Deeq A. Posted Sunday at 12:00 PM Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo xalay maleeshiyaad hubeysan ay ku qaadeen Xarunta Warashadda Birta oo ku taalla gudaha degmada Dayniile, halkaas oo maalmo kahor laga saaray dad shacab ah. Weerarka oo ahaa mid xooggan, loona adeegsaday qoryaha Sabanka ayaa lasoo wariyay in lagu qaaday ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa halkaas, isla markaana waday howlo burburin ah. Ilo dadka deegaanka ah ayaa sheegay inay maqlayeen dhawaqa hubka culus oo ay is waydaarsadeen labada dhinac, kadib iska hor imaad kooban oo halkaasi ka dhacay. “Waa habeenkii labaad oo dadka ku hareereysan laamiga warshadaha ee hurdada uga salalaan dhawaaaqa qoryaha dabajeexa iyo sabanka ilaahow na amaanso” ayuu yiri Firdhiye Axmed Jimcaale oo kamid ah dadka deegaanka oo ka hadlay weerarka. Ma cadda khasaaraha ka dhashay falkan, waxaase ka dhalatay cabsi iyo walaac xooggan oo soo wajahday shacabka daggan aagga Warshadda Birta ee degmada Dayniile. Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi. Shalay waxaa xarunta la weeraray booqday xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, kuwaas oo metala shacabka laga saaray dhulkaasi, waxayna dhaleeceeyeen madaxda dowladda. Indhowaanahan waxaa Muqdisho ka taagnaa xiisado culus oo ka dhashay murannada dhulka, iyada oo shacabkii ugu badnaa laga saaray xurumaha kala duwan ee dowladda. Share this post Link to post Share on other sites