Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo soo bandhigtay xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay deegaannada KGS

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed ayaa magaalada Xudur kusoo bandhigay afar dhalinyaro ah oo ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isku soo dhiibay dowladda.

Dhammaan isisoo dhiibayaashaan waxay sheegeen inay idkood u go’aansadeen isi soo dhiibidda, isla markaana ay go’aansadeen in bulshadooda ay dib ugu soo laabtaan, sida ay sheegeen saraakiisha NISA.

Ciidamada Qaranka ee ka howlgala gobolka Bakool ayaa maalmihii lasoo dhaafay dardargeliyey howlgalka dalka oo dhan laga iclaamiyey ee ‘Duufaanta Aamusan’ waxayna ku guuleysteen inay dilaan dhowr horjooge iyo xubno badan oo ka tirsanaa Alshabaab.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this