Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in DF Somalia ay ciidamada Haramcad geynayso gobolka Sanaag?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay warar saacadihii u dambeeyay la isla dhexmarayay oo sheegaya in dowladdu ay ciidamada Haramcad geyneyso gobolka Sool, oo haatan ay dhaq-dhaqaaq xooggan ka waddo Villa Somalia.

Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya, Maxamuud Aadan Geesood ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dowladdu qorsheynayso inay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad geyso gobolka Sanaag.

“Waxba kama jiraan in ciidanka Haramcad la geyn doono gobolka Sanaag, shacabka waxaa ay xaq u leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan,” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Beenintan ayaa imaneysa xilli ay gobolka Sanaag iyo weliba kan Highland ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda, kuwaas oo u dhexeeya siyaasiyiin ay riixeyso Villa Somalia iyo hoggaanka sare ee Puntland.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada maamulkaasi, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo la sheegay inuu ku xiran yahay Villa Somalia, isla markaana wata ciidamo maleeshiyaad ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha u galay qaybo kamid ah gobolka Sanaag oo uu deegaan ahaan kasoo jeedo.

Cabdirashiid ayaa ka shaqeynaya sidii gobolkaas uu ugu biiri lahaa dhammeystirka maamulka SSC-Khaatumo, isaga oo qaban-qaabinaya shir guud oo lagu diyaarinayo ergadii metali lahayd gobolka Sanaag.

Dhankeeda, Puntland ayaa si weyn uga hortimid dhaq-dhaqaaqan, waxaana ciidamadeeda ay haatan abaabul culus ka wadaan gobolka, si ay uga hortagaan qorshaha Cabdirashiid iyo Villa Somalia ee ku aaddan sidii gobolkan uu ugu biiri lahaa maamulka SSC-Khaatumo.

Puntland ayaa ku dadaaleysa sidii ay u baajin lahayd shirka loo qabanayo reer Sanaag, iyadoo adeegsaneysa siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanka iyo ciidamo taabacsan.

Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ay ku eedeeyeen dowladda federaalka inay faragelin siyaasadeed iyo qalalaase ka waddo gobolka Sanaag, iyada oo adeegsaneysa siyaasiyiin kasoo jeeda gobolkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this