Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
320514506_1325105271604937_9066551822804

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo maanta ku wajahan gobolka Mudug ayaa lagu wadaa in uu dhagax-dhigo dib u dhiska jidka Laamiga ah inta u dhexaysa Bacaadweyn iyo Gaalkacyo.

Madaxweyne Siciid Deni oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa saaka degaanka Bacaadweyn ka dhagax dhigaya dib u dhiska jidkaasi laamiga ah oo xukuumadda Puntland sheegtay in ay bixinayso dhaqaalaha ku baxaya.

Dhinaca kale, xildhibaan hore Cawil Xasan Daad oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridsan xukuumadda madaxweyne Deni ayaa waraysi uu bixiyey ku tilmaamay qorshahaasi dhagax-dhig beeneed aysan wax dan ah ugu jirin jidkaasi iyo guud ahaan kaabayaasha horumarinta ee gobolka Mudug.

“Deni Mushaharkii bixin waayay ee Injineeradii Khuburada ahaa ka carareen, Waddo dhisimaysee waxaan codsanaynaa in nalaga daayo dhagax dhiga beenta ah oo dhibaato horseedi kara” ayuu yiri xildhibaan hore Cawil Xasan Daad.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this