Sign in to follow this  
Deeq A.

TRUMP oo dhaliilay Dhismaha biyo xidheenka Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhowaan bayaan uu kaga hadlay dhismaha biyo-xidheenka Itoobiya ee GERD uu dhaliyay muran baahay, isaga oo ka sheegay kulan uu kula qaatay xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte aqalka cad ee Maraykanka.

Trump ayaa ku sheegay in biyo-xidheenka uu yahay mid goynaya qulqulka biyaha Wabiga Nile ee Masar, waxaana uu cabiray doonitaankiisa “xallinta dhibaatooyinkan sida ugu dhakhsaha badan”.

“Anaga iyo Itoobiya waxaan nahay saaxiib, laakiin waxa ay dhiseen biyo-xireen ka hortagay biyaha inay gaaraan wabiga Nile” Trump ayaa u sheegay wariyayaasha, isaga oo soo hadal qaadaya colaado caalami ah oo dhibaatooyinkeeda ay tahay inuu wax ka qabto. Waxa uu sheegay Nile ay Il muhiim ah u tahay nolosha iyo dakhliga isaga oo yidhi “Waa nolosha Masar”.

Trump ayaa intaasi ku daray, “Waxaan u malaynayaa in Maraykanka ay maalgaliyeen biyo-xireenka. Ma ogi sababta arrintan aan loo xallin kahor dhismaha. Laakiin waa ay wanaagsan tahay in aynu haysano Nile oo biyo buuxaan”.

Saacado uun ka dib hadalkan, Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa soo dhoweeyay hadalada Trump, isaga oo qeexay mahad celintiisa, waxa uu ku tilmaamay “Dhab ahaanta maamulka Maraykanka ee xallinta colaadaha, ” isaga oo hoosta ka xarriiqaya “Masar ay aaminsan tahay awoodda Trump ee xallinta arrintaasi.

Sisi ayaa intaa ku daray in Masar ay taageersan tahay aragtida Trumo ee aasaaska nabdda iyo xasiloonida ee goobaha ay colaaduhu ka jiraan, haddii ay tahay Afrika, Ukraine ama dhulka Falastiin.

Hadalada Trump ayaa yimid todobaadyo ka hor furitaanka rasmiga ah ee biyo-xidheenka ee qorshaysan September ta nagu soo aadan. Kormeerayaasha ayaa sheegay tani ay beddeshay diiradda mid kamid ah arrimaha isku cakiran ee xiriirka dalalka uu maro wabiga Nile. Waxaa horay u guuldaraystay dhammaan wareegyada saddex geesoodka ee gaaritaanka xalka la doonayo.

Biyo-xidheenku ma aha nolol ama dhimasho

Isaga oo ka hadlaya bayaanka Trump, Cabbaas Sharaky, oo ah barafasoor maalgelinta biyaha iyo Jiyoolojiga ee Jaamacada Qaahir, ayaa sheegay, “Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya GERD uusan ahayn dhibaatada ugu weyn ee Masar hadda”.

Wareysi ay la yeelatay BBC Arabic, Sharaki ayaa intaa ku daray: “Biyo-xireenka Itoobiya(GRED) uu dhab ahaantii la dhibtooday waxyeelada soo gaartay intii lagu guda jiray nidaamkii buuxinta ee sannadihii aynu soo dhaafnay, laakiin hadda ay arrimuhu soo hagaagayaan, ka dib markii la dhamaystiray nidaamka buuxinta”.

Sharaky oo sii wada hadalka ayaa yiri, “Masar waxa ay awoodday inay ka soo kabato dhibaatooyinkii ay wajahday muddada sannooyinka ah ee ay socotay buuxinta biyo-xireenka, iyada oo la sii marayo mashaariicda biyaha ee ku kacay lacagaha aadka u faraha badan, waxase ay ka hortageen waxyeelo soo gaartay muwaadiniinta Masar intii lagu guda jiray sannooyinkaasi adkaa. Hadda, biyo-xireenka waa mid si buuxda loo buuxiyay, biyuhuna waxa ay gaarayaan Masar iyada oo qaybteeda oo dhamaystiran ay helayso bilowga sannadka.

Iyada oo ay jirto soo dhoweynta Sisi ee bayaanka Trump, Sharaki ayaa sheegay Sisi “uu albaabka u furayo soo faragalin Maraykan ah, iyada oo siinaysa door lagu gaaro heshiis biyo-xireenka GERD.

Dhiniciisa, falanqeeyaha siyaasada Itoobiya Cabdishukuur Cabdisamad ayaa ku sheegay wareysi BBC Arabic inuu rumaysan yahay bayaanka Trump “boos uu ka soo galo ma laha”.

Cabdisamad ayaa intaa ku daray: “Biyo-xireenka Itoobiya uu hadda taagan yahay buuxintiisii lixaad mana uusan ku sababin wax dhibaato ah Masar, sida ay garowsan yihiin walaalahaya Masar. Biyo-xireenka sare (biyo-xireenka Koonfurta Masar) ayaa ka kooban biyo xooggan oo ka badan intii la filayay”.

Cabdi shakuur waxa uu kaloo ku daray inuu sidoo kale aaminsan yahay Trump uu doonayo heshiis uu la yeesho Masar oo u dhow wixii dhacay 2020, markii lagu magacaabay “Heshiiskii qaraniga. “Maanta, waxa uu aaminsan yahay xaalada lala xiriirin karo xaalka Qaza.

Falanqeeyaha arrimaha siyaasada Itoobiya ayaa sheegay dalkiisa “in aysan khusayn bayaanka, aysana jirin wax ay tahay inuu ka tanaasulo. Waxaan aaminsanahay heshiiskii is-afgaradka ee la saxiixay 2015 ee u dhaxeeyay Itoobiya, Suudaan iyo Masar xaddeeyay khariidad wadahadalka biyo-xireenka.

Cabdisamad ayaa aaminsan xiriirka saddexda dal ee Masar, Itoobiya iyo Suudaan loo sii mari doono heshiiskii Entebbe, oo nidamainaya xiriirka dalalka uu maro wabiga Nile.

Heshiiskan, oo Masar iyo Suudaan aysan saxiixin ayaa loo yaqaanaa qorshaha wadaaga dalalka uu maro wabiga Nile. Waxaa la soo gabagabeeyay 2010 iyada oo sannadkii aynu soo dhaafnay la xoojiyay.

Lixda dal ee saxiixay qorshaha sharciga ee xallinta muranada iyo colaadaha ka dhex dhaca dalalka u wabigu maro, u kala qaybinta dakhliga biyaha iyo samaysashada mashaariicda biyaha iyada oo aanu horay u sii jirin heshiis, ayaysan aqbalin Masar iyo Suudaan.

Lix dal ayaa saxiixay heshiiska Entebbe oo kala ah Itoobiya, Rwanda, Tanzania, Uganda, Buruundi iyo Koonfurta Suudaan, halka Masar, Suudaan, Congo, Eritrea iyo Kenya aysan saxiixin heshiiskaasi.

Doorka la sii ballaadhiyay ee Trump
Ka qayb galka Trump ee arrinta GERD ma aha mid cusub. Bishii Oktoobar 2020, intii lagu guda jiray muddo xileedkiisii koowaad, ayuu kaga hadlay Masar laga yaabo in lagu khasbo “qarxinta biyo-xireenka” intii lagu guda jiray wicitaan taleefonka oo uu la yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee Suudaan Abdalla Hamdok.

Wakhtigaasi, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uma jawaabin si toos ah, laakiin waxa uu ku yiri bayaan: “Itoobiya uma foorarsanayso weerar noocuu doono ha ahaado. Itoobiyaanku weligood jilbaha uma dhigin cadowgooda, laakiin waxa ay xushmeeyeen saaxiibadooda. Taasi ma samaynayno Maanta ama mustaqbalkaba”.

Waxa uu intaa ku daray khataraha la xiriira arrintan ay yihiin “kuwo marin habaabin ah, miro dhal ahayn iyo inay yihiin xadgudub ku yihiin sharciga caalamiga ah.

Sanadkii 2020, maamulka Trump ayaa go’aansaday inuu jaro $100 milyan oo doolar oo gargaarka Maraykanka ee Itoobiya, ka hor inta madaxweyne Joe Biden uusan dib u soo celinta ka dib markii uu xafiiska la wareegay.

Sanadkii 2019, intii lagu guda jiray muddo xileedkii koowaad ee Trump, Maraykanka ayaa marti galiyya dhowr wareeg oo wadahadalada u dhaxeeyay Masar, Suudaan iyo Itoobiya, iyada oo ay ka qayb galayaan Bangiga Aduunka. Si kastaba ha ahaatee, wadahadaladan ayaa sidoo kale guul daraystay, ka dib eedeymaha Itoobiya ee ah Washington ay u janjeersatay Masar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this