Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jubaland oo goor dhaweyd soo dul fadhistay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   
jubaland-forces1-1200x800-1.webp?resize=

Ciidamada Daraawiishta Jubaland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa goor dhaweyd soo fadhistay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan oo taabacsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ciidamada Jubaland oo horay looga qabsaday Beledxaawo ayaa wakhtigan kaabiga ku hayaa degmadaasi, oo ay joogaan ciidamada taageersan dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo wasiirkii hore ee Amniga Jubaland ee fallaagoobay Cabdirashiid Janan oo dhawaan diyaarad lagaga soo qaaday magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Cabdirashiid Janan dhawaan loo magacaabay Taliyaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA ee Gobolka Gedo ahna Madaxa guud ee Amniga Gobolka, iyadoo diyaarad ku geysay degmada Beledxaawo, taasi oo sababtay dagaalladii Todobaadkii hore ka dhacay Beledxaawo ee khasaaraha naf iyo maal dhaliyay.

Xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan ayaa mar kale ka aloosan degmada Beledxaawo, waxaana isu muuqdan labada ciidan ee Jubaland iyo kuwa taabacsan Cabdirashiid Janan, iyadoo shacabka degmadaasi bilaabeen in ay ka qaxaan magaalada, si aan loogu dul dagaallamin.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Jubaland oo goor dhaweyd soo dul fadhistay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this