Deeq A. Posted Saturday at 09:00 AM Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa howlgalka AUSSOM, kaas oo Jimcihii lagu xoreeyay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM oo qaaday weeraraka ayaa dagaal adag la galay Al-Shabaab, isla markaana ku jabiyay Bariire oo ay ugu dambeyn la wareegeen, waxaase lasoo wariyay in khasaare wayn uu gaaray Uganda. Inta la xaqiijiyey waxaa ciidamada Uganda uga dhintay howlgalkan oo maalmo qaatay ugu yaraan illaa 17 askari, iyada oo 6 kamid ah ay ku dhinteen gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo ay todobaadkan kusoo weerareen maleeshiyaadka kooxaha Khawaarijta. Dhanka kale, inta uu socday dagaalka waxaa la dilay in ka badan 100 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa la dilay, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa gacanta lagu dhigay maxaabiis nool oo ka tirsan kooxda. Ciidamada ayaa haatan ka wada magaalada iyo deegaannada ku xeeran hawl-gallo nadiifin ah, iyagoo gacanta kusoo dhigay hub iyo saanad ciidan oo fara badan. Howlgalka Bariiri kadib ciidamada ayaa qorsheynayaa inay u jiheystaan dhinaca degmada Awdheegle oo ay haatan ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab, si looga xoreeyo halkaasi. Haddii Bariire ay qabtaan ciidamada huwanta ayaa ah guul-wayn, waxayna sidoo kale suuragalaneysaa in dowladda ay dib ula wareegto shanta buundo ee muhiimka u ah isku socodka gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo culeys ku noqon doonto kooxda A-Shabaab. Shabeellaha Hoose ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo culus oo lagi gaaray guullo waawayn, waxaana horay loo xoreeyay deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolkaasi. Share this post Link to post Share on other sites