Sign in to follow this  
Deeq A.

Guuleed Saalax oo madaxweyne Deni iyo Qoyskiisa ku eedeeyay in ay leexsadeen Mashruuc Solarka Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1755324328496.jpg?resize=960%2C96

Dr. Guuleed Saalax Barre oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweyne Deni iyo Qoyskiisa in ay leexsadeen Mashruucii Solarka, oo ay dowladda Imaaraadku ugu deeqday magaalada Boosaaso.

“Waxaan uga digayaa hogaanka Puntland in ay joojiyaan leexsiga mashruuca solar ka Boosaaso ee ay dawladda Imaaraatku ugu deeqday magaaladda Boosaaso oo qiimaha korontadu yahay midka ugu qaalisan deegaankeena” ayuu yiri siyaasi Guuleed Saalax oo ku eedeeyay madaxweyne Deni iyo Qoyskiisa in ay leexsadeen Mashruucii Solar Boosaaso.

“Magaalada Boosaaso oo u ah lafdhabar iyo il dhaqaale Puntland iyo degaano kale oo badan oo Soomaaliyeed ma mudna in qiimaha korontadu yahay kan ugu sareeya degaankeena, waxay mudantahay in ay noqoto midda ugu jaban maadaama ay tahay xarunta ganacsiga ee degaankeena” ayuu sii raaciyay Guuleed Saalax.

Wuxu sidoo kale ku baaqay in xukuumadda madaxweyne Siciid Deni lagu la xisaabtamo Mashruucii Solar Boosaaso, islamarkaana wuxuu sheegay in shacabka Boosaaso aysan u dulqaadin karin korontada qaaliga ah oo ay kaga duwan tahay magaalooyinka kale ee Puntland.

PUNTLAND POST

The post Guuleed Saalax oo madaxweyne Deni iyo Qoyskiisa ku eedeeyay in ay leexsadeen Mashruuc Solarka Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this