Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda UK ayaa bilaabi doonta in ay dib ugu celiso Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

860562c0-5e06-11f0-b5c5-012c5796682d.jpg

Dowladda UK ayaa bilaabi doonta in ay dib ugu celiso Faransiiska muhaajiriinta ku imaanaya doonyaha yaryar toddobaadyada soo socda, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Sir Keir Starmer.

Iyadoo la raacayo heshiiska “mid soo gala, mid baxa” qaar ka mida kuwa soo gala ayaa dib loogu celinayaa Faransiiska, beddelkeedana UK waxay aqbali doontaa tiro la mid ah oo magangelyo-doon ah, iyadoo la marsiinayo hubin amni.

Ra’iisul wasaaraha oo ka garab hadlayay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo soo gabagabeyey booqasho saddex maalmood ah oo uu ku joogay dalkaasi, ayaa sheegay in qorshahani uu muujinayo in isku dayga lagu doonayo in lagu gudbo Channel-ka doonyo yaryar “uusan wax faa’iido ah lahayn”.

Waxaa hore loo soo sheegay in qorshahani uu khuseyn doono ilaa 50 qof toddobaadkii in la celin doono, hase yeeshee Sir Keir ma uusan xaqiijin tirooyinkaasi.
“Mid galo, mid baxo” waxay u muuqataa mid fudud – balse heshiiska muhaajiriinta wuxuu noqon karaa mid adag

Ra’iisul Wasaare Keir Starmer wuxuu sheegay in qorshahan “hal-abuurka ah” uu caawin doono in la jebiyo habka kuwa dadka tahriibiya ee sharci darrada ah, isla markaana la ballaarin doonaa haddii uu guuleysto.

Wuxuu sheegay in tahriibka sharci darrada ah uu yahay “musiibo caalami ah, mid ka jirta Midowga Yurub, iyo mid labadeenna dal saameyn ku leh”.

Tan iyo 2018, markii la bilaabay ururinta xogta, in ka badan 170,000 qof ayaa si sharci darro ah ku yimid UK iyagoo adeegsanaya doonyo yaryar. Sanadkan 2025, tiradu waxay gaartay heerkii ugu sarreeyay, iyadoo ku dhawaad 20,000 qof ay gaareen dalkaas lixdii bilood ee ugu horreysay.

Macron wuxuu sheegay in qorshahani uu yeelan doono “saameyn cabsi gelin ah” oo ka baxsan tirada dadka dib loo celinayo.

Waxa uu intaa ku daray in Brexit ay ku adkeysay UK inay wax ka qabato socdaalka sharci darrada ah, isagoo ku dooday in dadka British-ka ah “laga iibiyay been … taas oo ah in dhibaatadu tahay Yurub”.

UK iyo Faransiiska

Xigashada Sawirka,Reuters

Intii uu socday shirka jaraa’id, labada hoggaamiye waxay sidoo kale ku dhawaaqeen in dalalkooda ay iska kaashanayaan.

  • isku dubaridka ka hortaggooda Nukliyeerka, taasoo la micno ah inay si wadajir ah u abaabuli doonaan hubkooda haddii weerar lagu soo qaado
  • Xoojinta iskaashiga ku saabsan kumbuyuutarrada awoodda badan leh iyo garaadka macmalka ah.
  • “in si dhakhso ah loo dardargeliyo” iskaashiga gantaallada lidka maraakiibta.

Qaar ka mid ah faahfaahinta heshiiska ku saabsan doonyaha yaryar, oo ay ku jirto sida UK ay u go’aamin doonto ciddii dib loogu celin lahaa Faransiiska, wali waa kuwo aan si buuxda loo caddeyn, inkastoo la fahamsan yahay in tijaabadu ay bilaaban doonto iyadoo lagu bilaabayo dadka waaweyn.

Dadka ku nool Faransiiska laakiin doonaya inay yimaadaan UK waxay heli doonaan fursad ay xiisahooda ku muujin karaan si ay u dalbadaan magangelyo, iyagoo adeegsanaya madal online ah.

Mudnaanta waxaa la siin doonaa dadka ka soo jeeda dalalka ugu nugul dadka tahriibiyaasha ah, iyo sidoo kale dadka xiriirka la leh UK.

Bayaanka dowladdu soo saartay shir jaraa’id ka dib wuxuu sheegay in heshiiska si rasmi ah loo saxiixi doono “kaddib marka la dhamaystiro hubinta sharciga ee looga baahan yahay, si daahfuran oo wada faham ah la leh Guddiga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

UK iyo Faransiiska

Xigashada Sawirka,PA Media

Dalalka kale ee Midowga Yurub — sida Spain iyo Talyaaniga — waxay ka cabsi qabaan in muhaajiriinta dib loo celiyo ay markaa iyaga loogu sii gudbin karo. Sida uu qabo xeerka Midowga Yurub, qofka dib loogu celiyo Faransiiska waa inuu magangelyo ka dalbadaa dalkii ugu horreeyay ee uu Yurub ka galay, taasoo inta badan noqonaysa dalalka ku teedsan badda Mediterranean-ka.

U qaabilsanaha arrimaha gudaha ee xisbiga mucaaradka, Chris Philp, ayaa sheegay in heshiisku uu “dib u celin doono hal qof oo kaliya 17 qof oo muhaajiriin sharci-darro ah oo soo galaya.”

“Ogolaanshaha in 94% muhaajiriinta sharci-darrada ah ay sii nagaadaan waxba kama beddeli doono xaaladda mana yeelan doono saameyn ka hortag ah.”

John Vine, oo ahaa kormeeraha guud ee hore ee socdaalka iyo xuduudaha, ayaa barnaamijka Newsnight ee BBC u sheegay in dejinta mabda’a ah in Faransiisku dib u qaato qaar ka mid ah muhaajiriinta sharci-darrada ah ay tahay “tallaabo cusub” iyo “guul la gaaray.”

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu sheegay in qorshuhu aanu yareyn doonin socdaallada badda ilaa tirada dadka dib loo celiyo ay noqoto “mid weyn.”

Imran Hussain oo ka tirsan Golaha Qaxootiga ayaa sheegay inay tahay “sax” in dowladda ay eegto siyaabaha loo bartilmaameedsan karo qaabka ganacsiga tahriibiyayaasha, isla markaana soo jeedintaasi ay sidoo kale bixin karto “habraac ay qoysasku si nabad ah oo sharci ah uga yimaadaan Faransiiska una yimaadaan UK.”

Bbcsomali

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this