Sign in to follow this  
Deeq A.

Isimada gobolka Mudug oo lagu eedeeyay in ay ka danbeeyaan ciidamo xoog ku haysta Kastamkii degmada Xarfo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1755846688682.jpg?resize=1000%2C6

Guddoomiyihii hore degmada Xarfo, Cabdiqaadir Cumar Maxamed (Jeylaani) ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah isimada dhaqanka gobolka oo aanu magacaabin in ay ka danbeeyaan dhibaatada ka taagan degmada Xarfo, halkaasi oo ay in ka badan 10 cisho ku xanniban yihiin boqollaal gaadiid xamuul ah oo rar culus sida, kaddib markii ciidamo Reer Mudug ah oo gadoodsan jidkii xirteen.

“Gadoodkan ciidan waxa la sheegaya in ay ka danbeeyaan isimada gobolka Mudug, waana wax xaqiiqa, haddii caqliga saliimka lagu fiiriyo dadkani dad la’aan maaha qabiilo bay ka soo jeedaan, waxaana jooga odayaashii beelaha oo fadhiya, marka waa qandaraas weyn oo ay odayaasha gobolku ka danbeeyaan” ayuu yiri guddoomiye hore Cabdiqaadir Jeylaani.

“Nimankan wadada xirtayna waa mujrimiin quddaacu-duruq ah, haddii wax ka maqan yihiin maaha in ay waddo xirtaan mana jirto sabab ay u xiran karaan, waayo? Baabuurkan jidka maraya ee canshuurtii bixiyay xaq ay ku lee yihiin ma jiro waa dulmi cad oo lagu sameynayo dad masaakiin ah, haddii xaq ka maqan yahay meeshay ku lee yihiin ha u doonteen, balse in ay muwaadiniin canshuur-bixiyaal ah dulmiyaan waa qalad” ayuu sii raaciyay Jeylaani.

Wuxuu sheegay in arrintani tahay musiibo qaran oo dad hantidood lagu khasaarinayo, waxaana uu intaa ku daray” meeshan waxa ku xanniban baabuur khudaar sida, qaarkood waa banjareen. Waa muwaadiniin canshuur bixiyaal ah oo aysan jirin sabab loo dhibaateeyo. Kan jidka xirtay wuxu khasaarinaya hantidii mushaarkiisa laga biilayay.”

Dhinaca kale, wuxuu dhaliil xooggan u jeediyay mas’uuliyiinta gobolka Mudug ku matala Puntland oo uu ku tilmaamay kuwa aan waxba xallin karin oo ku fashilmay mas’uuliyaddii loo igmaday, isagoo xusay in ay waxba ka qaban waayeen dhibaatada ka taagan Xarfo iyo guud ahaan mashaakilka degaannada gobolka Mudug.

PUNTLAND POST

The post Isimada gobolka Mudug oo lagu eedeeyay in ay ka danbeeyaan ciidamo xoog ku haysta Kastamkii degmada Xarfo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this