Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Is-beddel ku yimid qorshihii ay ciidamada Masar ku iman lahaayeen Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dib-u-dhac ayaa ku yimid oggolaanshaha iyo imaatinka ciidamada Masar ee Soomaaliya, taasi oo sababtay firaaq weyn oo ku yimid qaab-dhismeedka hawlgalka cusub ee Midowga Afrika. Arrintan ayaa khasabtay in ciidamada Burundi ay sii joogaan dalka muddo ka badan intii markii hore qorshuhu ahaa.

Sababtoo ah dib-u-dhacan, ciidamada Burundi oo qorshuhu ahaa inay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka bishii Juun, ayaa hadda sii joogi doona ugu yaraan lix bilood oo kale si ay gacan uga geystaan buuxinta baahida ciidan ee ka dhalatay la-dagaallanka kooxaha xagjirka ah. Go’aankan ayaa waxaa gaaray Khamiistii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC), oo ah hay’adda go’aannada ka gaarta arrimaha amniga qaaradda.

Kal-fadhigiisii 1287-aad, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, oo uu shir-guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda, Jeje Odongo, wuxuu ku soo gabagabeeyay in joogitaanka ciidamada milatariga iyo booliska ee goobta ay muhiim u tahay jihada istiraatiijiyadeed ee howlgalka iyo ka adkaanshaha al-Shabaab.

“Golaha Nabadda iyo Ammaanka wuxuu go’aaminayaa in dhammaan ciidamada milatariga iyo booliska ee Aussom ee hadda ku sugan aagga howlgalka, oo ay ku jiraan kuwa bixitaankooda la hakiyay 30-kii Juun 2025 sababo hawlgal awgood, ay xaq u yeeshaan taageerada saadka ee UNSOS, muddo aan ka badnayn lix (6) bilood, inta laga dhammaystirayo geeynta dhammaan ciidamada dalalka ku jira Aussom (TCCs),” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka fadhiga.

Qorshaha asalka ahaa wuxuu ahaa in ciidamada Masar ay beddelaan kuwa Burundi ka dib khilaaf weyn oo dhexmaray Gitega iyo Muqdisho dhammaadkii sannadkii hore, kaasoo salka ku hayay tirada ciidamada loo qoondeeyay Burundi ee habka cusub ee amniga ka dib markii uu dhammaaday howlgalkii Atmis 31-kii Diseembar, 2024.

Imaatinka ciidamada Masar ayaa markii hore ka dhashay khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Qaahira ay garab siisay Muqdisho. Waxaa qorshuhu ahaa in ciidamada Masar ay beddelaan kuwa Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka heshiiyey khilaafkooda, waxaana Muqdisho ay ogolaatay sii joogitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka.

Ma cadda haddii dib-u-dhacyada hareeyey imaatinka ciidamada Masar ay la xiriiraan go’aankaas, ama haddii ay tahay arrin ku kooban farsamo oo keliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ku sugan Qaahira, waxaan suurta-gal ah in kulamada uu la yeelanayo madaxda Masar laga helo war cad oo ku saabsan arrintan.

Si kastaba ha ahaatee, habraacyada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee lagu geynayo ciidamada Masar ayaa jiitamay, taasoo lagama maarmaan ka dhigtay in Burundi lagu sii hayo howlgalka, oo ay weheliyaan cutubyo boolis ah oo ka socda Ghana iyo Sierra Leone, kuwaasoo sidoo kale qorshuhu ahaa inay baxaan. Golaha ayaa caddeeyay in ciidamada Masar la geyn karo oo keliya marka tiro la mid ah ciidamada Burundi ay ka baxaan Soomaaliya si loo ilaaliyo saqafka tirada guud ee loo oggol yahay howlgalka.

Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya ee Midowga Afrika (AUSSOM) ayaa inta badan sii haystay ciidamadii ku jiray howlgalkii hore ee ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia) marxaladdii hore ee kala-guurka ilaa 30-ka Juun.

Iyadoo Midowga Afrika uu la tacaalayo farqiga dhaqaale ee ka dhashay bixitaanka deeq-bixiyeyaasha, haddana wuxuu hadda wajahayaa khatarta amni ee joogtada ah ee Al-Shabaab iyo culeys dhaqaale oo ka culus. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa faray ergooyinka inay la xiriiraan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Midowday (United Kingdom) iyo saaxiibbada kale si loo qabanqaabiyo shir loogu ururinayo kheyraadka howlgalka, kaasoo u baahan $166.5 milyan sannadkii.

Toddobaadkan, si kastaba ha ahaatee, Midowga Yurub wuxuu u sheegay wargeyska The EastAfrican: “Ma hayno wax kale oo aan ku darno marxaladdan” isagoo tixraacaya xaaladda ka dhalatay ka dib markii Midowga Afrika uu ku guuldareystay inuu helo maalgelin uu ka helo nidaamka Qaramada Midoobay, taasoo dabooli lahayd boqolkiiba 75 miisaaniyadda howlgalka. Si taas wax looga qabto, kulankii wasiirrada waxaa lagu go’aamiyay in la labanlaabo Sanduuqa Keydka Dhibaatooyinka ee Midowga Afrika (Crisis Reserve Facility) oo la gaarsiiyo $20 milyan sannadka 2025.

Go’aankan lagu sii haynayo ciidamada Burundi ayaa yimid ka dib markii al-Shabaab ay dib ula wareegeen dhulal ay ka mid tahay saldhigga Biyo Cadale oo ay hore u joogeen ciidamada Burundi, taasoo muujineysa in awood-dhismaha ciidamada Soomaaliya aysan u xoogganeyn sidii ay Muqdisho sheegtay.

Shir degdeg ah oo lagu qabtay Entebbe 25-kii Abriil, 2025, ayaa lagu ansixiyay codsi ah 8,000 oo askari oo dheeri ah si loo xoojiyo Aussom, waxaana lagu meel mariyay Fikradda Hawlgallada (Conops). Iyadoo 3,000 oo askari oo Burundi ah ay horay ugu sugan yihiin Soomaaliya, Midowga Afrika wuxuu raadinayaa 5,000 oo askari oo dheeri ah si wax looga qabto baahiyaha hawlgal ee sii kordhaya.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu oggolaaday qayb milatari oo Aussom ah oo ka kooban 12,626 askari laga bilaabo 1-da Jannaayo ilaa 30-ka Juun, 2025, taasoo hoos ugu dhacaysa 11,146 askari laga bilaabo Luulyo ilaa Diseembar. Qorshaha Hawlgallada (Conops) wuxuu qeexayaa ka-bixitaan marxalado ah oo horseedaya bixitaan buuxa bisha Diseembar 2029.

Inta la sugayo bixitaanka qorsheysan ee Burundi iyo dib-u-soo-celinta Itoobiya, tirada ciidamada ee lagu heshiiyay bishii Febraayo waxay Uganda u qoondaysay 4,500 oo askari, Itoobiya 2,500, Djibouti 1,520, Kenya 1,410 iyo Masar 1,091.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this