Sign in to follow this  
Deeq A.

Baallade: Ciidamada difaaca Puntland oo dagaal culus kaddib kooxdii Daacish ka saaray Ceelkii Yucrin

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1755860160639.jpg?resize=1000%2C7

Bayaan kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku xaqiijiyay in ciidamada difaaca Puntland maanta si buuxda ula wareegeen ceelka Yucrin ee togga Baallade, kaddib markii ay hawlgal culus kaga saareen firxad ka tirsan Daacish oo halkaasi difaacyo adag ka samaystay.

Warkan uu soo saaray Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku sheegay in dagaalkii ka dhacay ceelkaasi ciidamadu ku dileen laba xubnood oo ka tirsan firxadkii argagixisada, halka intii kale naftooda la baxsadeen, sidoo kale waxa jira khasaare kooban oo ciidamada soo gaaray intii uu socday hawlgalkii lagu qabtay Ceelka Yucrin oo difaac weyn uga qodnaa kooxda.

Hawlgalka Calmiskaad ayaa sidoo kale sheegay in hawlgal kale oo xooggan ka socdo ceelka Maraagade oo dhaca togga Baallade, halkaasi oo ay ku dhuumanayaan amiiro iyo mileeshiyaad ka tirsan Daacish oo ay weheliyaan dumar iyo carruur, kuwaasi oo uu hore ciidanku uga soo baacsaday ceelkii Carabi.

“Ciidanku waxay gudaha u galeen Ceelka Yucrin ee Togga Baallade, Labo Argagixiso ah ayaa lagu dilay, hawlgalka ayaa sidoo kale ka socda Ceelka maraagade, dhammaan waxay ka tirsanyihiin Togga Baallade” ayuu u qornaa bayaan kooban oo ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad.

PUNTLAND POST

The post Baallade: Ciidamada difaaca Puntland oo dagaal culus kaddib kooxdii Daacish ka saaray Ceelkii Yucrin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this