Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa ayo Druze? – Dariiqada ka dagaalameysa Suuriya ee Israa’iil ay taageereyso?

Recommended Posts

Deeq A.   
Druze-scaled.jpg

Suwayda (Caasimada Online) – Qabaa’ilka Badawiyiinta hubeysan ee Suuriya ayaa maalintii Axadda ku dhawaaqay inay ka baxeen magaalada Suwayda oo ay u badan yihiin dadka dariiqada Druze-ka haysta ama Al-Muwaxidiinta, ee Israa’iil ay sheegtay in ay taageereyso si ay u bad-baadiso.

Ka bixitaankan ayaa yimid kaddib iska hor-imaadyo socday muddo toddobaad ah iyo xabbad-joojin uu Mareykanku garwadeen ka ahaa, xilli ay gawaarida gargaarka bini’aadannimo billaabeen inay galaan magaaladaas ku taal koonfurta ee ay colaaddu burburisay.

Iska hor-imaadyadii u dhexeeyay maleeshiyooyinka dariiqada diimeed ee laga tirada badan yahay ee Druze-ka iyo qabaa’ilka Muslimiinta Sunniga ah ayaa waxaa ku dhintay boqollaal qof, waxayna halis geliyeen inay carqaladeeyaan marxaladda kala-guurka ee Suuriya ee xilliga dagaalka kaddib oo markii horeba jilicsanayd.

Sidoo kale, Israel waxay tobanaan duqeyn oo dhinaca cirka ah ka fulisay gobolka Suwayda oo ay u badan yihiin Druze-ku, iyadoo beegsanaysay ciidamada dowladda oo lagu eedeeyey in ay la safan yihiin reer baadiyaha ama Badawiyiinta.

Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Axmad al-Sharca, oo loo arkayay inuu u janjeero dhanka reer baadiyaha, ayaa isku dayay inuu qanciyo bulshada Druze-ka, isagoo isla markaasna dhaleeceynayay maleeshiyooyinka. Wuxuu markii dambe ku boorriyay reer baadiyaha inay ka baxaan magaalada, isagoo sheegay “inaysan beddeli karin doorka dawladda ee ku aaddan maaraynta arrimaha dalka iyo soo celinta amniga.”

“Waxaan uga mahadcelineynaa Badawiyiinta mowqifyadooda geesinimada leh, laakiin waxaan ka dalbanaynaa inay si buuxda ugu hoggaansamaan xabbad-joojinta ayna u hoggaansamaan amarrada dawladda,” ayuu yiri khudbad laga sii daayay maalintii Sabtida.

Waa ayo Druze?

Dariiqada diimeed ee Druze ayaa unkatay qiyaastii 1,000 sano ka hor, iyagoo ka farcamay Ismaaciiliya, oo ah laan ka tirsan mad-habta Shiicada ee Islaamka.

Inta badan cibaadooyinka diimeed ee Druze waa kuwo qarsoon, iyadoo dadka aan ka tirsanayn aan loo oggolayn inay diintooda soo galaan, sidoo kalena si adag ayaa looga digaa guurka ay la yeeshaan dadka aan iyaga ahayn.

In ka badan kala bar tirada dadka Druze-ka ah ee adduunka oo lagu qiyaaso hal milyan ayaa ku nool dalka Suuriya. Inta soo hartay ee Druze-ka ah waxay u badan yihiin dalalka Lubnaan iyo Israel, oo ay ku jiraan deegaannada Buuraha Golan, oo ay Israel ka qabsatay Suuriya Dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, kuna darsatay dhulkeeda sanadkii 1981-kii.

Waa kuwan qaar ka mid ah xaqiiqooyinka ku saabsan dariiqada Druze:

Mabaadi’da Druze-ka

“Mabda’a asaasiga ah ee bulshada Druze-ku waa inay is-difaacaan, taasoo la micno ah inay midba midka kale difaaco,” ayuu yiri Makram Rabah, oo ah borofesar ku-xigeen ka dhiga taariikhda Jaamacadda Mareykanka ee Beirut (American University of Beirut).

“Haddii qof Druze ah oo jooga meel kasta oo adduunka ka mid ah uu u baahdo caawimaadda qof kale oo Druze ah, si toos ah ayuu u helayaa,” ayuu yiri Rabah. “Waxaad qayb ka tahay bulsho weyn.” Wuxuu carrabka ku adkeeyay sida dhaqamada bulsho iyo kuwa hidde ay bulshada isugu hayaan. “Waa qabiil weyn,” ayuu yiri.

Guurka lala yeesho dadka aan ka tirsanayn dariiqada lama dhiirrigeliyo. Rabah wuxuu sheegay in Druze-ka caadiga ah ay go’doominayaan dadka guursada qof aan iyaga ka mid ahayn. “Waxaad halis ugu jirtaa in lagugu takooro xagga bulshada iyo is-dhexgalka,” ayuu yiri.

Xiriirka dowladda Suuriya

Druze-ka Suuriya waxay leeyihiin taariikh dheer oo ay ku sameysanayeen waddo u gaar ah si ay ugu dhex noolaadaan awoodaha dalka. Waxay si weyn ugu lug lahaayeen kacdoonnadii ka dhanka ahaa Cusmaaniyiinta iyo gumeystihii Faransiiska si loo dhiso dawladda casriga ah ee Suuriya.

Inta badan Druze-ku waxay u dabaaldegeen ridistii kaligii-taliyihii Suuriya, Bashar Assad, bishii Diseembar, laakiin way ku kala qaybsanaayeen xukunka madaxweynaha ku-meel-gaarka ah, Axmad al-Sharca.

Rabshadihii ugu dambeeyay waxay bulshada ka dhigeen kuwo aad uga shakisan hoggaanka cusub ee Suuriya, kana walaacsan suurta-galnimada wada-noolaansho nabadeed.

Gudaha Israel, xubno ka tirsan bulshada Druze-ka ayaa ku baaqay in lasoo farageliyo si loo ilaaliyo Druze-ka Suuriya. Laakiin meelaha kale ee gobolka, hoggaamiyeyaasha Druze-ka ayaa diiday faragelinta Israel.

Maleeshiyooyinka Druze-ka

Maleeshiyooyin dhowr ah oo Druze-ku hubeeyaan ayaa jiray sanado badan, kuwaasoo markii hore loo aasaasay si ay bulshadooda uga difaacaan dagaalyahannada kooxda Dowladda Islaamiga ah (Daacish) iyo kuwa daroogada ka soo tahriibiya saxaraha bari.

Assad, isagoo caga-jiidaya, wuxuu Druze-ka siiyay heer ismaamul ah, maadaama ay doonayeen inay ka fogaadaan ka qaybgalka jiidda hore ee dagaalka. Druze-ka waxaa laga dhaafay qoritaanka qasabka ah ee ciidanka Suuriya, taas beddelkeedana, waxay aasaaseen kooxo hubeysan oo deegaanka ah, kana kooban shaqaale iyo beeraley, si ay u ilaaliyaan deegaannadooda.

Tan iyo markii xilka laga tuuray Assad, Druze-ku way ka caga jiideen inay hubka dhigaan. Natiijadu waa kalsooni darro is-jiitamaysa, halkaasoo taageerayaasha dowladda ay kooxaha Druze-ka ku tilmaamayaan gooni-u-goosato suurtagal ah ama qalab ay adeegsato Israel, halka cadaawadda dowladda ay sii qoto dheeraynayso walaaca Druze-ka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this