Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Puntland oo sheegay in ay saaka meyd badan ka heleen ceel ay ka firxadeen kooxda Daacish

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1755758963259.jpg?resize=960%2C54

Ciidamada difaaca Puntland oo qoraal soo saaray ayaa xaqiijiyay in ay saaka qabteen ceelka Carabi ee togga Baallade, oo ay sii firxadeen habqankii kooxda Daacish, kaddib markii halkaasi dhawaan lagu duqeeyay.

Warkan oo ka soo baxay Hawlgalka Calmiskaad ayuu ku sheegay in ciidamadu saaka qabteen ceelka Carabi ee togga Baallade, oo ay isaga carareen firxad ka tirsan mileeshiyaadkii Daacish oo dhawaan lagu duqeeyay halkaasi, islamarkaana looga dilay dilay tiro dagaallamayaal ah.

Hawlgalka Calmiskaad ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee qabtay ceelka Carabi ay goobta ka heleen haraadi meydadkii laga dilay kooxda Daacish, kuwaasi oo ku dhintay duqeymihii u danbeeyay ee saaxibada dowladda Puntland ka fuliyeen togga Baallade ee buuraha Calmiskaad.

Ciidamadu waxay sidoo kale Ceelka Carabi ugu tegeen awr iyo agab kale oo ay ka carareen mileeshiyaadkii Daacish oo sii firxaday ka hor inta aysan ciidanku tegin Ceelka, waxaana warkaasi u dhignaa” Ciidanku waxay qabteen Ceelka Carabi ee Togga Baalade, waxay heleen haraadi Maydadka firxadka Argagixisada oo lagu dilay duqeymihii u danbeeyay,  Awr iyo Agab ay lahaayeen.”

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Puntland oo sheegay in ay saaka meyd badan ka heleen ceel ay ka firxadeen kooxda Daacish appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this