Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya illaa Gaza: Xogta shabakadda calooshood u shaqeystayaasha Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   
UAE-bin-Zayed-Imaaraad.webp

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Laga soo bilaabo Gaza ilaa Muqdisho, Imaaraadka Carabta wuxuu noqday xarun caalami ah oo looga hago dagaallada calooshood u shaqeystayaasha, isagoo maalgelinaya imbaradooriyad daahsoon oo ku dhisan awood ciidan oo qandaraas lagu bixiyay, taasoo uu aasaasay Erik Prince oo ah ninkii sameeyay shirkadda Blackwater, si uu awooddiisa ugu fidiyo Galbeedka Aasiya, Afrika, iyo meelo ka baxsan.

Isagoo ka cararaya dabagal sharci oo caalami ah kaddib markii lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo isdaba-joog ah oo uu ka geystay Ciraaq, ayuu Prince wuxuu shirkaddii ciidammada gaarka ah ee ugu caansanayd adduunku gabaad ammaan ah iyo maalgeliyaha ugu weyn uga helay Abu Dhabi.

Kaddib xasuuqii Fagaaraha Nisour ee Baqdaad sannadkii 2007, Blackwater waxay magacii u beddeshay Xe Services, kaddibna Academi, laakiin qaab-shaqeedkeedii asalka ahaa — oo ahaa qorsheynta hawlgallo sharci-darro ah oo daaha gadaashiisa laga fuliyo — wax isbeddel ah kuma imaan.

Waxaana shirkaddii markii hore ahayd shirkad Maraykan ah oo ciidamo gaar loo leeyahay, laguna eedayn jiray dambiyo dagaal oo Ciraaq ka dhacay, ay hadda, iyadoo gacan ka helaysa Imaaraadka, u xuubsiibatay shabakad caalami ah oo calooshood u shaqeystayaal ah, taasoo saameyn ku yeelanaysa colaadaha ka aloosan Geeska Afrika ilaa Bariga Dhexe.

Markii Blackwater ay magaceeda u beddeshay Xe Services sannadkii 2009, snnad kaddib, aasaasaheedii, Erik Prince, wuxuu u guuray Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ka furay shirkadda Reflex Responses (R2) isagoo weli haystay saamiga ugu badan. Dhaxal-sugaha Abu Dhabi ee xilligaas, Maxamed bin Zayed, ayaa noqday mid ka mid ah maal-geliyayaashiisa ugu waaweyn.

Markii la gaaray 2011, Imaaraadku wuxuu si qarsoodi ah u dhisay ciidan calooshood u shaqeystayaal ah oo ka kooban boqollaal qof oo ka soo jeeda Latin Ameerika, kuwaas oo intooda badan laga soo qoray Colombia, Panama, iyo Chile. Iyadoo uu kormeerayay Prince, dagaalyahannada waxaa dalka Imaaraadka lagu soo geliyay si dhuumaaleysi ah iyagoo laga dhigayo shaqaale caadi ah, waxaana lagu tababaray Magaalada Militariga ee Zayed. Hawlgalkoodu wuxuu ahaa inay ilaaliyaan boqortooyada dalka gudihiisa, cabburiyaan mucaaradka, awooddoodana ku muujiyaan dibedda.

Sannadkii 2022, wargeyska Washington Post wuxuu tebiyay in in ka badan 500 oo ka tirsan militariga Maraykanka oo howlgab noqday ay dowladaha Khaliijku u shaqaaleysiiyeen qandaraasleyaal ahaan, oo ay ku jirto Imaaraadka, iyagoo siinayay mushahar gaaraya ilaa $300,000 sannadkii — taasoo muujinaysa baaxadda uu leeyahay hawlgalkani.

Soomaaliya: Goob tababar iyo marin muhiim ah

Soomaaliya waxay si degdeg ah door muhiim ah uga qaadatay shabakaddan. Sannadkii 2011, Prince wuxuu shakhsi ahaan u kormeeray tababarka 2,000 oo dagaalyahan Soomaali ah, kaasoo qayb ka ahaa barnaamij lagula dagaallamayo burcad-badeedda oo ay Maraykanku taageerayeen, Imaraadkuna maalgelinayay. Hindisahan, oo loo ekaysiiyay mid ammaan oo looga hortagayo afduubka ka dhaca meelaha ka baxsan xeebaha Geeska Afrika, wuxuu sidoo kale Abu Dhabi siiyay fursad ay kaga mid noqoto arrimaha Soomaaliya.

Gaynta calooshood u shaqeystayaasha iyadoo la soo marsiinayo dhulka Soomaaliya halkaas kuma ekaan. Warbixinno soo baxay sannadihii xigay ayaa tilmaamay in dhulka Soomaaliya loo isticmaalayay waddo ay sii maraan dagaalyahannada qandaraaska ku shaqeeya ee ku sii jeeday furimaha dagaalka ee Yemen, Liibiya, iyo markii dambe Suudaan.

Bartamihii 2010-meeyadii, shirkado xiriir la leh Imaaraadka sida Lancaster 6 iyo Opus Capital waxay taageerayeen hawlgallo militari oo ka socday Bariga Afrika. Imaaraadku wuxuu ku dadaalay inuu gacanta ku dhigo dekedo isku xiran oo ku teedsan Badda Cas, oo ay ku jirto saldhig ku yaal Eritrea iyo qorshayaal lagu dhisayo xarumo ku yaalla Somaliland, oo ah gobolka sheegta in uu ka go’ay Soomaaliya.

Soomaalidu waxay sidoo kale ku biireen dadaalladii dagaal ee Imaaraadka ee Yemen. Iyagoo ka barbar dagaallamaya dagaalyahanno ka socda Suudaan, Uganda, iyo Latin Ameerika, ayaa askarta Soomaalida ah waxay xoojiyeen cutubyadii uu Imaaraadku taageerayay. Calooshood u shaqeystayaashan waxaa la geeyay qaar ka mid ah furimaha dagaalka ee ugu adag Yemen, gaar ahaan aagagga xuduudda ee Sacada iyo Najran.

Shabakadda isku-dhafka ah ee militariga iyo shirkadaha ee Imaaraadku waxay sidoo kale door ka ciyaartay ilaalinta dekedaha iyo xarumaha ganacsiga ee ku yaal Geeska Afrika. In la xakameeyo goobahan istiraatiijiga ah waxay Abu Dhabi siisay awood ay saameyn ugu yeelato siyaasadda gobolka iyo ganacsiga badda, iyadoo sii kordhinaysa ku tiirsanaanteeda dagaalyahannada ajnabiga ah, oo ay ku jiraan Soomaalida.

Kooxaha ka firfircoonaa Yemen waxaa ka mid ahaa Spear Operations Group, oo ku caan-baxday barnaamijkeeda dilalka qorsheysan ee lagu beegsanayay mucaaradka siyaasadeed. Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in tani ay muujisay in shabakadda calooshood u shaqeystayaasha ee Imaaraadku aysan kaliya dagaal gelin, balse ay sidoo kale fulinaysay dilal qarsoodi ah oo ay u fulinayso cidda maalgelinaysa.

Colaadda Suudaan oo soo bandhigtay xiriirka Soomaaliya

Markii ay colaadda Suudaan sii xumaatay sannadkii 2023, caddeymo cusub ayaa tilmaamay dhaqdhaqaaqa calooshood u shaqeystayaasha ee sii mara Soomaaliya. Warbaahinta Colombia ayaa ku warrantay in dagaalyahanno laga soo qoray shirkado xiriir la leh Imaaraadka loo daabulay Darfur iyadoo la isticmaalayo waddooyin dhuumaaleysi ah oo soo mara Soomaaliya, gaar ahaan Boosaaso, iyo Chad.

Calooshood u shaqeystayaashan waxaa loo ballanqaaday mushahar gaaraya ilaa $3,000 bishii iyo gunnooyin dhan $10,000, waxaana lagu qalabeeyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) iyo gantaalaha garbaha laga rido. Waxay ka barbar dagaallameen Ciidammada Dhaq-dhaqaaqa Degdegga ah (RSF) ee Suudaan, oo ah maleeshiyo lagu eedeeyay falal arxan-darro ah.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markii dambe xaqiijiyay in shabakadaha Imaaraadku ay ku dhex milmeen silsiladaha saadka ee RSF. Dagaalyahannada dhaawacmay waxaa loo qaadayay isbitaallada Imaaraadka, halka Soomaaliyana ay weli ahayd goob muhiim ah oo ay sii maraan sahayda.

Bishii Agoosto 2025, burburka diyaarad Imaaraadku leeyahay oo ku dhacday Darfur ayaa kashifay baaxadda uu lahaa ka-qaybgalka: waxaa ku dhintay 40 calooshood u shaqeyste oo Colombian ah, taasoo daaha ka rogtay guuto dhan oo Imaaraadku taageero oo la shaqaynaysay RSF. Dhimashadaasi waxay ku kalliftay Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro, inuu si rasmi ah u cambaareeyo, isagoo ku dhawaaqay: “Ma jiro mar dambe ganacs- dhimasho.”

Saameynta ay arrintani ku leedahay Soomaaliya waa mid ballaaran. Hay’adaha dalka ee liita waxay wajahayaan laba caqabadood oo is-barbar socda: kacdoon gudaha ah iyo ku milmidda dagaallo wakaaladeed ah oo ay maalgelinayaan quwadaha Khaliijka. Falanqeeyayaashu waxay ka digayaan in adeegsiga Imaaraadka ee dagaalyahannada iyo dhulka Soomaaliya ay wiiqayso madax-bannaanida Muqdisho, iyadoo isla markaasna sii adkeyneysa gacan ku haynta shisheeye ee hantida istiraatiijiga ah sida dekedaha.

Dadaallada ay dawladda Soomaaliya ku doonayso inay ku nidaamiso dhaq-dhaqaaqyada milatari ee shisheeye waxaa adkeeyay ku tiirsanaanteeda maalgelin iyo kaalmo dibadeed. Dhanka kale, warbixinnada sheegaya in askar Soomaali ah ay ku lug lug-yeelanayaan colaadaha dibedda ayaa kicinaya walaac laga qabo in laga faa’iideysanayo dalkan ay horay u ragaadiyeen tobannaan sano oo xasilooni-darro ah.

Imbaradooriyad daahsoon oo baahsan

Blackwater, oo markii dambe loo bixiyay Academi, ayaa sheegatay inay tobannaan kun oo dagaalyahan ku leedahay gobolka, iyadoo gacan ka helaysa Imaaraadka. Hawlgalladeedu waxay ka soo fidsameen Yemen ilaa Suudaan, dekedaha Geeska Afrika ilaa saldhigyo la qorsheynayay in laga dhiso Somaliland.

Qaabkan, sida ay sheegeen falanqeeyayaashu, wuxuu raacayaa hannaan joogto ah: in la shaqaaleysiiyo ciidamo shisheeye oo qandaraasyo gaar ah lagu keenay, in la geeyo aagagga colaadaha iyadoo aan jirin kormeer badan, iyo in la suurtageliyo in dawladaha maalgelinayaa ay isaga fogeeyaan mas’uuliyadda. In kasta oo loo suuq-geeyo iskaashi dhinaca amniga ah, xaqiiqadu waxay tahay nidaam dagaal oo la sii qandaraaseeyay, kaasoo isku dhex qasaya xuduudda u dhaxaysa difaaca qaranka iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Saamaynta Imaaraadku intaas way ka sii fogaatay. Sannadkii 2024, waxaa soo baxay warbixinno sheegaya in Abu Dhabi ay maalgelinaysay qorista calooshood u shaqeystayaal Afrikaan ah si ay ugu dagaallamaan Israa’iil gudaha Gaza iyo Lubnaan. Goobjoogeyaal ayaa tilmaamay in ay arkeen taankiyo ay ka babanayeen calammada Israa’iil iyo Imaaraadka labadaba. Isla mar ahaantaana, maxaabiis ku xirnaa Gaza ayaa ka warramay in ay su’aalo weydiinayeen askar ku hadlaysa lahjad Carabi ah oo u eg tan Imaaraadka.

Sida ay sheegeen diblomaasiyiin reer Galbeed ah, dadaalladani waxay qayb ka ahaayeen qorshayaal loogu talagalay ‘maalinta ka dambaysa’ Gaza oo laga faaruqiyay dadkeedii. Sawirro ayaa markii dambe la faafiyay oo muujinayay gawaari taarikada Imaaraadka leh oo ku sugan Rafah iyo maleeshiyaad taageersan Israa’iil oo helaya maalgelin iyo qalab Imaaraadka ka yimid.

Hindisaha ugu dambeeya ee Prince, Vectus Global, ayaa horay heshiisyo uga helay Haiti, isagoo ku celinaya isla naqshaddii lagu tijaabiyay Geeska Afrika. Diyaaradaha qumaatiga u kaca, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, iyo cutubyo calooshood u shaqeystayaal ah ayaa hadda amniga ka suga Port-au-Prince, si la mid ah sidii ay mar uga samayn jireen Boosaaso.

Wixii ku bilowday ilaalinta qasriyada Abu Dhabi waxay isu beddeleen qaab ganacsi oo caalami ah. Soomaaliya, oo ah saldhig askarta laga qorto iyo marin muhiim ah labadaba, ayaa weli ah qayb muhiim ah oo ka mid ah hal xiraalahan.

Laga soo bilaabo xerooyinka tababarka ee la-dagaallanka burcad-badeedda ilaa saadka qarsoodiga ah ee dagaalka Suudaan, dalku wuxuu tusaale u yahay sida dawladaha jilicsan loogu beddelo meelo xudun u ah shabakad calooshood u shaqeystayaal ah oo baahsan. Imaaraadka ayaa maalgelinaya, Prince ayaa hagaya, Soomaaliyana, ha ahaato mid ay raalli ka tahay ama aan ahayn, waxay ku dhex jirtaa saameyntiisa.

Maanta, Imaaraadku wuxuu isku adkeeyay inuu yahay xarun caalami ah oo looga haggo dagaallada calooshood u shaqeystayaasha, isagoo hantidiisa u adeegsanaya inuu ku burburiyo mucaaradka, ku khal-khal geliyo kuwa ka soo horjeeda, kuna caawiyo Israa’iil.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this