Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo gadoodsan oo qabsaday Hotelkii lagu qaban lahaa Shirka dhammaystirka SSC-khaatumo

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1710408362994.jpg?resize=720%2C54

Ciidamo gadoodsan oo ka tirsan SSC-khaatumo ayaa saaka qabsaday Hoteel Jidbaale ee magaalada Laascaanood, halkaasi oo lagu waday in uu maanta ka furmo Shirka dhammaystirka Maamulka khaatumo.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta SSC oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa gacanta ku dhigay goobtii loo diyaariyay in uu ka qabsoomo Shirka dhammaystirka Maamulka SSC-khaatumo, kaasi oo la filayay in uu furmo maanta oo Khamiis ah.

Dhaq dhaqaaqan ayaa bilowday saacado kaddib markii xalay Wasaaradda Amniga SSC-khaatumo go’aamisay in magaalada Laascaanood ay ka reebban tahay in hub lala dhexmaro ama ciidan hubaysan soo galo laga bilaabo 10/7/2025 oo ku beegan maanta, sida ku cad Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda.

Wasaaradda Amniga SSC-khaatumo, waxay sheegtay in Tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo u hoggaansami weyda go’aankaasi, waxaana ay ugu baaqday guud ahaan Shacabka in ay la shaqeeyaan Ciidamada kala duwan ee Amniga Khaatumo.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo gadoodsan oo qabsaday Hotelkii lagu qaban lahaa Shirka dhammaystirka SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this