dadkii masuuliyiinta ahaana ay ku cinqaabanyihiin, dalkiina uu ku dabranyahay” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli dhaliilo xooggani ay dul hoganayaan habraaca lagu bixiyo Shaqooyinka xaafiisyada dowladda, ayadoo dhallinyaradii waxbaratay ay si maalinle ah tahriib ugu dhimanayaan ka dib markii ay ka niyad jabeen daahfurnaan la’aanta iyo eexda ka jirta gudaha dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this