Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Lagu Muransan Yahay ee Xuquuqul Insaanka oo la Ansixiyay: Sharci Mise Go’aan Siyaasadeed?

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkastoo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay xalay si aqlabiyad ah u ansixiyeen sagaalka xubnood ee Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), haddana waxaa horay soo baxay cabashooyin xooggan iyo diidmo ka timid qeybo kala duwan oo bulshada ah, oo ay ugu horreeyaan ururada siyaasadda dalka, aqoonyahanno, iyo ururada bulshada rayidka.

Ururada siyaasadeed ee dalka qaarkood ayaa si adag uga horyimid habka xulitaanka xubnahan, iyaga oo ku tilmaamay geedi-socodka xulashada mid lagu saleynayay musuqmaasuq, eex, iyo dano siyaasadeed, halkii laga filayey in lagu saleeyo karti, madaxbannaani, iyo daah-furnaan buuxda.

Waxay sheegeen in liiska lasoo xulay uu ahaa mid horey loo sii diyaariyay, lagana dhex saaray tartamayaashii u qalmi lahaa, isla markaana ay ku sugnaayeen musharrixiin uu si toos ah u watay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin qareenno iyo khubaro ku takhasusay xuquuqul insaanka ayaa si adag u naqdiyay habka xulashada.

Sidoo kale, Ururada Bulshada Rayidka ah ayaa muujiyay walaac ku aaddan sida loo wiiqay doorkii ay ahayd in ay ka qaataan geeddi-socodka la-talinta iyo dabagalka xulashada. Qaar kamid ah ururadan waxay soo saareen bayaano qoraal ah oo ay ku dalbanayaan in dib loogu noqdo xulitaanka guddigan, loona furo fursad siman oo tartan dhab ah lagu sameeyo.

Xubno ka tirsan Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in aan lagala tashan xulashada xubnahan, taasoo ay ku tilmaameen ku tuman sharciyaddii hannaanka dhismaha guddiyada madax-bannaan.

Inkasta oo Guddigaan cusub si rasmi ah loo ansixiyay, haddana waxaa muuqata in ay durba wajahayaan caqabado ballaaran oo la xiriira sharciyadooda, kalsoonida dadweynaha, iyo taageerada siyaasadeed.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban sagaal ayaa waxay kala yihiin:

1.⁠ ⁠ Axmed Shiikh Xamsa Abshir
2. Cali Maxamed Cilmi
3. Dr. Cumar Cabdulle Calasow (PhD)
4. Dr. Maryam Qaasim Axmed
5. Faadumo Cabdiqani Yuusuf
6. Farxaan Maxamed Jimcaale
7. Dr. Maxamed Cismaan Maxamuud (PhD)
8. Maxamed Haaruun Maxamuud
9. Muumina Shiikh Cumar

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this